Home » Warar »

Munaasabada koowda luulyo iyo Malaysia

Munaasabad lagu xusaayo 51 guuradii ka soo wareegatey markii soomaaliya ay xornimada ka qaadatey gumeysatayaashii talyaaniga iyo ingriiska islamarkaana ay ku midoobeen gobalada waqooyi iyo koonfureed la heleyna jamhuuriyada soomaaliya ayaa waxa ay ka dhacdey caasimada kuala lumpur ee wadanka Malaysia.

Halkan ka daawo Sawirada

Munaasabadaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka ardeyda soomaaliyeeda iyo jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia, waxaana ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid gobolada malaysia, sidoo kale waxaa lagu casuumey marti sharaf ay ku jireen ajaanib, safiirka soomaaliya u fadhiya Indonesia safiir maxamuud colow borow ayaa ka mid ahaa marti sharafta kasoo qeyb galay kulankaasi isago mar waliba munaasabadaha kala duwan ardeyda soomaaliyeeda ku nool malaysia qabsanayaan uu kaga soo qeyb galo maadama soomaaliya aysan safaarad iyo safiir midna aanan u joogin malaysia.

hadalo kooban oo goobtaasi laga jeediyey ayaa lagu xusey halgankii gobonima doonka ururkii dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL ay ku keeneen xornimada ay soomaaliya maanta heysato waxaa kaloo laga sheekeyey marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray ayadoo ay ardeyda u soo bandhigeen qaab video- ah oo dadkii ka soo qeyb galeyna ay si aad ah tiiraanyo ugu reebtey maadama filimka muujinayey isbadalada kala duwan uu dalka marayo.

ugu danbeyn safiirka soomaaliye u dhiya indonesia safiir Colow ayaa qudbad dheer uu ka jeediyey goobtaasi waxa uu ardeyda soomaaliyeed kula dar daarmey iney muujiyaan midnimo waxa uuna yiri ” waxaan idinkula dar daaramayaa inaad muujisaan midnimo iyo isku xirnaasho, waxaad tihiin dadka ay soomaaliya fiirsaneyso mustaqbalka waxaa la idinka rabaa waxaad barateen inaad dalka ku celisaan wadanka waxa uu baahan yahay aqoon yahano maxaa yeeley dadka soomaaliyeed iyo wadan waxaa hor marin kara oo badbaadin kara dadkiisa waxa bartey marka waxaan idinka codsanayaa inaad iska ilaalisaan qabiilka maxaa yeeley hadii uu wax soo kordhin lahaa marxalada uu maanta wadanka ku jira ma kuu sii jiri laheyn waxa dib noo dhigey waa qabiilka” iyo hadalo kale.

ugu danbey safiirka iyo qaar ka mid ah marti sharafta ka soo qeyb gashey munaasabadaasi ayaa hadiyad lagu gudoonsiyey waxaana gudoonsiiyey gudoomiyaha ururka ardeyda soomaaliyeed Mudane Eng cabdisalaam maxamuud, munaasabada ayaa ku dhamaatey jawi aad u heersareeya oo dhamaan dadweynaha soomaaliyeedan ay isugu hambalyeeyeen munaasabada koowda luulyo.

Said Omar baaffo

Kuala- lumpur Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.