Home » Warar »

Cali Daahir Muudey “75 sano baan Jiraa intaas oo Abaar baa isoo Marey Weligeey Muqdisho ma Imaan !!

 

Xarakada Al-Shabaab oo Deegaanka Lambar 50 ka furtey Xero kana qaybisey Raashin Isla markaana Dadka Abaarta u dhistey Teedhooyin

Waxaa Magaaloyinka waaweyn ee Soomaaliya iyo Xuduudaha Itoobiya iyo Kenya ku qulqulaya dad ka soo barakacay Abaaro baaxad weyn oo ka dilaacay qaar ka mid ah  Gobalada Soomaaliya kadib markii xiliyadii Roobka ee sanooyinkii la soo dhaafay ay meesha ka baxeen, waxayna dadkaasi soo barakacay isugu jiraan Haween, Carruur iyo Dad da’ ah, kuwaas oo Tuulooyinkii ay deganaayeen  ku haystey xoolo iyo beero, dadka odorosa xaaladda abaaraha ay sheegayaan in marba marka dambeysa ay ka sii dareyso isla markaana haddii aan deg deg dadkaasi wax loogu qaban ay imaan doonto dhimasho aad u badan oo aan waxba laga qaban Karin.

Magaalada Muqdisho ayaa baryihii la soo dhaafay waxaas oo galay dad raxan raxan u socda oo qaarkood soo lugeynayey mudo aad u dheer kadib markii tuulooyinkii ay deganaayeen ay xaalufisay abaar daran, waxaana Magaalada Muqdisho ka bilowday olole dadka lagu wacyigelinayo oo ku saabsan sidii dadkaasi loo gacan qaban lahaa, waxaana dadkaani la dejiyey guryo markii hore burbursanaa oo aan laheyn musqulo isla markaana  aan Nadaafadooda wanaagsaneyn, waxaana dadkaasi maalin walba la gaarsiiyaa wax ay afka geliyaan hase yeeshee caawinaadu sidii la rabay uma socoto, waayo Hay’adihii waaweyn ee deeqda bixin jiray ayaa dadku isweydiinayaan sababta ay uga gaabiyeen in dadkaasi ay wax u qabtaan.

Cali Daahir Muudey oo ka soo barakacay tuulo ku taal Gobalka Bakool mudo dheerna halkaasi ku noolaa ayaa yiri mar uu ka hadlayey abaarta jirta “75 sano ayaa jiraa weligay Muqdisho ma imaan waxaa I soo maray abaaro fara badan oo aan weligay ka soo barakicin laakiin abaartaan waxay  i gaarsiisay in aan Muqdisho maanta soo galo kadib markii ay naga dhamaadeen xoolihii, Beerihiina ay abaareysteen wax aan gacan ku hayna aysan jirin” wuxuu intaa sii raaciyey “Muqdisho waxaa ku sugan dad wanaagsan oo jecel in ay dadka u naxariistaan si wanaagsan ayaana naloo soo dhaweeyey, waxaana nala dejiyey goobbo, waxaana naloo keenay raashin kala duwan iyo daryeel caafimaad”, wuxuu hadalkiisa ku sii daray “Abaartaan way ka duwan tahay tii 1992-dii, waayo waxaan ka cabsanayaa in dad badan ay naga kalaafato abaartaan haddii aan Alle naxariistiisa deg deg lagu helin,”.

Madiino Xuseen Cali oo iyana ka mid ahayd dadkii ka soo barakacay abaarta soona gaaray magaalada Muqdisho ayaa iyadoo ka hadleysa xaaladda abaarta waxay tiri “Weligay Baasto ma cunin intaas ayuu cimrigaagu jiraa, waxaan cuni jirnay Soor , Caano iyo Hilib, marka aad baan ula yaabanahay in wixii aan dhegaha ka maqli jiray lay hor keeno, xaaladdu ma wanaagsana laakin naxariista Alle lagama quusto, waxaana ugu baaqayaa dadka soomaaliyed in ay gacan u fidiyaan dadka kale ee tuulooyinkii ka soo tagnay ku haray oo u baahan gargaar deg deg ah”.

Iikar Xuseen Xasan oo mudo 15 maalmood ah u soo socday Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ka sheekeynaya xaaladda abaarta ka jirta Gobolada dalka Soomaaliya wuxuu yiri “maalinkii aan soo baxayey waxaan watay 10 neef ari ah hadba mid sidii aan meel ugu soo qalanayey ama aan u gadanayey ayaan soo gaaray magaalada Muqdisho, marka xoolihii iyo beerihii way baaba’een dadkuna wax gacantooda ku jira oo nolosha ku dabaraan ma haystaan”.

Xarakada Al-Shabaab oo inta badan ka talisa Koofurta Soomaaliya ayaa Deegaanka Lambar Konton ka furtey Xero  aad u weyn oo loogu magicdarey Al-Yaasir  oo loogu tala galey Dadka Abaarta ka soo cararey waxa Xarakada Halkaa ka qaybisey Raashin fara badanislamarkaana dadka Abaarta soo waxyeeleysey u dhistey Teedhooyin si ay uga galaan Qabowga iyo Cadceeda waxaana halkaa booqdey Shiikh Xasan Daahir aweys  oo ka  mid  ah Saraakiisha Al-Shabaab wuxuuna    qayla dhaan u jeediyey Wadamada Carabta oo uu sheegey in ay Dayaceen isla markaana ay Hilmaameen

Halkan kadaawo sawirada

Dhinaca kale Dadka Abaarta ka soo cararey ee soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaan helin gargaarkii ay u baahnaayeen qaarkood waxay ku Dacdareysan yihiin Jidadka  Muqdisho halka Hayadda WFP oo Baqaaradooda ka buuxaan weli dadkaas aysan gaarsiin Gargaarkii loo baahnaa 

Dadka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa qaarkood intii ay soo socdeen waxaa jidka uga soo dhintay dad isugu jira Carruur iyo Waayeel kadib markii ay isugu darsameen baahi iyo cuduro, waxayna dadka Magaalada Muqdisho hadda u soo galaan si aan kala go’ laheyn waxaana magaalada gudaheeda ka bilowday in dadka sarajooga ka dhacaan sidii abaartii 1992-dii ku dhifay Soomaaliya, hase yeeshee Hay’adaha samafalka oo laga filayey in ay dadka soo barkacay gargaar u fidiyaan ayaa waxay ka badin waayeen qaylo dhaan oo keliya iyadoo Hay’adaha qaarkood Baqaaradooda ka buuxaan raashin, maalintii shalay ahayd ayaa Xarakada Alshabaab daboolka qaaday in fasaxeyso cid kasta oo gargaar u fidineysa dadka dhibaatesan. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Hay’adihii ku marmarsiyoon jiray shabaab baa hor taagan in gargaar aan gaarsiino dadka tabaaleysan meesha ku dambeyn doonaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiibnkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.