Home » Warar »

Ururka INISKOY oo Siminaar u qabtey Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Muqdisho.

Ururka  Nabadda iyo Dimoqaraadiyada ee (Iniskoy Peace and Democracy Organization ) ayaa simnaar socdey Muddo sedex Malmood ku qabatey Hoyga Nabadda ee Magaalada Muqdisho waxaana loo qabtey Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Muqdisho  (Women Streets Vendors)  oo tiradooda gaarsey Lixdan Xubnood waxaana looga hadlayey  Sidii wax loogu qaban lahaa Haweenka ku Ganacsada Wadooyinka Dhexdooda.
Siminaarkaan ayaa Furitaankiisii ka Hadley Agaasimaha  Ururka INISKOY   Mudane Maxamed Shiikh Maxamed oo sheegey in sababaha Siminaarka Loogu qabanayo Haweenka Ku Ganacsada Wadooyinka ay tahay sidii ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda isla markaana  iyaga looga heli lahaa Xaquuqda lagu leeyahay , sidoo kale wuxuu sheegey in Ururkiisa doonayo sidii Haweenka ku ganacsada Wadooyinka uu  ugu abuuri lahaa Shaqooyin ka hormarsan kuwa maanta ay ku jiraan  oo mararka qaarkood ay kala kulmaan Dil , Dhac ,Xabsi , Hanajabaad iyo Baad.

Halkan kadaawo sawirada oo dhamaystiran
Macalimintii wax ka dhigeysey Siminaarkaas ayaa si aad ah ugu dheereedey sida wax loogu qaban karo Haweenka ku ganacsada Wadooyinka iyagoo sheegey  in Haweenkaas ay dhbaatooyin mar waliba kala kulmaan  kooxo Maleeshiyooyin ah mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jirtey Dowlad La’aanta. waxay kaloo ay  sheegeen in dhibaatooyinkaas haysta Haweenka ku ganacsada Wadooyinka ugu bixi karaan iyagoo helo Dowlada Daryeesha  oo Ganacsigooda Hormarisa.
Haweenkii ka qaybgaley Siminaarkaas ayaa loo direy Howl Kooxeed  kuwaa oo si Saraaxad leh ugu soo jawaabey Suaalihii Loo direy kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida Haweenka ku ganacsada Wadooyinka ay u heli lahaayeen Xaquuqdooda Ganacsi  waxayna is tusaaleeyeen in ay u baahan yihiin in Ganacsiga ay maanta ku jiraan loo hormariyo , waxa kale oo ay sheegeen  Mudadii Sadexda maalmood ee Siminaarka u socdey ay kala fahmeen  in ay ka maqan tahay Xaquuqo Fara badan islamerkaana waxay sheegeen in siminaarada noocaan oo kale ah la balaariyo maadaama Sananadahaan Dambe ay soo kordheen haweenka ku ganacsada Wadooyinka
Saynab oo ka mid ahayd ka qaybgalayaashii Siminaarka ku saabsanaa  haweenka ku ganacsada wadooyinka oo ku hadleysey  magaca ka qaybgalayaasha ayaa ugu horeeyn u Mahadcelisey intii isku soo duba ridey Siminaarkan waxayna faahfaahin ka bixisey Dhibaatooyinka ay mar weliba la kulmaan Haweenka ku ganacsada Wadooyinka  iyadoo Carabka ku balaarisey Dhacdooyin Xanuun badan  oo soo wajahay Haweenka ku ganacsada Wadooyinka waxayna ugu dambeyntii Sheegtey  in wixii ay halkaan ku barteen ay u gudbin doonaan Haweenka kale ee aan fursada u helin  ka qaybgalka siminaarkan sidoo kale waxay si gaar ah ugu Mahadcelisey Ururka Soo qaban qaabiyey Siminaarkaan INISKOY,wuxuuna Siminaarkaas ku soo gabagaboobey sidii loogu talagaley 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk                                                                            
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.