Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha DFKMG oo ku Jahwareersan Cida ka mid noqon lahayd Golaha Wasiirada

Xafiisyada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra’isul Wasaaraha DFKMG waxaa laga dareemayaa mashquul aad u weyn oo la xiriira sidii loo dhisi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda cusub ee uu madaxda ka yahay Dr/ C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana xafiisyadaasi is dib dhaafaya qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Golihii Wasiiradii hore iyo Odoyaal la sheegay in ay wataan rag beeshood ka tirsan oo ay doonayaan in loo magacaabo Wasiirnimo.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG C/wali Maxamed Cali Gaas oo haysta mudo bil ah si uu u soo magacaabo Gole Wasiro ayaa wararku sheegyaaan in uu wado wada tashiyo uu la yeelanayo qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, iyadoo warar laga helayo xarunta Madaxtooyada sheegayaan in qaar ka mid ah xubnihii hore ee Wasiirada ay ka mid noqon doonaan Golaha Wasiirada Cusub.

Qaar ka mid ah Odoyaasha Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa caasuumaado u fidinaya Siyaasiyiinta ka soo jeeda beeshooda kuwaas oo doonaya in ay dadaal u galaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen xukuumadda cusub ee Ra’isul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, hase yeeshee Odoyaasha ayaa u muuqda kuwo qaabilaya siyaasiyiin fara badan mid waliba waxay ku qancinayaan in ay u raadinayaan Wasiir , hase yeeshee Golaha Wasiirada oo markii hore tiradoodu ahayd 18 xubnood, ayaa hadda warar soo baxaya waxay sheegayaan in la gaarsiin doono 25 Wasiir taas oo fursad siin karta in beelaha qaar helaan min labo wasiir.

Xarunta Madaxtoonyada warar aanu ka helnay waxay sidoo kale tibaaxayaan in Golaha Wasiirada cusub uu ka mid noqon doono Xasan C/llaahi Farmaajo oo ay walaalo yihiin Ra’isul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo uu buuxin doono booskii uu Ra’isul Wasaaraha cusub ka hayey Xukumaddii Farmaajo ee ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, balse waxaa sidoo kale tibaaxay in C/waaxid Cilmi Goonjeex uu isna doonayo xilkaasi.

Xubno ka tirsan Qabqablayaashii dagaalka iyo siyaasiyiin kale oo horey xilal wasiirnimo u soo qabtay ayaa la sheegay in ay u xusul duubayaan in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda cusub, hase yeeshee xubno ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul Wasaaraha in Ra’isul Wasaaraha soo magacaabi doono rag aqoon leh Bulshada dhexdeedana ku leh ixtiraam iyo maamuus waxayna arrintani caqabad ku keeni doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Shiikh Shariif oo iyana la sheegey in xubno ka mid ah Qabqablayaashii iyo siyaasiyiintii hore ay wataan inkastoo ay horey u sheegeen in Ra’isul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas uu u Madaxbanaan yahay magacaabista Golaha Wasiirada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.