Home » Warar »

Shirka latashiga soomaaliyeed oo laga yaabo in Garoowe marti geliso

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Pundland Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore u sheegey in Maamulka Pundland uu diyaar u yahay in qabto ama marti geliyo Shirka la tashiga Soomaaliya oo hore loogu heshiiyey qabashjdiisa Shirkii ka dhacay dalka kenya  ka dib markii halkaa isugu tageen Masuuliyiin ka socotey Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah ,Maamulada ka jira Soomaaliya hadaba maxaa ka jira in Magaalalda Garoowe lagu qaban doono Shirka Wada tashiga soomaaliyeed

Dhawaan marki uu ergeyga gaarka ah uu yimid Magaalada Muqdisho isla markaana uu kulamo la qaatey Masuuliyiinta Dowladda Federaalka sida Madaxweyne Shiilh Shariif Gudoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Rsiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kulamadaas la iskula soo qaadey qaabkii loo qaban lahaa shirka wada tashiga Soomaaliyeed , waxayna war aan ka helne Madaxtooyada Dowladda Federaalka uu  sheegayaa  in Masuuliyiintaas lagu cadaadiyey in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto Magaalada Garoowe ee Maamulka Punland

Waxaa lagu waramey in Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Xasan  uu aqbaley in kulankaas lagu qabto Magaalada Garoowe  sidoo kale Raiisul Wasaraha  Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uui isna aqabaley in kulankaas lagu qabto Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal hase yeeshee Madaxweynaha Dowladda Federaalka  Shiikh Shariif Shiikh  Axmed ayaa isaga ka biya diidey  in kulankaas lagu qabto Magaalada Garooowe  wuxuuna yiri”Shrikii ka dhacay Magaalada Nairobi waxaa lagu Go’aansadey in kulanka Dib u heshiisiinta ama la tashiga lagu qabto Magaalada Muqdisho marka ma aha in Go’aankaas la hareero maro waayo Muqdisho diyaar bay u tahay in Martigeliso kulankaas “

Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan waxaa uu kulan kula yeeshey Magaalada Nairobi Raiisul Wsaaraha Dowladda Fedraalka Cabdiweli Maxemed Cali Gaas  oo la sheegey in ay isla soo qaadeen in Magaalada Garoowe lagu qabto Shirka wada tashiga soomaaliyeed  taasoo uu si weyn u soo dhaweeyey Raiisul Wasaaraha  hase yeeshee Go’aanka ugu dambeeya waxaa leh Qaramada Midoobey oo iyadu Dhqaalaha ugu badan ku bixineysa kulankaas iyo iyadoo dooneysa meel amaan ah lagu qabto maadaama ay doonayaain in ay ka qayb galaan kulankaas balse Waqtiga la qabanayo Shirkaasi Qaramada Midoobey kuma dhawaaqin, waxana kulankaas loogu talagaley in laga qaybgeliyo Odoyaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala Duwan ee Bulshada rayidka ah  

Kulanka la tashiga ee ka dhacaya Gudaha Soomaaliya ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlaya waxaa ugu waaweyn qaabka loo qabanayo Doorashada Hayadaha Dowlada sida Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa sidoo kale waxaa kulankaas looga arinsan doonaa oo Go’aan looga gaari doonaa  in si aad ah loo dhimo Golaha Baarlamaanka oo hadda ka kooban  Shan Boqol oo xubnod waxaana la sheegey in Qaramada Midoobey ay dooneyso in kulankaas laga so saaro qoqdob ah in Baarlamaanka laga dhigo 180 xubnood iyadoo Qaramada midoobey ay hore u sheegtey in aysan Dhaqaale u hayn Baarlamaan gaaraya 550 Xubnood isku soo duuboo waxa loo fadhiyaa oo la wada sugayaa waa  halka lagu qaban doono  Kulankaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.