Home » Faallo »

Soomaaliya:- Tashan Weydaye Waa Laguu Talin

Asalaamu Calaykum

“Adigoon Tabar Hayn, Talana Aan Hayn, Oo Talaab Gabay, Kolka Tooyooy, Niman Turuqyo Leh, Oo Tafaafulan, Oo Aan Kuu Turin, Ku Taxaabtaan, Ee Lagula Tago, Tashan Weydaye, Waa Laguu Talin” sidaa waxaa yiri Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed.

Akhristoow, waa wax laga naxo lagana arga-gaxo daruufaha adag ee la soo dersay danyartii Soomaaliyeed meel walbay joogaanba, sida dilka, dhaawaca, gaajada, cudurka, dhaqan doorsoonka, diin-ka baxa, amni darada, maamul xumada, iyo aragti gaabnida dadkii ku habsatay ee ay weli garan la-yihiin waxa sababay dhibaatadan raagtay iyo cida ay xalka ka sugayaan.

Wax-magaratadu(Kuwa sheegta in ay Siyaasisiin yihin) waxay nagu qaldeen waryaa ree hebel ah. Kalama xisaabtano wixii bulshada dan u ah, sida ( Nabada, waxbarashada, caafimaadka iyo dhamaan arimaha horumarka bulshada wixii ay ka qabteen). Waxaa tahay danbiile hadaad weydiiso cida talada u dhiibatay, inta ay hayn doonaan iyo waxa ay masuulka nooga yihiin. Dhulkii Soomaaliyeed maanta AMISOM iyo Taliye Uganda ah ayaa dhaxal u helay in ay ka dhulkii Soomaaliyeed ka taliyaan cideey rabaan maamula qofkii ka horyimaadana dila ama erya..

Waxaa oo dhan waxaa ka daran kuwa sheegta in ay Siyaasiyiin Qabiilka (Tolka) ma tala ah ee nagu yiraahdeen reerka (tolka) qof lagama arkeen hadii aan anigu sidaa yeeli lahayn, markaasaa danyartu run moodaa isaguna kibir iyo Allaah ka fogaad ka qaadaa. Midaas waxaa tusaale ah in R/wasaaarihii hore ee Farmaajo markii uu waxqabad la yimid in Kacdoonkii Shacabka loo badalay Qabyaalad iyo dhibaatadii shalay meeshan ina dhigtay.

Tashan weydaye waa laguu talin

20 sano kahor Markii Dowladdi aan bur-burinay oo dadkii Walaalaha ahaa ay cadow isku noqdeen oo  dhulkii Soomaaliyeedna magacyo loo kala bixiyay, qolo walibana meel lagu ooday si aynaan ooga tashan danta guud ayaan Maanta waxaan joognaa meeshii ugu xumeyd.

In Ciidan Xabashi ay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tagaan oo shacab ku layaan, in Taliye Uganda ah uu maanta R/wasaarihii dalka intuu warqad u qoro yiraahdo Xilka iska casil oo dalka isaga tag anagaa is gaarsiinay, haddii jahwareerka iyo qorsha la’anta aan ku jirno aynaan ka tashan Waxaa Hubaal ah meesha maant aan joogno iyo meylo ka xun in aan joogi doono, Allow Umuuraha Saqir.

“Adigoon Tabar Hayn, Talana Aan Hayn, Oo Talaab Gabay, Kolka Tooyooy, Niman Turuqyo Leh, Oo Tafaafulan, Oo Aan Kuu Turin, Ku Taxaabtaan, Ee Lagula Tago, Tashan Weydaye, Waa Laguu Talin” sidaa waxaa yiri Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed, abwaaku been ma sheegin oo maanta Gumeeysi cusub oo siyaasad cusub wata aya dalkiina iyo dadkiiba dhibaato ku haya, walaahi hadduu aynaan tashan in waxa maanta socda ee aan indhaheena ku aragno iyo wax ka daran aynu arki doono.

Somalidu waxay tiraahdaa “Nin hooyadii qorax ku jiiday, Sodohdii hoos kuma jiido”  haddaba maalintii ay ciidanka AMISOM inta ay laayeen Geel aan waxba galabsan kadibna yiraahdeen Argagixiso ayaan ooga shakinay ayaan gartay in aysan faa’iido soo wadin, sidoo kalle waxa ay dhibaato ba’an u geesteen Shacabka Soomaaliyeed dharaar gastana Gumaad ayay ku hayaan shacabka Masaakiinta ah..

Fiicnaan lahaydaa in aan kala ognahay kii noo gargaaray iyo kii wax noodhimay. Fiicnaan lahaydaa qofka in lagu qiimeeyo wax-tarkiisa balse aan lagu qiimayn qoyska uu ka dhashay. Fiicnaan lahaydaa xooga aan qabiilka ku difaacnay in aan beeraha ku falano danyartana ugu gar-gaarno. Fiicnaan lahaydaa lacagaha aan ku taageernay difaaca qabiilka in aan kaga faa-ideysano horumarka ilaha dhaqaalaha ee wadanka. Fiicnaan lahaydaa in aan is dhegeysano si aan isku fahano wixii dan noo ahna aan ooga wada tashano. Fiicnaan lahaydaa in aan wuxuu Allah na faray yeelno ku qasaari meynee, waxaan filayaa in wixii inoo fiican aan garan doono.

