Home » Warar »

Suldaanka Guud ee Beelaha Tuni oo Baaq ku Saabsan Abaaraha u direy Hayadaha Samafalka iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed ,Dowladda Federaalka iyo Xarakadda Alshabaab

guud ee Beelaha Tuni Sulddaan Faqi Sayid Faqi ayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane u diraya baaq qayllo dhaan ah oo ku saabsan in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha iyo colaadaha,Asagoo sheegey in la joogo xilli qof kasta oo Soomaali ah dibad iyo gudahaba ah  wixii uu heli karo ula gurmado walaalahooda la dhibaateysan abaaraha colaadaha ka taagan Soomaaliya.Sulddaanka ayaa farta ku fiiqey inay  Xoolaha Soomaaliya ay dhammaadeen,gaar ahaan dhulkii ugu barwaaqada badnaa Soomaaliye ee Koonfurta ay abaaraha ka dhacey sidaa darteed waxaa  hadda   billaabantey  inay dadku dhammaadaan,halka kuwa hareyna ay ku dhibaateysan yihiin Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla Muqdisho iyo hareeraheeda.

Sulddaan Faqi ayaa wuxuu baaq toos ah u dirayaa dowlladda ku meel gaarka,gaar ahaa masuuliyiinta ka soo jeedda Gobollada Koonfurta Soomaaliya, inay dadkooda ku dhammaanaya ay  gurmad la gaaraan,asagoo yiri lama joogo xilli la is eedeeyo ama siyaasad la isku qabsado ee waxa la joogaa xilli  la badbaadinayo shacabka baaba’aya;wuxuuna xusey in la gaari doono xilli qof waliba  lagu xisaabtamayo masuuliyaddiisa adduun iyo aakhiro.

Sidoo kale Suldaanku wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed,qurba joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeedda Gobollada Koonfurta Soomaaliya u dirayaa baaq ku aaddan inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkooda ku Dhibaateysan  dariiqyada,wuxuuna Sulddaanku ku talinayaa in dadkaas deegaanadooda lagu celiyo oo halkaas looga furo goobo quudin ah oo raashiinka loogu kariyo.

Suldaanka ayaa tilmaamey in haddii sidaas la yeeli waayo oo ay xaajadu noqoto in meelo ka baxsan gargaarka la geeyo ay taasi keeni karto cawaaqib xumo aan la mahdin doonin,wuxuuna mar kale sulddaanku dadka ka soo jeeda gobolada Koonfurta ka codsanayaa inay deeqaha ay dadkaas siinayaan ugu geeyaan deegaanadooda.

Dhinaca kale Sulddaanka ayaa soo dhoweeyey hadalkii dhowaan ka soo baxey Xarakada Al-Shabaabul Mujaahiddiin ee ahaa inay fasaxeen Hayadaha gargaarka inay meelaha ay ka taliyaan gargaarka keeni karaan,waa arrin aad u wanaagsan oo lagu farxo,wuxuuna codsadey in sida ugu fudud loogu madaxbaneeyo qeybinta gargaarka ay Hayadahani keenaan meelaha ay ka taliyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.