Home » Warar »

Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka – Mutamarkii 11aad ee Waqooyiga Ameerika – Minneapolis, July 1, 2 & 3

VIDEO CUSUB: Ilaahay Mahadi ha ka gaadho, waxaa farxad u ah Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, inay idiin soo gudbiso ogaysiiskii koowaad ee mu’tamarkii sanadlaha ahaa, kiisii 11-aad. ….. Hoos ka daawo…

——–

Abubakar As-Saddique Islamic Center

& North American Council of Somali Imams

Present

11th Annual Convention

شمولية المنهج الإسلامي

Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka

The Universality of Islamic Methodology

Flier-ka Mutamarka halkan ka daalaco..
RIIX HALKAN

Ilaahay Mahadi ha ka gaadho, waxaa farxad u ah Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, inay idiin soo gudbiso ogaysiiskii koowaad ee mu’tamarkii sanadlaha ahaa, kiisii 11-aad.  Mu’tamarka sanadkan cinwaankiisa guud waa “ Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka” oo hadii la fasiro noqonaysta Islaamku waa koobay Manhaj ahaan, dhinackasta oo  nolosha ah. Mu’tamarka sandkan ayaa kusoo beegmaya xili fasax ah, hawaduna ay wanaagsantahay, sidaa daraadeedna waxaa la filayaa inuu noqdo kii ugu dadka badnaa.

Masaajidka Abuubakar ayaa aad ugu wargalinayey dadwaynaha Muslimiinta ah ee Maraykanka, gaar ahaan  kuwa gobolka Minnesota iyo nawaaxigeeda inay inay usoo diyaargaroobaan Mu’tamarkan wayn, fasaxoodana ku qaataan, fursadaan qaaliga ah, bilihii lasoo dhaafay.

Sanadkan waxaa la qorshaynayaa in Mu’tamarka lagu soo kordhiyo barnaamij cusub oo ummada faa’iido u leh oo khuseeya, nolosha ijtimaaciga ah, ganacsiga iyo umuuro kale oo la xiriira unkida qoyska iyo hanasha guurka, ka dib. Barnaamijtaan waxaa ka mid ah;

1-      Seminars

2-      Workshop

3-      Islamic trivia (Kadis all audience )

4-      Pre marriage consoling

5-      Islamic Finance

6-      Education program

7-      Research About Qat

8-      Research about Tobaco and Sheesha

9-      Youth Issues

10-  Gabay and more

Mu’tamarka sanadkan waa July 1st, 2nd and 3rd 2011, oo ah Jimce, Sabti iyo Axad. Goobta waa Minneapolis Convention Center 1301 2nd Ave South. Minneapolis, MN 55403, sidii caadada inoo ahayd waxaa diyaar ah haynta ilmaha (day care) iyo soo qaadid bilaash ah meelo cayiman, Free transportation (specify area )

Magacyada Culimmada Mu’tamarka Sanadkan aan kusoo wada dhawayn doono insha allaah.

  1. Sh. Mohamed Idris
  2. Sh.Abdirisaq Takar
  3. Sh. Abdirahman Sh. Omar
  4. Sh. Abdullahi Ibrahim
  5. Sh. Abdirasaq Hashi.
  6. Sh. Ahmed Nur
  7. Dr. Farooq Al Samarai
  8. Dr.Waleed Maneesy
  9. Dr. Abdulhakim Mohamed ( Hayafi)

10.  Dr. Hatim Al-Haji

11.  Dr. Mustapha Hammida

12.  Sh. Abdulbary Yahya

13.  Sh. C/risaaq Sancaani

14.  Sh. Abdullahi Abul Fadli

15.  Sh. Abdirahman Haguf

16.  Sh. Abdihakim Hassan Hussein

17.  Sh. Okasha Abullahi Hassan

18.  Sh.  Jamaal Bin Amir

19.   Sh. Youssef As-Sousi

20.   Sh. Yusha Evans

21.  Dr. Ahmed Haji Abdirahman (Video Conference)

22. Sh. Maxamed Cabdi Ummal (Video Conference)

23. Sh.Maxamuud Shibli (Video Conference)

Macluumaad intaas dheer fadlan soo wac Abubakar Center 612-871-8600 Ex: 0 ama booqo www.abuubakar.org ama abubakarcenter@gmail.com waxaa inoo balan ah Convention-ka insha allah.

Hassan Jama (Xasan Dhooye)

Abubakar As-Saddique Islamic Center Executive Director. Jizaakumallahu Khayran

Flier-ka Mutamarka halkan ka daalaco.. RIIX HALKAN


 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka – Mutamarkii 11aad ee Waqooyiga Ameerika – Minneapolis, July 1, 2 & 3 "

  1. Hussein says:

    Waxaan kula talinayaa maamulka masaajidka Abubakar aad baan ugu mahad celinayaa dadaalka ay ugu jiraan u adeegida bulshada. Waxaan kula talinayaa in dadka markay muxaadaraadku socdaan aysanna dadka u ogolaan inay socdaan banaanka hoolasha illaa daruura mooyaane, maxaa yeelay markasta oo aad aragtid meesha muxaadaraadku ka socdaan dad yar ayaa fadhiya, laakiin waxaa bannaanka jooga dadka intiisii badnayd oo iska sheekaysanaya. Waad mahadsantihiin.