Home » Warar »

Waxqabadkii lix bilood ee Dugsiga Waxbarashada Caruurta Indhaha la’ iyo kuwa Indhaha iyo Dhegaha wada la’ ee Al-Basiir

Baaq loo jeediyey Hayadaha Samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa.

Markii ay dhaceen dagaaladii Soomaaliya ayaa waxaa dagaaladaas sababeen dhibaatooyin dhinacyo badan leh hadaba dadka soomaaliyeed ee Indhoolayaasha ayaa dhibaatadii ugu xumeyd ay ku dhacdey iyadoo taasi ay jirto ayaa ururo badan oo Indhoolayaal ah sameysmeen kuwaas oo daryeel badan u fidiyey dadka indhoolayaasha ah hadaba Dugisga indhoolayaasha iyo kuwa Indhaha iyo Dhagaha wada la’ee Al-basiir oo hoos taga Golaha Midowga Indhoolayayaasha Somaaliyeed ayaa waxaa uu dugsiga oo lix Bilood jirsadey soo bandhigey waxqabadjii dugsigaas mudadi yareyd ee uu jirey.

Munaasabad si heer sare ah loo sooo agaasimey ayaa lagu qabtey Xarunta dugsiga oo ku taal Degmada Waberi waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey Masuuliyiin ka socotey Hayadaha samafalka , Maamulada Jaamacadaha , kuwa Dugsiyada , Bulshada Rayidka , Masuuliyiinta Degmada Waaberi Golaha Qaran ee Cuuryaamiinta Soomaaliyeed iyo ardeyda waxka barata Dugsiga iyo Marti Sharaf kale waxaana ugu Horeyn halkaa warbixin ka soo jeediyey Maamulaha Dugsiga Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir wuxuuna sheegey in mudadiii uu dhisnaa Dusgiga uu qabtey Howlo Muhiim u ah dadka Indhoolayaasha oo uu sheegey in uu diwaan geliyey ardey gaareysa 262 Ardey oo isugu jira Caruur , dad waaweyn iyo Dhalinyaro oo isugu jira indhoolayaal iyo kuwo dhegaha indhaha La’

HALKAN KADAAWO SAWIRADA

Mudane Abiikar wuxuu sheegey in dugsiga ku bilaabeen Hal qol maanta wuxuu sheegey in loo Kireeyey Guri Villa oo uu sheegey in ay gacan ka geyseen ururka SWDC gaar ahaan Gudoomiyahood Sahro Maxamed Axmed laa’anteeda uu sheegey in uusan hirgeli lahayn dugsigaas sidoo kale wuxuu sheegey in kaalmo aan sidaa u Buurneyn ay ka heleen qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed hase yeeshee wuxuu sheegey Mudane Abiikar in dugsiga uu u baaan yahay Tas-hiilaad Fara badan isagoo Xusey in macalimiinta ay ku shaqeeyaan si Tabarucaad ah, wuxuu kaloo uu sheegey in ardeyda dhigata ay u badan yiihin ardey aan waalidiintooda aan waxba haysan sidaa Darteed loo baahan in la gacan siiyo

Mudane Abiikar wuxuu soo qaatey Dhacdo Xanuun Badan ka dib markii qoys dhaley Canug indha la’a looga Tagey Guriga isagoo Cunugaas ku Calaacaley Ereyadaan” Aabaheey waa baxay, Hooyadey wey baxdey Wiilashii iga waaweynaa waxay u baxeen Dugsiga Gabdhihii sidoo kale ayey Dugsiga aadeen aniga Keliya ayaan ku soo harey Gurigii oo kor la iiga Xirey haddii aan indho qabi lahaa ma sidaan baa la ii geli lahaa waa ayaan daro iyo Calool Xumo “ wuxuu ereyadaan Abiikar u soo qaatey in Caruurta indhaha la’ ay wax baran karaan isla markaaan ay ka hor mari karaan hadiii lagu dadaalo kuwa indhaha qaba wuxuuna u soo jeediyey Hayadaha Samafalka , Dadka soomaaliyeed ee wax haysta ee ku nool Dalka Gudhiisa iyo Dibadiisa iyo Qurbo Joogta Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii wax loo bari lahaa ama daryeel loogu fidin lahaa Dadka Indhaha La’ iyo Kuwa Dhagaha lal

