Home » Warar »

Cawed Axmed Cashara : Nimankii Saxiixay Heshiiskii Badda Somalia Waxay Taariikhda Ka Geli Doonaan Baal Madow

Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baralamaanka KMG ah ee somalia xildhibaan cawed axmed cashara oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo khadka telefoonka ugu waramayey weriye yaasiin faytin oo muqdisho ku jooga ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka KMG ah ee somalia uu wax weyn qabtay islamarkaana ka hadlay arintii bada dadka soomaaliyeedna ay iska dhaliilaan maantana doonayo inuu u istaago inuu wax ka qabto qaranimada soomaaliyeed oo uu wax ka qabto shirkii kampaala oo ahaa mid luminaya qaranimada umada soomaaliyeed.

Dhegeyso Waraysiga:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/cawed_cashara_badda.mp3]

Xildhibaan cawed axmed cashara ayaa intaasi ku daray in shirka kampaala uu baarlamaanku ku gacan saydho islamarkaana aan la lumin xoriyadii iyo qaranimadii dalka soomaaliya uu lahaa isagoo tilmaamay in labo nin loo shaqeeyo oo ay dowlado aan wadin danaha dalka Somali ay meesha yiraahdaan waan ku ilaashanaynaa isagoo labada nin ula jeeday madaxweyne shariif sheikh axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sheikh aadan

Sidoo kale gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia cawed axmed cashara ayaa baarlamaanka KMG ah ee somalia ugu baaqay inay arinta ku saabsan shirkii kampaala ay meel uga soo wada jeestaan islamarkaana daboolka ka qaaday in umada soomaaliyeed maanta idinku eegayso halka aad ka istaagtaan arintaas oo ay fadeexad ku noqon doonto baarlamaanka soomaaliyeed

Xildhibaanka oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in raysalwasaaraha iminka lasoo magacaabay ee Dr.c/weli maxamed cali gaas ay umada soomaaliyeed ku eegi doonto hadba sida uu u shaqeeyo isagoo carabaabay in dadka soomaaliyeed ee dibadaha jooga ay ku dibad baxaan qaramada midoobay islamarkaana daboolka ka qaaday in dadka Gunimada la raba soomaaliyana ay iska xorayn doonaan

Cawed axmed cashara oo aan weydiiyey arinta bada ku saabsan ee uu hore u saxiixay madaxweyne sheikh shariif sheikh axmed sida ay baarlamaanku ka yeeli doonaan ayaa ku jawaabay arinta badu inay tahay dembi laga galay qaranka soomaaliyeed islamarkaana uu hore uu baarlamaanku meel wanaagsan isaga taagay loona baahan yahay in laga dhiidhiyo lana hor istaago wax kasta oo dalka wax u dhimaya

Su,aal kale oo ahayd suurta gal ma tahay in baarlamaanka KMG ah ee soomaaliyeed ay arinta bada mooshin ka keenaan oo aysan u lumin xaduudii bada soomaaliya lahayd maadama ay Kenya doonayso inay qaadato qayb kamid ah badii soomaaliyeed ayaa ku jawaabay arintaasi waxay ahayd mid qaldan islamarkaana loo baahan yahay in heshiiskaasi uu noqdo mid aan suurto gelin dadkii ka qayb qaatayna ay baal madow kam geli doonaan taariikhda somalia

Ugu dambayntii ayaan xildhibaanka weydiiyey maxaad ugu baqaysaa umada soomaaliyeed oo hore u tyirsanaysay in dhul ka maqan yahay islamarkaana iminka badii lagu soo xadgudbay ayaa ku jawaabay inuu ugu baqayo umada soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan islamarkaana ka tagaan qabiilka isagoo xusay inay isu taagaan sidii ay dalkooda u badbaadsan lahaayeen

yaasiin faytin
yaasiinfaytin AT gmail DOT com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Cawed Axmed Cashara : Nimankii Saxiixay Heshiiskii Badda Somalia Waxay Taariikhda Ka Geli Doonaan Baal Madow "

  1. Magan says:

    Anigu ra’yi ahaan waxaan soo jeedin lahaa in xildhibaanadda inta wadaniyiinta ah ee ka soo horjeesatay Heshiis ku sheegii Kampalla in ay kalsoonida kala noqdaan kuwa danaha shisheeye wada. Wax dan ahna aanan u haynin shacabka somaliyeed ee wadankooda gudihiisa qaxootiga ku ah. Habeen iyo maalina barakicinta joogtada ah lagu hayo .
    Cajiib war ma waxaa adduunka lagu arkay nin furihii baarlamaanka jeebka ku sita oo wax dan ah oo uu umadda u hayo aanay jirin. war ma waxaa adduunka lagu arkay xildhibaanadii waday danaha shacab somaliyeed oo albaabkii baarlamaanka inta laga soo xirtay suuqa ku shira la yiri? waxaas oo dhan idinkaa isugu wacan haddaad xildhibaano tihiin waayo xuquuqdiinii baad ka aamusteen. waa cajiib.

  2. http://somalitalkradio.com/cod/2011/fariinta_wadaniga_bashiir1.mp3

    Baarlamaanka Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aay
    Wada dhageestaan WARBIXINTAN CODKA ah oo kor ku dhagan, lana badbaadiyo batroolka badda Soomaaliya ee la rabo hadda in loo gacangaliyo Kenya. Arrintani waa arin run ah.

    Waxaa talo iga ah in aan iska dhaafno is qab-qabsiga siyaasadeed oo
    aan waqtigan xaadirka ah u wada gurmanno meelna uga soo wada jeesanno difaaca batroolka badda Soomaaliyeed oo loo tashaday lana rabo in loo gacangaliyo KENYA.

    Bashir Shekh Moxamed
    bashirmohamud@yahoo.com