Home » Warar »

Wefdiga diyaarinta shirka wadatashiga Soomaalida oo maanta kulan la qaatay madaxda ugu sareysa dowladda

Wefdi ballaaran oo uu  hogaaminayo Christian Manhal oo ah kuxigeenka ergayga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan xafiiska siyaasada Soomaaliya SRSG ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wefdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa wakiilo ka socday maamulada Puntland iyo Galmudug State waxayna kulamadoodan ku aadanaayeen diyaarinta agendaha iyo qorsheyaasha kale ee shirka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo ee la filayo in dalka Soomaaliya lagu qabto, iyadoo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana ay Q/midoobay ka tahay Facilitator.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxda wefdigan Mr. Christian Manhal kulamadooda kadib shir jaraa’id oo ay ku qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhinacyadu ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa agendaha shirka wadatashiga ee heerkiisu sareeyo ee Soomaalida iyo agendayaashiisa iyagoo sheegay inay isla meel dhigeen arrimo badan oo ku aadan shirkaasi.

Halkan kadaawo sawiradii oo dhamaystiran

Wakiiladii ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta yimaadaan magaalada Muqdisho ayna kulamo wadatashi ah la yeeshaan madaxda ugu sareysa dowladda taasoo ay sheegeen inay  muhiimad gaar ah u leedahay maamuladooda, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen qabsoomida shirka oo lagu wado in la qabto bartamaha bisha fooda inagu soo heysa ee Augost.— 

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.