Home » Warar »

Faah faahin Nadwadii Dacwada ee ka dhacday Abubakar iyo Dhalinyaro damacday inay qasto

Nadwada ayaa ka hadlaysay Taariikhda Dacwada, Aadaabta dacwada iyo Miraha dacwada. Dhagays Sh. C/risaaq oo faah faahinaya siday wax u dhaceen.

Waxaa  Isniintii lagu Qabtay Masjid Abubakar Assidique, Minneapolis, Nadwo ay ka qayb galeen Sh. Maxamed Idris Axmed, Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Dr. Cabdirazaaq Takar. Mawduuca Nadwaduna wuxuu ahaa (Dacwada Islaamka – Taariikhdeeda, Aaadaabteeda iyo Mireheeda).

Nadwada oo ay dhigeysanayeen Dadweyne Soomaaliyeed oo fara badan ayaa waxaa bilaabay Sh. Maxamed Idris oo qadar labaatan daqiiqo ah kusoo dul maray Taariikhda Dacwada Islaamka, wuxuuna Sheekhu Sheegay: (Dacwada Islaamku iney tahay Dacwadii Nebiyada ay soo wadeen Taariikhda dheer ee Baniaadamka, taasoo ku qotonta saddex tiir oo ah: in Dadka la baro Rabbigooda Abuuray, Iney keligiis Caabudaan, In Lagu dulqaato wixii kugu soo gaara, wuxuuna sheekhu intaa raaciyey, Dacwada Islaamku tahay shaqada ugu wanaagsan ee adduunkan laga qabto). Wuxuu Sheekhu kadib kasoo taariikheeyey Dacwadii Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam, iyo heerarkii ay soo martay Ilaa Rabbi Diinta Dhamaystiray, nicmadana noo dhameeyey. Wuxuu Sheekhu diiradda Saaray Saxwada Islaamka iyo sideey ku bilaabatay, iyo qalloocyadii soo galay oo Takfiirku ka mid ahaa, iyo sida ay uga gudubtey Dacwada, wuxuuna hadalka kusoo gabagabeeyey, in Dacwada Islaamka gaar ahaan Bulshada Soomaalida ay heer fiican ka gaartey, Culimaduna dadaal fiican wadaan, waxbadana dhiman yihiin oo dadaalka la laban laabo.

Kadib Waxaa hadalka Qaatay Sh Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo aad u faah faahiyey aadaabta Dacwada iyo waxa looga baahan yahay dadka dacwada wada, tasoo uu ku tilmaamay iney tahay muhiimad weyn. Wuxuu sheekhu yiri (Dacwada u jeedadeedu waa in Kelimadda Ilaahay dadka gaarto iyadoo saafiya, xikmad iyo debecsanaanna ku dheehan. Waxa ugu weyn oo looga baahanyahay qofka dacwada gudanaya waa inuu ku sabro dariiqeeda dheer) Wuxuu Sheekhu raaciyey: (Waxaan soo gaarney Soomaaliya oo ay ku yarayd ama aan la helin gabar jilbaab ama xijaab gashan oo iskoolka laga soo cayriyo gabadha xijaaban, oo ducaadda qaarna la xiro, qaarna la dilo, oo shuuciyad la rabo in la faafiyo, maantana alxamdulilaah shuuciyaddii waa tagtay waxaa dalka baaqi ku ah, Diintii Islaamka, Qur’aankii iyo Xijaabkii oo xitaa baadiyaha aad ku arkeysid, waxaas wexey ku timi dacwada).

Sh Cabdirasaaq Takar ayaa wuxuu aad u bidhaamiyey Miraha wanaagsan oo dacwadu u leedahay qofka daaciga shakhsi ahaan oo ah in ilaahay ku dhawro isaga iyo ehelkiisaba, iyo ummad ahaan oo dacwadu wax ka bedesho nolosha dadka iyo dhaqankooda.

