Home » Warar »

Ururka SWACRO oo Deeq Lacageed oo ay soo Wakiilatey Jaaliyadda ku sugan Minneapolis Gaarsiisey Dadka ka soo Cararey Abaarta

 Iyadoo dad fara badan ay ka soo cararayaan  Abaar ka dilaacdey qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya kuwaas oo u qaxay Qaar ka mid ah Wadamada Deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya oo maalinkii ay gaarayaan ilaa  Kun iyo laba Boqol oo qoys iyo weliba Magaalada Muqdisho oo maalinkii ay soo galayaan Kun iyo Shan Boqol oo qoys  ayaa markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaa dadkaas ay abaartu soo qaxisey lala gaarey kaalmooyin dhinac weliba leh Gurmadkaas loo fidiyey  Dadkaas ayaa waxa ka mid ahaa ururradii ka qayb qaatey Ururka SWACRO  Somali Women and Children Rescue Organization oo maanta gaarsiiyey Dadkaas Lacago Deeq oo ay soo gaarsiiyeen dadka Soomaliyeed ee ku nool Minneapolis ee Mareykanka. Lacagtaan Deegda ah ayaa waxaa soo dhiibey Jaaliyadda Magaalalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka waxaa la soo marsiiyey Wakiilka Ururka  SWACRO ee Gobolka Minnesota Maxamed Axmed Magan wuxuuna isna soo wakiishey Wakiilka Hayadda SWACRO ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow Maxamed  iyo Gudoomiye ku xigeenka Ururkaasi  Amiin Yuusuf Khasaaro waxaayna Markiiba bilaabeen qaybintaa Lacagtaas,  iyadoo ay gaarsiiyeen Xero lagu hayo dadkas ka soo cararey Abaarta oo ku taal Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir  Lacagtaas Deeqda oo ka koobneyd ayaa loo qaybiyey 140 Qoys waxaana lacagataas mid mid qoysaskaas u siyeey Yaasmiin Mayow Maxamed iyo Amiin Yuusuf Khasaaro,wakiilka Ururka ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow markii ay dhameysey qaybinta lacagtaas ayey bilowdey in soo indha indheyso Sida ay Noloshoodu Tahay Dadka ka soo cararey Abaarta .

Halkan kadaawo sawiradoo dhamaystiran

waxayna halkaa ku soo aragtey in dadkaas ay heyso Daruufo adag oo dhinaca Nolosha ah balse waxay sheegtey in   gargaaku aanu sidii  la rabay u gaarin ka dib markii Hayadihii waaweynaa ilaa iya hadda ay dadkaas la soo gaarin Caawinaadii ay u baahnaayeen  balse waxay Sheegtey in dadkaa ay  hadda  ku nool yihiin wax yar oo soomaalida  ku nool dalka Dibadiisa iyo Gudhiisa iska soo ururiyeen oo aan dabooli Karin noloshooda  Yaasmiin ayaa ayaa u mahadcelisey intii isku soo dabaridey Deeqdaas lacagta ah gaar ahaan Jaaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota sidoo kale waxay u mahadcelisey Maamulka Degmada waaberi oo ay sheegtey in la’aantood aysan deeqdaas u qaybin lahayn dadkaa abaaraha ka soo cararey  waxayna u soo jeedisey dadka soomaaliyeed ee wax haysta ee ku nool dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ay gargaar la soo gaaraan dadkaas oo ay sheegey in ay ka muuqato Diiftii iyo Darxumadii Abaarta  maadaama ay ka gaabiyeen in dadkaasi ay Caawiyaan  Hayadihii gargaarka bixin jirey ee Caalamka oo Gargaarkoodu uu noqdey mid Afka Baarkii ah, haddaba hadii aad dooneyso inaad u gargaarto gargaarkaaga ku soo hagaaji ciwaanada hoose ku qoran oo laga helo.
E-Mail yaasmiinm@hotmail.com
Tel 0025261-5590407
Tel 0025269941000400252-1-0-62287815Somalia Mogadishu.

W/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.