Home » Warar »

Xaflad lagu soo Dhaweynayo isla Markaana lagu Taageerayey Maamul Goboleed Ceel Buur State

Waxaa maalmahaan Dalka Gudhiisa iyo Dibadiisa ka socdey dhismaha Maamul Goboleedyo Kuwaasoo Madaxweynayaashooda iyagoo Maqan  la sameynayo iyadoo taasi jirto ayaa Hotelka Amabasadoor ee Magaalada Muqdisho ka dhacay  Xafalad si heer sare ah loo soo Agaasimey waxaayna Xafladaas ahayd mid lagu soo dhaweynayo ama lagu taageerayo Maamul Goboleedka Ceel Buur State , waxaana  ka qayb galey Odoyaasha Dhaqanka ee Beesha Karinle , Waxgarad , Aqoonyahano ,Culuma’udiin, Haween, Dhainyaro iyo Marti Sharaf  ka socotey Beelaha Somaaliyeed

Ugu Horeyn waxaa halkaa ka warbxin ka soo Jeediyey Cabdulaahi Yuusuf oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed isagoo sheegey in Maamul Goboleedkaan uu ahaa mid muddo laga soo Baaraandageyey islamarkaanKu dhawaaqidiisii wax laga weydiiyey Bulshada ka soo jeeda Deegaanka Ceel Buur ,wuxuu kaloo uu sheegey in Maamul Goboleedkaan uu doonayo in uu xiriir la sameeyo Maamulada kale ee Dalka Ka jira sidoo kale wxuu doonayaan in uu Deris Wanaag kul;a Dhaqmo Beelaha kale ee Deriska la ah

Halakan kadaawo sawiradii oo dhan

Waxaa Munaasabadaas ka hadley Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan Nabadoon Maxamuud Axmed Xooshow  oo isna halkaa ka cadeeyey in Beelaha ku dhaqan Gobolka Hiiaan ay si weyn u taageersan yihiin Maamul Goboleedka Ceel Buur State isagoo u soo jeediyey Dadka ka soo jeeda  Deegaanka Ceel Buur in ay u istaagaan sidii dalka nabad iyo dib u heshiisiin ugu soo dabaali  lahaayeen

Intii Xafladaas ay sosotey waxaa  dadka Maaweelinayey Baarbaarta Gaashaan oo halkaa ku so badhigey Shirirbyo si weyn loogu amaanayey Maamul Goboleed Ceel  Buur State waxaa kaloo halkaa ka Hadley Nabadoon Maxamed Cabdi Soomane oo sheegey in ceel buur ay  astaan u ahayd  halgankii Xornimadoonka isagoo u soo jeediyey dadka ka soo jeeda Ceel Buur in ay u istaagaan sidii Beelaha soomaaliyeed ay u nabadeyn lahaayeen

Sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyey ku xigeen Odayaasha Beelaha Hawiye Jimcaale Maxamed Nuur oo sheegey in Ceel  Buur Xiligii Gumeysiga ay  Xarurn u ahayd qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed isago sheegey in maanta laga doonayao in horseed u noqoqto nabad ku soo dabaalida Geyiga Soomaaliyyed oo Muddo labaatn Sanno ay ka jirey Xasilooni darro sidoo kale waxaa halkaa taageeradooda ka dhiibtey Saciid Ugaas Maxamed Carab oo ka mid Odoyaasha ka soo jeeda Deegaanka Ceel Buur , wuxuuna shaagey in ay la shaqeyn doonaan

Ugu dambeeyn waxaa Xafladaas lagu soo dhaweynayey Maamul Goboleed Ceel Buur State ka Hadley Gudoomiyaha Odyaasha Beelaha Hawiyey Mudane Maxamed Xasan Xaad oo si weyn ugu dheeraad Taariikdii Deegaanka Ceel Buur , wuxuu soo  jeediyey Cida Maamulka Masuul looga dhigey in ay ka shaqeeyaan sidii ay deris wanaag kula  noolaa lahaayeen Beelaha kale ee Deegaanka la degan taasoo oo uu sheegey in ay ku imaan karto wada tashi  wuxuu kaloo uu sheegey in dadka soomaaliyeed ay u baahan yihiin Dowlada Balaaran oo shacabka ka samatabixisa Dhibaatooyinka jira waxaana Halkaa Buraaburo ku soo bandhigey Gabdho ay horkaceysey Madiino Xasan waxayna Xafladaas ku soo gabagabowdey sidii loogu talagaley

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.