Home » Warar »

Warsaxaafadeed DFKMG kasoo saartay dagaalka Mudug iyo Galguduud

Warsaxaafadeed ay xukuumadu kasoo saartay dagaalka Mudug iyo Galguduud

 

Baaq Nabadeed  oo Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay baaq nabadeed u diraysaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaasoo dhaliyay dhimasho aad u badan iyo dhaawac.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay  in uu aad uga xunayahay colaadaha  soo noqnoqoday ee ka  taagan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Horumarka Goboladaasi waxay ku xiran yihiin xoojinta nabada. Dadka deegaankuna waa dad walaalo ah ehelna ah, wiilkii ku dhintaana waa kugu dhimay oo kaadhimay.

“Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhamaan  ehelada  dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaana marka labaad leeyahay dagaalka ha la joojiyo maadaama uusan labada dhinacba wax faa’iido ah u laheyn” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay dagaalka, wuxuuna dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan oo ay jiraan abaaro dad iyo duunyaba aafeeyey ay dagaalamaan Soomaalida dhexdeeda.“Waxaan la hadlay madaxda maamulada goboladaasi, xildhibaanada ka soo jeeda gobolada iyo dhamaan qeybaha bulshada, waxayna naga balan qaadeen in ay dhexda u xiran doonaan sida loo joojin lahaa dhiigaasi daadanaya, waxaana rajeyneynaa inay mas’uuliyadaasi ka soo baxaan” ayuu yiri Dr. C/weli Maxamed Cali.Ugu danbeyntii  Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inay dhowaan gaari doonaan goobaha lagu dagaalamay guddi Nabad raadis ah oo ay Xukuumadu u xil saartay daminta colaadaasi oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo odayaal dhaqameed.

Halkan ka akhri qoraalkii oo ah PDF

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaas_july6.mp3]

The Transitional Federal Government of the Somali

Communication Officemedia@opm.gov.so

Republic Office of the Prime Minister

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.