Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha DFKMG: “Gudoomiyaha baarlamaanka xaq uma leha in uu soo gudbiyo liiska magacyo aan u dhalan beeshiisa

Wararka aan ka heleyno Xarunta looga arrimyo Dowladdda Federaalka KMG ee Villa Soomaaliya waxay sheegeyaan in Khamiista la damacsanaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Xukuumada Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) balse dib loo dhigey ka dib markii uu bilowdey Jahawareer iyo Isqabqabsi keeney Cidda ka mid noqoneysa Golaha Wasiirada ee la filayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Raiisul Wasaaraha Cusub ee Dowladda Federaalka KMG. Waxayna wararka intaa ku darayaan in Jahawareeka ugu xoogan uu ka dhaxeeyo Gudooomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka la sheegay in uu soo gudbiyey Liis ay ku Qoran yihiin Magacyada Xubnaha ka mid noqonaya Golaha Wasiirada .

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG, Dr. C/weli Gaas, ayaa la sheegay in uu ku celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Magacyadii uu soo qorey oo ay ku qornaayeen Xubno aan ka mid ahayn Beelaha Digil iyo Mirifle wuxuuna Raiisul Wsaaraha uu si cad ugu sheegey Gudoomiyaha in uusan Xaq u lahayn in uu soo magacaabo Xubno ka mid ah Beelo kale, taasoo Xildhibaano ku dhow dhow Gudoomiyaha ay noo sheegeen in Gudoomiyaha uu aad ugu caroodey hadalka Raiisul Wasaaraha cusub ee DFKMG.

“Guddoomiyaha wuxuu ii soo gudbiyey Shan Xubnood oo laba ka mid ah aysan u dhalan Beesha Digil iyo Mirifle marka Gudoomiyaha Xaq u ma leh in uu soo gudbiyo Magacyo Xubno Beelo kale ka tirsan wuxuu xaq u leeyahay in laga la tashado Xubnaha Beelaha Digil iyo Mirifle ee ka mid noqonaya Golaha Wasiirada” ayaa laga so xigtey Raiisul Wasaare Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Wararka aan ka helney xubno ka tirsan Baarlamaanka waxay sheegeyaan in liiska uu Gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka koobnaa 5 Xubnood ayaa waxaa ka mid Madoobe Nuunow , Fowsiyo Maxamed Shiikh, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi , Cabdirisaaq Jurile iyo Maxamed Shiikh oo horey u ahaa Taliyihii Nabadsugida oo lala doonayo in uu ka mid noqdo Golaha Wasiirada, hase yeeshee haddi la ogolaado Madoobe Nuunuw waxaa meesha ka baxaya Wasiirkii Gaaanshaandhiga ee Dowladii Farmaajo Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ay ka soo wada jeedaan Deegaanka Diinsoor balse hadda loo ololeynayo in uu sii hayo Jagadiisii Hore ee Gaashaandhigga .

Raiisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegey mar uu la tashi la sameynayey Odoyaasha Beelaha in uu soo dhisi doono Dowlad ka kooban 18 Wasiir oo uu sheegey in ay noqon doonaan kuwa aqoontooda Sareeysa isla markaana ka bixi kara Howsha loo magacaabayo sidoo kale wuxuu sheegey in Dowladda uu ku saleyn doono wax loogu yeerey 4.5.

Hase yeeshee Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ayaa la sheegey in laga soo xigtey in Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli uu u madaxbanaan yahay in uu soo magacaabo Gole Wasiiro oo Mudda Sanadka ah dadka soomaaliyeed ka samatabixisa Dhibaatooyinka haysta, hase yeeshee Dadka Saadaaliya Siyaasada Soomaaliya waxay sheegayaan in Raiisul Wasaaraha DFKMG ay ku adkaan doonto sidii uu ku qancin lahaa Shariif Xasan oo ay ka go’an tahay in liiskiisa la qaato.

Hadaba wax la wada sugayaa oo dadka u dheg taagayaan waa Golaha Wasiirada uu soo dhisi doono Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas Cidda ka mid noqon doonta .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.