Home » Warar »

Ururka Bay Journalists Women Association BAJWA oo siminaar u qabatey Qaybaha kala duwan ee Warabaahinta

Siminaar socdey Muddo afar Maalmod ah uuna soo qaban qaabiyey ururka Bay Journalists Women Association BAJWA ayaa lagu soo ganagabeeyey Magaalada Muqdisho waxaana lagu qabtey Xarunta CTC , waxaana ka qaybgaley 30 Xubnood oo isugu jirey Wiilal iyo Gabdho oo dhamaantood ahaa Suxufiyiin Qaybaha warbaahinta

Siminaarkaan ayaa mudadii uuu socdey waxaa lagu baranayey Casharo la xiriira Nabada (Peace Building Media Role and Equal Employment Opportunity) waxaana macalimiintii halkaa wax ka dhigeysey ay aad ugu dheeraadeen Faaiidada Nabada iyo sida loo dhalin karo maadaama dalkeena muddo 20 Sanno ah uu ku jirey Nabad la’aan iyo Xasloonidarro iyadoo ka qayb galayaasha iyana ay dhiibanyeen Fikradahooda ku aadan nabadda

Intii uu socdey siminaarka ayaa ka qayb galayaasha waxaa loo qaybiyey kooxo kooxo kuwaas oo si wanaagsan ugu Hadley sida soomaaliya looga dhalin karo Nabada iyo doorka ay warbaahinta ay ku leedahay dhisida Nabadda iyadoo ka qayb galayaasha ay soo bandhigeen Aaraa xambaarsan sida loo hormarin lahaa Nabadda taasoo ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Macalimiintii halkaa Casharada ka bixinayey

Xubnhii ka qayb galey Siminaarka ayaa balan qaadey in Casharada halkaan ay ka barteen ay ku dabaqi doonaan Warbaahintii kala duwaneyd oo ay ka yimaadeen , sidoo kale waxay balan qaadeen in wixii haatan ka dambeeya ay xooga saari doonaan dhinaca Nabadda iyagoo meesha ka saarey Buun buuninta Colaadaha waxaaana soo gabagaabeeyey Siminaarkaa Gudoomiyaha BAJWA Xamdi Cabdi Nuur oo sheegtey in Ururkooda uu halkaa ka sii wadi doono Siminaarada noocaan oo kale ee looga hadlayo Nabada maadaama ay bulshada baahi weyn u qabto

Sidoo kale Xamdi waxay u mahadcelisey intii ku gacan siisey taaba gelinta Siminaarka oo ay ugu horeyso Ururka BAJWA xubnihiisa kala duwan sidoo kale waxay u mahadcelisey Hayada CTC oo iyadu ku gacan siisey in ay Xaruntooda ku qabsadaan Siminaarkaan waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka socdey Hayadda Peace Line iyo Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska ee Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co,u

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.