Home » Warar »

Waxaan ognahay liiska xukuumada in loogudbiyey Itoobiya.

Iyadoo Magaalada Adis Ababa ay ku sugan yihiin wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Siyaasiga Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u waramayey Idaacadda Al-Furqaan isagoo ku sugan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa wuxuu wareysigiisa ku sheegey in Wasiirka Warfaafinta Cabdi Kariim Xasan Jaamac uu Dowladda Itoobiya u gudbiyey Liiska Ciida ka mid noqoneyso Golaha Wasiirada uu dhawaan soo dhisi doono Raiisul Wsaaraha Dowladda Federaalka Cabdi weli Maxamed Cali Gaas

“Runtii haddii aan nahay Soomaali waqtigaan Xor ma nahin waayo waxaa nalaga Xukumaa Magaaladda Adis-Ababa  kuwa Musuuliyiinta sheeganayo waa Gudoomiyayaal Gobol oo hoos Taga Dowladda Tikreega Itoobiya waayo wax kasta oo ay sameeynayaan  waxaa lagala tashanayaa Itoobiya”ayuu si kulul u yiri Zakeriye oo Intaa raaciyey “ Waxaa isoo gaarey in Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Cabdi Kariim Xasan Jaamac uu Dowladda Itoobiya uu u gudbiyey liiska Cida ka mid noqoneysa Xukuumada uu dhawaan ku Dhawaaqi Doono Mudane Cabdiweli”

“Liiska Loo Gudbiyey Itoobiya  waxaa lagu sameeyey isku shaadheeyn waayo Itoobiya markeey sidaa u fiirisey liiska ayey tiri midkaan waa Argagaxiso ee halaga saaro  , Midkaan wuxuu la shaqeeyaa ONLF, Midkaan wuxuu ka tirsanaan jirey Maxaakiimtii , Midkaan lama Dhacsana Siyaasadeenna, Midkaan wuxuu Xiriir la leeyahay Alshabaab iyo midkaan wuxuu ka soo horjeedaa Maamulada aan dhisney marka waa wax aad looga xumaado in sidaa Itoobiya kuu  farageliso” ayuu yiri Zakeriye

Zakeriye Wuxuu sheegey in Maamulada Dalka ka jira sida Soomaaliland Pundland iyo Dowladda Federaalka Dhamaantood waxaa looga arrimiyaa Magaalada Adis-Ababa isagoo sheegey in uusan Jirin nin aan dhowr jeer isaga daba laaban Magaalada Adis-Ababa oo uu sheegey in ay u noqotey Xaramkii sidaa daradeed waxaa nala Gudboon in aan iska qaadno Heeryada Gumeysiga ee na saaran Xiligaan

“Waagii ay joogeen Qabqablayaashii waxaan ahayn dad Xor oo wax diidi kara waxna ogolaan kara  xitaa waxaan wanaagsaneyn markii ay joogeen itoobiyaan oo aan dagaalka kula jirney laakiin maanta waxaa Dad Damiir laawayaal ah ay na hoos geeyeen Itoobiya marka waxaa dadka soomaaliyeed ee ku noo Raas Cayr Ilaa Raas kambooni ugu baaqayaan in aan iska xoreyno Siyaasada Itoobiya iyo kuwa Dabadhilifka u ah” ayuu yiri Zakeriye

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan waxay siyaasadooda ku xiraan Dalka Itoobiya Taasi waxay horseedey  in Ciidamo fara badan Itoobiyaan ah  ay soo galaan soomaaliya kuwaas la kulmey Dagaalo sababeyna  in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya hase yeeshee Itoobiya waxay bilowdey in Siyaasad ahaan ay Faregeliso Soomaaliyaa waana midaas mida keeney in Madaxda Soomaalida ay isaga daba laabtaan Magaalada Adis –Ababa

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waxaan ognahay liiska xukuumada in loogudbiyey Itoobiya. "

  1. XAGALEEY says:

    waa arin aad u wanaagsan waxa uu kahadlay walaalkeen zakariye, waana nin wadani ah sida kamuuqato. laakiin maxaa diiday in ineii iskufikrad ah ay wada shaqeeyaan. hadda maxaa farqi ah oo u dhexeeya fikradaha zakariye iyo alshabaab? waxaa udhexeeyo keliya in laga cabsanaayo mareykanka oo alshabaab diidan. ogaada nin cabsanaayo dal maxureeyo.