Home » Faallo »

Naadiga Soomali Pen oo Daah Furey Buug Cusub

… oo La Magac baxay (HOGAAMINTA WANAAGSAN ee uu Qorey Dr Cabdi Shire Warsame

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya uuna Qabanqaabaddeeda lahaa Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaiyeed laantiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kaasoo lagu soo bandhigay Buug uu qoray Cabdi Shire Warsame oo la magac baxay (HOGAAMINTA WANAAGSAN) ayaa lagu qabtay Hotel SAXAFI ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Xildhibaano, Wasiiro, Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Qorarayaal, Suxufiyiin , Haween iyo ardeyda Jaamacadaha iyo marti sharaf kale

Halkan ka daawo sawirada

Ugu Horeyn waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Naadiga Pen Laanta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Cabdi Naasir Yuusuf Macalin wuxuuna si kooban uga hadley Waxqabadkii Naadiga Pen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya wuxuu u mahadceliyey Qoraaga Buuga Hagaaminta Wanaagsan Dr Cabdi Shire Warsame oo uu sheegey in uu yahay Buug qiime ugu fadhiya Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay aad ugu baahan yiihiin Hogaan Wanaagsan wuxxuuna Bulshadiii goobta isugu Timid kula dardaarmey in ay noqdaan kuwa wax qora

Waxaa halkaa ka hadlay Qoraaga Buuga Cabdi Shire Warsame oo sheegay in sababaha uu u qoray buugaan ay tahay maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan hogaan toosan, isagoo sheegay in buugaani uu dadka ku toosinayo sidii ay u baran lahaayeen qaabka hogaanka toosan, maadaama laga soo bilaabo 1960-kii iyo hadda Soomaaliya aysan heli hogaan toosan taasoo sababtay in dalka uu ka dhaco dagaal sokeeye iyo burbur isagoo Buuga ku soo qaatey Oraah markasta looga baahan yahay Qofka Hogaan Noqda in uusan ku sifoobin Gar Eexo, Hadal Guracan iyo Gacan Laaban .

Waxaa Munaasabadii lagu so Bandhigayey Buuga Hagaanka Wanaagsan ka Hadley Qoraa Saciid Shire Cali oo isagu ka mid ahaa dadkii Akhristey Buugga oo ugu horeyn u mahadceliyey Qoraaga Buuga oo uu sheegay in uu qabtay hawl muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed madaama ay bulshada Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto hogaan Wanaagsan oo ku duwa dariiqa saxda ah.Saciid waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan waxba ka aqoon waxa la yiraahdo hogaanka Wanaagsan , waayo burburka maanta na haysta kuma aynan dhacneyn haddii aan heli laheyn hogaan Wanaahsan kaasoo uu sheegey in loo baahan yahay in shacabka lagu barbaariyo, wuxuuna u soo jeediyey Qoraaga buuga in Buugaan la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa.

Xubnihii kale ee ka qaybgalay Munaasabadda lagu soo bandhigay buugaas ayaa aad u soo dhaweeyey waxyaabaha ku qoran buugaasi, waxayna ku tilmaameen in uu yahay buug wax weyn soo kordhin kara haddii ay shacabku akhristaan, waxayna u soo jeediyeen qoraayaasha kale ee Soomaaliyeed in ay soo bandhigaan buugaagta noocaan oo kale ah oo ay bulshadu baahi weyn u qabto Waxaana Qoraaga Buuga Cabdi Shire Warsame uu Buugga Hadiyad ahaan u Gudoonsiiyey Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo uu sheegey in u gudoonsiiyey isagoo ka mid ahaa Guddigii Afka Soomaaliga , waxaa kaloo la gudoonsiiyey Nuurto Shiikh Maxamed oo iyana ka mid ahayd dadkii gacanta siiyey Naadiga Pen Waxaa kal;oo la gudoonsiiyey Dr Cabdiraxmaan Abuu Xamza oo isna qorey Buugaag Fara badan waxaana Bilaabatey in dadka ay iibsadaan Buuga Hagaanka Wanaagsan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.