DANAHA SHISHEEYE iyo QEYBSANAANTA UMMADDA SOOMAALIYEED.

Laga soo billaabo qarnigii 19aad bartamihiisii dawlado shisheeye ayaa si kala duwan u daneynayay dalka soomaaliya. sanadkii 1884kii waxaa shir ka dhacay magaalada Baarliin ee dalka Jarmal-a lagu qeybsaday soomaaliya, oo la gumeystay ilaa kaddib dhammaandii dagaalkii labaad Jamciyadda Qaruumaha Midoobay, ay qaar soomaalida ka mid ah xurnimo siisay, halka qaar kalena aysan nasiibkaas yeelan. Ha noqoto waqtigii Soomaaliya dawladda ahayd, hase noqoto wixii ka dambeeyey burburkii dhacay sanadkii 1990kii weli ma harin in dawladaha adduunku, kuwa fog iyo kuwa dhow intuba, siyaalo kala duwan u daneynayaan arrimaha Soomaaliya. Taasu waa midda ka dambeysa inay 14 shir oo leysku deyay in soomaalida la heshiisiiyo ay dhammaan u socon waayeen aanna laga gaarin wax horumar ah, inkastoo masuuliyadda inteeda badan soomaalidu leeyihiin, ayagoo fekerkooda ku saleeyey waxyaalo raqiis ah, oo ka indhasaabay danihii guud ee qarannimo.

Sidoo kalle maanta Badda Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidan fara badan oo ka socda dalal badan oo dhamaantood ay damac kaga jirto Soomaaliya, sidoo kalle gudaha Somalia waxaa jooga Ciidan ka socda Midowga Africa waxaas oo dhan marka la isku soo daro waxa ay qeyb ka yihiin damac ku jira dowlad waliba in ay Soomaaliya gacabta ku dhigto.

soomaalida ayaa laga rabaa iney gartaan waxa dantoodu ku jirto, ayna tashadaan wadajirna ugu dhaqaaqaan wixii ay uga bixi lahaayeen gunnimada iyo baryaha marba dalka dibadda ah loogu yaacayo, la cilaaqtamayo, loo kala baxayo kooxa shisheeye kala taageersan, kaddibna la kala tegaayo ayadoo la sii kala fogaaday, ilaa goormaa waxaas la wadayaa, yaase danu ugu jirtaa? Sidaas waxaa uun ku lumaya dadnimadii, islaannimadii, waddaninimadii iyo xataa qofnimadii!

QEYBSANAANTA UMMADDA SOOMAALIYEED, Waa cudurka ugu daran ee na heysta.. dawladnimo waxaa saldhig u ah shacbi, oo macnihiisu yahay qabiillo midowbay, oo yeeshay una shaqeynaya dano isku mid ah; laakiin intaan qabiilladu garan iney wadaagaan dano aan qeysami karin oy ugu waaweyn yihiin: wax la qeybsiga shucuubta kale, waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, biyaha, korontada, lacagta iyo iwm, iyo inaan kala qeybsanaan lagu gaari karin; intaan sidaas la fahmin dawladnimo la gaari mayo, adeegyada kalena la arki mayo, maxaa yeelay qabiil waxba gaar uma sameysan karo; waana soo marnay inaan qabiil dawlad ahaan karin, qabiilna dawlad noqon karin! Marka caqli ma ahan in aan fikrad shaqeyn kari weyday dul fadhinno, oon ku xiiqno iney shaqeyso; ayadoon ogsoon nahay inay nala gudboon tahay inaan wada-shaqeyn oo kali ah dowlad ku noqon karno iyo in ciddii qabata xilkeeda laga rabo iney dadkoo dhan isku si ugu adeegto, oon xigtanimo ama eex laga dareemin hawshiisa.

Gaba gabadii iyo Gunaanadkii umadda Soomaaliyed meyl walba oo ay joogto gaar ahaan inta wax ka qaban karta xaaladda dalka in ay u istaagaan in dalka meesha uu ku socdo laga bad-baadiyo, Soomaaliya haddii ay sidan ku sii socoto waxaa la weyn doonaa wax badan oo maanta la heesto sida Magaca, Calanka iyo Dhulka Soomaaliyeed.

Waxaanan hadalkeeyga kusoo geba gebeynayaa gabaygii allaha u naxariistee Cabdulle Raage oo ahaa:

 

Hilib aa ku rarateen Dhurwaa, waana huruddeene
Isaguna hammuun uu qabee, waa ka heensadaye
Haddiise looga haro waa gunnimo, hadal la’aaneed

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

Sayfudiin@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliya:- Tashan Weydaye Waa Laguu Talin "

  1. Adam Abuzhri says:

    Mudane adigoo iga raali ah, miyaad noo haysaa cid noo talisaba oo xitaa nagu celiso gumaysigii la sheegey inaan ka xurowney 1960. Waxaan filaya gumaysi baa noo dhaami lahaa sidaan waayo caalamkana waa nala tacaadufilahaa, halgan mideysana waa la galilahaa, rajo fiicana waan hiigsan laheyn! Maanta iyo halka ay marayso waa ha tashan, yaana laguu talin! Waad mahadsantihiin