Kadib waxaa culimada la weydiiyey su’aalo badan oo ay ka jawaabeen. Mar la weydiiyey Sh M Idris: Waxaa la leeyahay 20kii sano dacwada lasoo wadey waxaa ka qiima badan 2 sano oo wilaayaatka islaamka lagu maamulay, wuxuu Sheekhu yiri: Arrinkaasu caddaalad maaha, lama inkiriyo cidii wanaag samaysa ama xad si xaq ah oo sharcigii la mariyey u fulisa, laakiin sax maaha in mudadaanu ka wanaagsan tahay Dacwada dheerayd ee waqtiga dheer soo socotey. Waxaa kaloo sheekhu farta ku fiiqay: Shareecada Islaamku inaaney ahayn dhinaca cuquubaadka keliya, ee ay tahay nidaam dhan oo nololeed, dhan maciishad, wax barasho, nabadgelyo, shaqo abuurid, iyo caafimaad. Sh. Cabdiraxmaan ayaa sheegay kooxaha Soomaalida ee dagaalamaya iney is gaalaysiinta ka joogsadaan oo heshiiyaan, taasoo meesha ka saareysa iney gaalo soo farageliso ama dalka joogto. Waxa sheekhu tilmaamay dadaalkii Culimada Islaamku u galeen in dhiigga Soomaalida oo dad Muslima ah la joojiyo.

Gabagabadii Sh. Maxamed Idris Ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku dayacan iney iska daayaan su’aalaha arrimaha dagaalada Soomaaliya oo aan dani ugu jirin, ayna xoogga saaran arrimaha bulshadooda qurbaha ku dayacan, caruurtooda luntay ama gaalowdey, waayo arrimaha ka taagan Soomaaliya kuwa ay wax badan ka qaban karaan maaha, qofkii doonaya inuu faraha la galaana meesha ha tago, laakiin masaajidadan waxaad u dhisateen inaad ku cibaadaysataan, diintiina iyo ehelkiinana ku ilaashataan, Islaan nimadiina aad meeshaan ku joogtaan, taasna idinkoo isku duubaan aad xoogga saartaan.

Nin dhalinyaro ah (Liban Mohamud Haji) ayaa isku deyey inuu kor su’aal u weydiiyo Culimmada waxaana lagu yiri su’aashaada soo qor sida dadka kale, arintaas mayeelin ee wuxuu bilaabay inuu kor u qayliyo si uu muxaadarada u carqaladeeyo, maamulaha Masjidka oo si walaaltinimo leh oo qabow ugu yiri su’aashaada si tartiib ah qoraal ugu gudbi, kadibna maamulihii oo iska fadhigaya ayuu  u gacan qaaday:, mid kalena (Abdulqadir Ali Omar) wuxuu demiyey nalka , laakiin markiiba waa la daaray, waxaana jamaacadii kasaareen masjidka labadoodiiba. Intii lasiiwaday Liibaan ayuu Sh. Abulfadlina wax ku dhuftay, majiraan wax dagaala oo dhacay iyo cid ladaagaashay toona.

Dadweynihii Masjidka joogey ayaa aad ula yaabay falka uu ku kacay ninkaas iyo dhawrkii la socdey, wexeyna aad uga cudur daarteen, falka anshax xumada ah ee Masjidka dhexdiisa laga sameeyey, waayo Masjidku waa Gurigii Ilaahay wuxuuna mudan yahay edeb iyo qadarin. Nin Odayaasha ka mid ah ayaa Culimada uga cudur daartey waxa dhalinyaradaasu ku keceen Wuxuuna yiri: Lama qabno, wax aanu ognahayna maahan, Culimaduna Raali hanaga ahaadeen oo yey noo qaban, waa wax nagu cusube.

Kadibna Su’aalihii ayaa sii socdey ilaa waqtiga cishaha laga gaaro, oo jamaacadii la tukado.

Waxaa Xusid Mudan in shalay uu soo gabagaboobey Mu’tamarkii ugu weynaa ee Jaaliyadda Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay, kumanyaal dad ahina kasoo qayb galeen, aadna loogu riyaaqay. Warbixinta Mu’tamarka oo faah faahsan dib ayaan idinka soo gudbin doonaa insha allaah.

Dhegeyso:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/warbixin_jun6.mp3]

Ardayda Abubakar oo Soo dhawaysay Culimmada Martida ah

Maanta oo Talaado ahayd ayaa Culimmada timid waxay Muxaadaro u jeediyeen Ummsiyah Qur’aaniyana ka dhagaysteen qaar ka mid ah Dugsiga Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Sh. Mohamed, Dr. C/risaaq iyo Sh. Ahmed Nur ayaa aad ugu duceeyey ardayda iyo cidii sidaan wanaagsan u soo barbaarisay, waxayna kula dardaarmeen inay ku dhaqmaan diinta ay barteen, kana fogaadaan waxkasta oo dhibaato u keenaya noloshooda aduun iyo mid aakhiroba.

 

Hassan Dhooye

Maamulaha Masjidka Abubakar

Minneapolis, Minnesota

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.