Home » Warar »

Axmed C/raxmaan Cabaade “Dowladda la dhisayo waxaan leeyahay aysan waxba qaban waayo tii hore oo wax qabatay ayaa la eryay”.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Dekedaha ee xumaddii Farmaajo Axmed C/raxmaan Cabaade oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyntii wuxuu hambalyo iyo bogaadin ku aadan 26-ka iyo 27-ka June u diray shacabka Soomaaliyeed, maalmahaas oo ku aadan markii ay xoriyadda qaateen Gobalada Waqooyi iyo Dalka Jabuuti, waxa uuna sheegay in shacaka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo aan sinaba u kala maarmaarin.

“Waxaa xaqiiqo ah in aysan xor aheyn xiligaan Waqooyi iyo Koonfur, waayo waxaa na haysta wadamo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya dowlad hesho” ayuu yiri Axmed C/raxmaan Cabaade oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay fadhiga ka kacaan oo mar kale gacmaha is qabsadaan si ay uga xuroobaan wadamada weli faraha kula jira arrimaha Soomaaliya, wuxuu intaa sii raaciyey “Soomaalidu waxay tiraahdaa Godinyahay ima goyseen haddaan gabalkey kugu daabneyn, waayo Soomaali ayaa u horseeday in Soomaaliya mar kale ay gumeysi gasho”.

Axmed C/raxmaan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Dowladda Federaalka, wuxuuna yiri “Dowladii Farmaajo markii la ogaaday in ay shacabka Soomaaliyeed wax u qabaneyso ciidamada Dowladduna ay horumar sameeyeen ayaa meesha laga saaray, sidaana waxaa sameeyey beesha caalamka, marka dowladda la soo dhisi doono waxaan u soo jeedinayaa in aysan waxba u qaban shacabka waayo tii hore ee wax qabatay ayaa meesha laga saaray”, isagoo sheegay in arrintaan looga bixi karo iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan waxa dhibaatada ka wada Soomaaliya ay yihiin dowlado iyo ururo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya xasilooni iyo nabad hesho. Mar wax laga weydiiyey in uu dib uga soo muuqan doono Dowladda laga soo dhisayo ayaa wuxuu ku jawaabay “Xilku waa meerto haddii mar kale laysoo magacaabo hawsha waan sii wadayaa, mana jirto cid la dhalatay inay mar kasta xilka iska hayso”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.