Intii ay Munaasabada Socotey ayaa waxaa halkaa lagu soo bandhigey Ulaha Dadka Indhaha la’ ay ku socdeen oo loo yaqaan Usha Cas, Mashiin wax lagu barto farta Braille-ka isagoo Maamulaha Dugsiga uu sheegey in qalabkaan uu aad ugu yar yahay islamarkaana aan laga helin wadanka isagoo sheegey in inta ay haystaan ay ugu tabarucuceen dad soomaaliyeed sidoo kale wuxuu sheegey in dadka indha la ee ku nool Dunida kale ay Ciyaaraan Kubado loo soo farsameeyey oo uu sheegey in ay ku shaqeeyaan Dhawaaq balse ardeyda wax ka barata Dugsiga ma haystaan Kubadahaas sidoo kale ma haystaan Kumbiyuutarada ay isticmaalaan Dadka Indhaha la’ isagoo mar kale uu soo jeediyey dadka soomaaliiyed in dadkaa wax u qabtaan

Waxaa kaloo halkaa ka hadashey Marwo Sahro Axmed Maxamed oo ka socotey Hayada SWDC waxayna sheegtey in loo baahan yahay dadka indhaha la loo gargaaro maadaama ay ay yiihiin Bulsho aad u dhibaateysen waxayna si gaar baaq ugu dirtey Hayadaha Samafalka iyo Ganacsatayada Soomaaliyeed in ay Caawiyaan ardeyda wax ka dhigata Dugsiga Al-Basiir sidoo kale Waxaa Munaasabadii lagu soo bandhigayey Waxqabadkii Dugsiga Albasiir ka Hadley Asli Ducaake oo ku hadleysey Magaca Bulshada Rayidka ah gaar ahaan Hayadda WEAVE iyadoo shacabka Soomaaliyeed u soo jeedisey in u gargaaraan Dadka Indhaha La’ maadaama ay yihiin dada aad u liita iyadoo Asli Dugsiga Gudoonsiisey Kumbiyuutar

Sidoo kale waxaa ka Hadley Masuuliyiin ka socotey Daladaha Waxbarashada iyo Jaamacadaha waxayna dhamaantood ay sheegeen in ay Gacan siin doonaan ardeyda wax ka dhigata Dugsiga Al-Basiir gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo Tas-hiilaadka kale ee ay u baahan yihiin , waxaa kaloo ka Hadley Masuul ku hadlayey magaca Degmada waaberi oo sheegey in iyana ay gacan siin doonaan Ardeyda wax ka barata Dugsiga Al-basiir

Intii ay Munaasabadaas Socotey ayaa ardeyda wax ka barata Dugsiga Al-Basiir waxy halkaa ku soo badhigeen gabyo , Heeso iyo Suugaan oo dhamaantyood ka turjumaya faaiidada waxbarashadu leedahay waxaa la yaab lahayd markii ardey ka mid ah ardeyda wax ka barata uu soo badhigey dhawaaqa Noocyada kale Duwan ee Hubka isagoo adeegsanaya Gacmahiisa wuxuu soo bandhigey Dhawaaq Qoriga Dhashiikaha, Ak 47, Saarka Baroonka Faalka iyo Daba-jeexa taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadkii Munaasabada ka qayb galey

Ugu dambeyn waxaa Munaasbada soo xirey Gudoomiyaha Midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed Mudane Cabdiqaadir Maxamed Calasow oo isna Faafaahin ka bixiyey Heerarkii uu soo marey Dugsiga Al-Basiir wuxuu sheegey in dugsiga uu furan yahay Muddo Lix bilood isagoo sheegey in ardeyda wax ka barata ay maanta marayaan Heer wanaagsan dhinaca waxbarashada hase yeeshee wuxuu sheegey in dugsiga uu u baahan yahay Gacan aad u balaaran “Markaad u tagtid Hayadaha Samafalka oo aad u sheegto Dhibaatooyinka haysta Dadka indhoolyaasha ah waxay ku leeyihii n waa Fiican tahay in wax loo qabto laakiini qorshaha nooguma jirto xiligaan sidoo kale markaad u tagtid Kuwa gargaarka bixiya oo aad cabashadda u gudbisid waxay ku leeyihiin waxaan wax ugu tala galney dadka barakacayaasha miyeysan Dadka indhaha la’ Barakin marka Hayaduhu waa Baahi Abuurayaal ee maha Baahi dhameystirayaal” waxayna Munaasbadu ku soo gabagabowdey sidii looogu talagaley

Hadii aad dooneysid in aad Caawiso Dugsiga Indhoolayaasha iyo Indhaha iyo Dhagaha wada la’ kala soo xiriir Cinwaankaan Hoose

MR. ABIKAR HUSSEIN BASHIR.
MOGADISHU, SOMALIA
TELL: +2526-1-5512017
Account Lambar Dahabshiil 7578
EMAIL: sub.mogadishusomalia@gmail.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.