Home » Warar »

Dhaqaatiir​ta Da’da yar oo gurmad caafimaad u fidiyey barakacaya​sha Dagan Degmada Hodan

Kadib Mariki in kabadan kumaan qof oo Barakacayaal ah oo ka yimid Gobalada Dalka Somaliya qeybihiisa kala duwan kuwaasoo maalin walbo soo gaaraayo Muqdishu, ayaaa ururka dhaqaatiirta da’da yar usbuucyadii ugu dambeyey ku mashquul sanayeen gurmadyo caafimaad ay u sameenayeen dadka barakacayaasha ah ee soo gaaraayo magaalada Muqdisho.
Gurmadkii ugu dambeeyey ee caafimaad waxay manta u sameyeen Barkacayaasha dagan Degmada Hodan, kuwasoo runtii la ildarnaa xanuuna kala duwan  gaar ahaan nafaqo darida oo inta badan caruurta iyo hooyooyinka ay la dhibanayaan, sido kale waxay dadkaan barakacayaasha ah aad oola xanuunsanayeen cudurada ku dhaco maqaarka iyo dhiig la’aan, hoowshaan caafimaad oo isugu jirtay daaweyn, sheybaar, fiisito lacag la’aan ah ayaa waxaa ka faideystay boqaal qoys oo dagan degmada Hodan.

Halkan kadaawo sawirada oo dhamaystiran
Dhaqaatiirta da’da yar aya waxay sameeyeen gudi dhaqaatiir ah oo hooshaan tabarucaada ah sii wadi doono, waxayna gudikaan dhaqaatirta ah ay si joogta ah u booqan doonaan dhamaan dagmooyinka ay ku soo barakaceen barakacayaasha Soomaaliyeed ee la liito cudurada inay u sameyeen dhamaan gar gaarka caafimaad ay u baahan yihiin si mutadawacnimo ah.
Mahadsanidin
Gudoomiyaha Dhaqaatirta Da’da yar
Dr. Abdiqani Sheikh Omar Mob. +252 61 5577282
 Tell. +2526-99-750607Mogadishu,

    Somalia.dr.abdiqani@soyda.netdr.abdiqani@hotmail.com
somyoungdoctors@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.