Home » Warar »

Magaalada Bergen ee Dalka Norway oo Si aad ah loogu Xusay maalinta 1 Luulyo.

Munaabsad si heer sare loosoo agaasamay oo lugu weyneynaayay Maalinta Gobalada Koonfure ee Dalka soomaaliya ay heleen xuriyadooda lana midoobeen Gobalada waqooyi ee Dalka soomaaliya oo ay soo qaban qabiyeen Ururka Haween Soomaaliyeed eee magaalada Bergen ayaa waxaaa lugu Qabtay Caasimada labaad ee Dalka Norway Bergen.

Halkan ka daawo sawirada

Munaabsadan ayaaa waxaaa kasoo qeybgalay dhamaaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen kuwaas oo isugu Jiro Dhlainyaro odayaal,Caruur iyo Dumar intaba.

Xafladan lugu weyneynaayay Mubaasabda 1 Luulyo oo ay dadk inta badan ku lebsinaayeen Calanka Soomaaliya ayaaa waxaaa lugu soo bandhigay Heeso, Ruwaayado iyo Ciyaaro ka turjmaayo Dhaqan wanaagsan ee soomaaliyeed.

Dadka Xafladan Kasoo qeybgalay oo ay dhamaantood wejigooda laga dheehanaayay farxada ay u qabaan maalintaaan ay soomaaliya hanatay xuriyadeeda ayaaa waxey rejo wanaagsan ka muujiyeen xaalada dalka Soomaaliya ayigoo sheegay in ay rejaynayaan in uu nabad noqdo Ayna Sanadka Danbe xafladan oo kale ku qabasan Doonan Magaalada Moqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya.

Guud ahaan dalka Norway ayaaa aad looga xusay munaabsada 1 Luulyo ayidoo lugu qabtay xaflado loogu dabaaldegaayo Munaasabadan.

Ismail Moallim
Saxaaf@hotmail.com
Norway

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.