Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Magacaaban oo loo gudbinayo sidii uu wax uga qaban lahaa xuduudda Badda Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha cusub (C/weli Gaas) “Waxaan u geyneynaa, taageerona ku siinaynaa in uu qorshiisa hawleed kuwa ugu horeeya ku darsado arrinta (xuduudda badda Soomaaliya )…”

Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro Oo Ka Digey Xadgudubka Xaduuda Bada, Islamarkaana Ku Eedeeyey Madaxweynaha DFKMG Inuusan Doonayn In Baarlamaanku Ka Hadlo Arintaas (Waraysi Cod Ah Dhegayso)…

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/daahirciiro.mp3]

Xildhibaan daahir c/qaadir ciiro oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee somalia oo waraysi gaar ah siiyey weriye yaasiin faytin ayaa ka digay xuduud badeeda Somalia islamarkaana sheegay in cidkasta oo kusoo xadgudubta xuduuda bada ay talaabo ka qaadi doonaan isagoo carabaabay inay arintaas u gudbin doonaan raysalwasaaraha cusub xiliga la ansixiyo, isagoo eedayn dusha kaga tuuray madaxweynaha dowlada KMG ah ee somalia shariif sheikh axmed oo ku eedeeyey inuu arinta xaduuda bada hore u saxiixay waloow uu baarlamaanku si aqlibiyad leh ku diidey madaxweynuhuna ku sheegay in baarlamaanka aan wax kasta la horkeeni Karin taasina ay tahay ayuu yiri mid uu ka xun yahay in arinta xaduuda bada laga hadlo oo baarlamaanku mooshin ka diyaariyo.

Xildhibaan daahir c/qaadir ciiro ayaa uga digay dowlada Kenya inay xaduuda bada somalia kusoo xadgudubto islamarkaana tilmaamay in la yaqaano xaduuda bada ee kala qaybisa somalia iyo Kenya isagoo daboolka ka qaaday inay hore Kenya uga tirsanayeen inuu dal iyo dad kaga maqan yahay iminkana aysan ku darsan badii oo khayraadka ku jira isku deyin inay ka faa,iidaysato xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay arintaasi ka hor tagaan islamarkaana aysan dhayalsan isagoo si gaar ah farta ku fiiqay ergayga qaramada midoobay u jooga somalia ambasadar mahiga iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobay banki moon inaysan arintaas indhaha ka qarsan islamarkaana eedeeyn dusha kaga tuuray ambasadar mahiga oo uu sheegay inuu ku qaybsan yahay kala qaybinta khayraadka somalia .

Xildhibaan daahir c/qadir ciiro oo aan weydiiyey su,aal ahayd hadii beesha caalamka iyo dowladaha ay arintani khusayso sida Kenya iyo norwey ay dhegaha ka furaysteen ka baarlamaan soomaaliyeed ahaan maxaad ka yeelaysaan ayaa ku jawaabay in baarlamaanka KMG ah ee somalia uusan ahayn hay,ada fulinta islamarkaana loo baahnaa in xukuumadihii hore noosoo maray iyo madaxweynaha dowlada KMG ah inay wax ka qabtaan waloow aysan jirin waxay ka qabteen iminkana baarlamaanka ay waxqabad u tahay in markasta ay ku dadaalayaan inay arintaas ku dadaalayaan inay ka hor tagaan isagoo umada soomaaliyeedna ugu baaqay kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibada joogaba inay u iftiimiyaan waxii ay arkaan sida tan dhacday oo kale ka baarlamaan ahaana ay ka hortegi doonaan

Su,aal kale oo aan weydiiyey oo ahayd aqoon yananada dibada jooga ee qurba joogta ah inay arintan qaar kamid ahi ka qaylo dhaamiyeen islamarkaana warbaahinta la hadleen maadaama ay yihiin baarlamaankii somalia ma jiraan wax mooshin ah oo aad ka diyaarinaysaan ayaa ku jawaabay waanu ka diyaarinaynaa cid kasta oo ku lu yeelatana waanu ka qaadaynaa waxii ay ku yeelato

Xildhibaanka ayaa sidoo kale weydiiyey Malaga yaabaa in raysalwasaaraha magacaaban hadii baarlamaanku ansixiyo inay u gudbin doonaan baarlamaanku ayaa ku jawaabay in raysalwasaaraha magacaaban ee c/weli uu yahay nin aad u degan islamarkaana hufan yahay waanuna u geyn doonaan hadii alle idmo

Ugu dambayntii ayaan weydiiyey maxaad ugu baaqaysaa umada soomaaliyeed ee wadaniga ah ama waxgaradka ah ee ay u muuqdaan xaduuda bada iyo wax kasta oo dhibaato u keeni kara dalka iyo dadka ayaa ku jawaabay in loo baahan yahay in umada soomaliyeed midoobaan islamarkaana loo baahan yahay inay danta gaarka ah ka hormariyaan danta guud si loo helo bulsho soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadkooda badbaadiya .

