Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Booqday xarumo Ciidamada DFKMG

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay in ra’iisul Wasaaraha DFKMG C/Weli Maxamed Cali Gaas uu booqday xarumo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKMG, warsaxaafadeedka oo u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeer ku tegay qeybo ka mid ah furimaha hore ee ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin

Muqdisho, July 2, 2011——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ku tegay furimaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag.

Halkan ka daawo sawirada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Maxamed Cabdulle Geesey, Taliyaha Guud ee Ciidanka Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yarisow iyo Agaasimaha Xafiiska R.wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo weliba saraakiil kale oo ka socotay ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay degmada Howlwadaag gaar ahaana Masaajidkii Macalin Biyamaalow halkaasoo uu salaan uga qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga, isagoo uga sii gudbay Xaafada K.P.P isagoo lug ku maray wadada dheer ee Wadnaha illaa uu ka gaaray isgoyska K.P.P iyo Masaajidkii Sheekh Cali Suufi.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa ku tegay Wasaaradii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Burundi wuxuuna R.wasaaruhu halkaasi salaam sharaf uga qaatay Askar ka tirsan Burundi isagoo R.wasaaruhu kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhgiga R.wasaaraha iyo R.wasaare kuxigeenkiisa ayay ku sheegeen in booqashadooda ay uga gol lahaayeen sidii ay u soo kormeeri lahaayeen horumarka ay bilihii ugu dambeeyey ka sameynayeen ciidamada xooga iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta soo booqdo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, maanta inaad halkaan joogtaan waxay calaamad u tahay in guushu soo dhowaatay oo magaalada intii badneyd aad gacanta ku dhigteen, waxaana rajeynayaa in aad ka dhaqaaqdaan halkaan aad maanta joogtaan oo aad si guud ahaan magaalada u qabataan oo aad nabadeysaan si dadka masaakiinta ahi ay guryahooda dib ugu soo laabtaan” ayuu yiri Mudane C/weli oo guul u rajeeyey ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.