Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG oo Codka Kalsoonicda Aqlabiyad aad u weyn kaga heley Golaha Baarlamaanka

23 kii Bishaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo Hore Dowladii Farmaajo uga ahaa Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaa Raiisul Wasaaraha Cusub soo dhaweeyey Qaybaha kala duwan Bulshada wuxuuna Madaxweyanaha DFKMG uu Xiligaa sheegey in Raiisul Wsaaraha Cusub la horgeyn doono Golaha Baarlamaanka si uu u ansaxiyo.

Maanta oo Bishu ay tahay 28 Juun 2011 ayaa waxaa kalfadhiga isu yimid Xubnaha Baarlamaanka wuxuuna kulankaan uu ku saabsanaa sidii Baarlamaanka u ansaxin lahaa ama codka Kalsoonida loo siin lahaa Raiisul Wsaaraha Cusub Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxaana Kalfadhiga shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana maanta soo xaadirey ilaa 443 Xildhibaan. Ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha Cusub Dr cabdi Weli oo u soo jeediyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ay siiyaan Codka kalsoonida.

Halkan ka akhri Khudbadii Dr Gaas ka jeediyey Baarlamaanka (Jun 28, 2011)

Dr C/Weli Gaas ayaa xildhibaanada hortooda ka sheegey in haddii Codka Kalsoonida ay siiyaan uu soo dhisi doono Dowlada samatabixisa Shacabaka soomaaliyeed oo uu sheegey in ay ku jiraan Xaalad adag, sidoo kale wuxuu sheegey in Dowladda uu soo dhisi doono ay ka mid noqon doonaan Xubno Karti leh isagoo sheegey in uu Dowladda ku saleyn Doono Axdiga Ku meel Gaarka ee ku dhisan Dowlada Federaalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shikh Aadan oo isna ka Hadley kalfadhiiga Barlamaanka ayaa waxaa uu sheegey in Raiisul Wasaaraha Cusub uu qayb ka yahay Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Kambala isagoo ugu Baaqey Xildibaanada Baarlamaanka in ay Codka siyaan Raiisul Wsaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas si uu soo dhiso Dowlada Tayo Wanaagsan.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo isna ka Hadley kulankaas ayaa waxaa uu soo hadal qaadey Qodobadii ka soo baxay Shirkii Kambala sidaa Darteed Madaxweynaha KMG wuxuu sheegey in Shirka Kambala uu Xalaal Noqon doono marka Xildhibaanada Baarlamaanka ay ansaxiyaan, wuxuuna soo jeediyey Raiisul Wasaaraha cusub in in uu soo dhiso Dowlad wax ka qabata xaalada adage ee uu dalka ku jiro.

Raiisul Wasaaraha Cusub Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa loo qaadey Codka kalsoonida waxaa ogolaatey oo Codka Kalsoonida Siiyey 437 waxaa diidey 4 Xildhibaan, waxaa ka aamusey 3 Xildhibaan , waana markii ugu horeysey oo tiro intaa la’eg ay Codka Kalsoonida siyaan Rasiil Wasaaraha DFKMG Soomaaliya iyadoo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xilligiisa heley 250 Xildhibaan taasoo xilligaas aan gaarsiirsaneyn Codkii loo baahnaa ee ahaa 276 Xildhibaan, sidaa buu ku soo xirmey kalfadhigii waxa la dhowrayo oo la wadaa sugayo waa Dawlada uu soo dhisi doono Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Wafdi ka socdey Midowga Afrika oo uu Hogaaminayey Ku-xigeenka Wakiilka arrimaha Afrika ee Soomaaliya Wafulo Wamanyinyi .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Raiisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG oo Codka Kalsoonicda Aqlabiyad aad u weyn kaga heley Golaha Baarlamaanka "

  1. Jaalle R/Wasaare, ma kuu sii tacsiyadeeyaa inta aan lagu casilin mise waan kuu barakeeyaa jagadaan qof horey ugu nastey aanu jirin! Mise waxaan kuula dardaarmaa sidii aad ugu diyaar garoobi laheyd sidii aad isu calisilaheyd haddii ay soconweydo howshii aad jagadaan u aqbashey, soo celinta Qarankii Somalia.