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@gmail.com

###

Cawed Axmed Cashara : Nimankii Saxiixay Heshiiskii Badda Somalia Waxay Taariikhda Ka Geli Doonaan Baal Madow

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baralamaanka KMG ah ee somalia xildhibaan cawed axmed cashara oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo khadka telefoonka ugu waramayey weriye yaasiin faytin oo muqdisho ku jooga ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka KMG ah ee somalia uu wax weyn qabtay islamarkaana ka hadlay arintii bada dadka soomaaliyeedna ay iska dhaliilaan maantana doonayo inuu u istaago inuu wax ka qabto qaranimada soomaaliyeed oo uu wax ka qabto shirkii kampaala oo ahaa mid luminaya qaranimada umada soomaaliyeed.

Dhegeyso Waraysiga:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cawed_cashara_badda.mp3]

Xildhibaan cawed axmed cashara ayaa intaasi ku daray in shirka kampaala uu baarlamaanku ku gacan saydho islamarkaana aan la lumin xoriyadii iyo qaranimadii dalka soomaaliya uu lahaa isagoo tilmaamay in labo nin loo shaqeeyo oo ay dowlado aan wadin danaha dalka Somali ay meesha yiraahdaan waan ku ilaashanaynaa isagoo labada nin ula jeeday madaxweyne shariif sheikh axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheikh aadan….

Warkan oo dhamaystiran ka akhri halkan  https://somalitalk.com/2011/06/25/cashara-2/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Magacaaban oo loo gudbinayo sidii uu wax uga qaban lahaa xuduudda Badda Soomaaliya "

  1. Ma rabataa in aad ogaado cabirka dhul badeedka Soomaaliya, halka hoose ha ka daabacdo adigoo fiirinaya bogga 215.
    Dhageyso warbixinta codka:-
    http://somalitalkradio.com/cod/2011/fariinta_wadaniga_bashiir1.mp3

    Yaan la dhageysanin warka beenta ah oo Wasiirka Kallumeysigu lasoo taaganyahay.
    http://www.marina.difesa.it/documentazione/editoria/marivista/Documents/Glossario2007.pdf
    Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo WADANIYIINTA ah la socodsiinayaa in aay jiraan dad la adeegsanayo oo wali lasoo indha cad Somaliya waxaay leedahay 12nm Dhul badeed oo uga diinwaangashan sharciga badaha ee qarammada midoobay, muraadkooduna waxuu yahay in aay Ummadda Soomaaliyeed oo WADANIYIINTA ah in aay khalkhal galiyaan, taasina uma hirgaleyso oo sharci cad baa miiska saaran.

    Waxaa meel kadhac ku ah caqliga guud ahaan Soomaalida in wasiirka
    kalluumaysigu yiraahdo 12 mayl ayaa naloo ogol yahay, wax xeer ahna
    noogama deganayn badda, waxana uu xitaa ku doodayaa 200 mayl ee ay
    doonayaan in ay tahay Aagga ama xuduudda dhaqaalaha – exclusive
    economic zone (EEZ) – zona economica esclusiva (ZEE) – Taas oo ah
    khalad weyn iyo khiyaano qaran… Soomaaliya waxaa u cabirnaa xuduud
    badeed ah 200 nautical miles oo ah Territorial Waters.

    Waxaan lahayn xeer law no 37 / 1972 kaas oo
    dhul-badeedkeena xilligaas inoo cabiray kana dhigayey 200 mayl badeed
    oo ah TERRITORIAL WATERS (Acque Territoriali) (Territoriale wateren).
    Waxana loo baahan yahay in adduunka hadda lagala hadlo sidii taas loo
    sii kordhin lahaa oo looga dhigi lahaa 350 mayl sida Qarammada
    Midoobey 2009 adduunka badaha leh u qoondaysay.

    Soomaaliya keliya ma laha 200 mayl badeed oo ah
    Territorial waters, waxaa sidaas oo kale leh 7 dal oo kale.
    Halka hoose waxaan kuugu soo gudbinayaa lifaaqa sharcigii badaha ee qaramada midoobay oo aad ku arki karti in Soomaaliya aay u cabirantahay 200nm oo ah Acqua TERRITORIALE. (Fiiri Pag.215) ee GLOSSARIO 2007)
    http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac5.html
    Waxaad kaloo ka arki kartaan qoraalladii aan horay uha sameeyay oo aan halkan hoose idiinku soo gudbinayo.
    Dadka la adeegsanayo warkooda ha maqlina ee adinku indhihiina wax ku arka, kaddibna GO-AAN GAARA waxii idiinla qumman.

    Waxaan rajeynayaa in aan wada guuleeysanno.
    http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html
    http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac4.html
    Somalia HA NOOLAATO.
    Bashir Shekh Moxamed
    bashirmohamud@yahoo.com