Home » Warar »

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay 51 guuradii ka soo wareegatay Xornimadii gobolada Koofureed iyo midowgii labada gobol

July 1, 2011——Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay 51-sano guuradii ka soo wareegatay xilligii ay xornimada ay qaateen gobolada Koofureed iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur ayaa caawa waxaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali, Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Munaasabadan waxaa sidoo kale dhanka heesaha wadaniga ah ka qaadayay hobolada Waaberi iyo Heegan waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay madaxda dowladda kadib markii la saaray calanka xilligii ay ku beegneyd 12:00 saqda dhexe ee habeenimo.

Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka oo goobta hadal gaaban ka jeediyay ayaa sheegay in caawa ay muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maadaama ay tahay maalintii ay xornimada ka qaateen gumeystihii taasoo ku timid halgan dhiig badan ku daatay oo ay galeen umadda, gaara ahaana dhalinyaradii SYL.

Halkan kadaawo sawirada

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ka jeediyay khudbada munaasabadan waxayna u dhacday sidanL:-

Fadlan Attach-ka kala baxa khudbada R.wasaaraha oo PDF ah.

Warsaxaafadeedkii golaha wasiiradana halkan ka akhi


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay 51 guuradii ka soo wareegatay Xornimadii gobolada Koofureed iyo midowgii labada gobol "

  1. luuley says:

    asc laamu caleykuma umada somaliyed melkasto ee jognaa
    magaceeda waa luuley waxaa halkan ka salaam hooyadeda xabiibo iyo aaayode oo jogto somaliya