Home » Warar »

Khilaafka Labada Shariif ee ku saabsan Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Golaha Wasiirada

Warbixin ku saabsan Sababaha keeney in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka Caroodo in Cabdi weli Mxamed Cali gaas loo magacaabo Raiisul Wasaare –

Faarax Macalin “ Gudddomiyaha Baarlamaanka Xaq u ma leh in uu farageiln ku sameeyo Ciida uu Madaxweynaha u magacaabo Raiisul Wasaare

Ayadoo weli la dareemayo Khilaafka ka dhaxeeya Maxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa mar kale laba kacleeyey khilaafkii labadooda u dhaxeeyey markii Madaxweyne Shiikh Shariif uu damcay in uu Raiisul Wasaare u Magacaabo Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa Wasiiradii Raiisul Wasaarhii Hore Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ay ka wada yimaadeen dalka Mareykanka,  waxayna tani keentey in Madaxweynaha DFKMG uu dib u dhigo magacaabista Cabdi weli , waxaana shalay ilaa Xaley Socdey wada hadal lagu xalinayo Khilaafka labada Shariif.

Warar aan ka helney Madaxtooyada waxay sheegayaan in Khilaafka uusan ka imaan magacaabista Cabdi weli balse rag ku dhow dhow Shiikh Xasan ayaa noo sheegey in Shiikh Xasan aan loo caddeeyn Cidda ka mid noqoneys Goloha Wasiirada uu soo dhiso doono hadda Cabdi weli loo magacaabo ra’iisul wasaare. Waxaana lagu waramey in Shariif Xasan uu maqley in dib loo soo celinayo Wasiiradii farmaajo, wuxuuna doonayaa in gabi ahaanba meesha laga soo saaro Wasiiradaas isla markaana qaab awood qaybsi ah loo magacaabo wasiirada oo la sheegey in la gaarsiin doono ilaa 27 wasiir.

Gudomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegey in uu doonayo in xitaa wax laga bedelo Maamulka Gobolka Banaadir. Taliyayaasha Ciidamada , Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha.

Wuxuuna noo sheegey xubin ku dhow Shariif Xasan in heshiiskii kambala uu dhigayo in labada shariif ay kala qaybsadaan Ciida ka mid noqoneyasa Golaha Wasiirada iyo xillalka kale ee ugu Muhiimsan Dawladda Madaama aan wax mooshin ah laga keeneyn mudddo sanad ah Xukuumada , Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka mudadaas lagu kala joogo waxa hadda la magacaabayo.

Warar kale ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu doonayo in Raiisul Wasaare laga dhigo Nin la sheegey in uu wato Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta oo aanan helin magaciisa hase yeesee Waxaa lagu waramey in Cabdi weli Maxamed Cali Gaas uu la Hadley Cabdiraxmaan faroole si ugu ololeeyo in loo magacaabo Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya maadaama uu ka soo jeedo deegaanka Pundland balse lama oga in ay meel wax isla dhigeen , hase yeeshee Madaxaweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa weli ku adkeysanaya in Cabdi weli uu noqdo Raiisul Wasaaaraha oo la filayaa in saacadaha soo socdo la magaacaabo.

Faarax Macalin oo Gudoomiye ku xigeen ka ah Baarlamaanka Kenya oo u waramayey Idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga ayaa wax lala yaabo ku tilmaamey in Gudoomiye Baarlamaan uu faraha la soo galo magacaabista Raiisul Wasaaraha, wuxuu sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka looga baahan yahay in marka la keeno Raiisul Wasaaraha Golaha Baarlamaanka ay xaq u leeyihin in ay diidaan ama ogolaadaan hese yeeshee wax is hortaag ah kuma saameyn karo waxa Madaxweynaha uu soo magacaabo marka waxaa filayaa in gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku tuntey Axdiga ku meel gaarka.

Isku soo wada duubooo Khilaafka u dhaxeeya labada Shariif ayaa u muuqda mid si xoogeysanaya waxay dadka ka hadla arrimaha siyaasada ay sheegaya in khilaafku uu sii socon doono maadaama ay sheegeen in mar kale la isku khilaafi karo cidda ka mid noqoneya Golaha wasiiradda oo la sheegey in shariif Xasan uu doonayo in lagu daro rag hore u so noqdey Hogaamiye kooxeedyo waayo soo dhaweyntiisii ayey ka qaybqaateen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Khilaafka Labada Shariif ee ku saabsan Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Golaha Wasiirada "

  1. Farah says:

    Macal cune soo bixi doonee ayaa la yiri;
    Waxaan Ilaahay ka rajaynayanaa in ay kashifanto sirta daahan oo ay wakiilada ka yihiin kuwa diirka nooga eg balse ah wakiilada dhabta ah ee gumeysiga qarsoon.
    waxaa la gaaray xilli hal qof uu somali dhan wareersho waayo dadkii iyo dalkiiba horey ayaa loo wareershey, xumaanta wax yac iska oran karana meesha kuma harin, waataas maalinba meel loo jeedinayo, Allow sahal amuuraha !! waa nin buka adduunku u tali waa tabtaan nahay!

  2. waxaan kaxumahay qillaafka madaxda dawlada, waxaan kaloo kaxumahay sida aya siyaasada Soomaliya ay maalinba maalinta kadanbaysa ay ceel dheer ugu siidhacayso. wxaan u arkaa inay tahay wax laga xumaado in soomaliya danteeda ay hor istaagaan shaqsiyaad sheeganaya mas-uuliyiin, waxaan siguud ulla hadalayaa Masuul soomalli meel walba oo uu joogo, wxn oranayaa war masuul dulmi usaaxiiba hanoqon, ee noqo mas’uulka carshiga Alle harsanaya maalinta aad tabardantahay. wbillhi twfkh.

  3. nora says:

    Shariif Shiikh Xasan Xaq buu u Leyahay in u Xaqiiqsado Wasiiradii u Wato in u Ogolado Madaxweynuhu iyo Weliba Jagooyinka ay Qaban Donaan.
    Nadaamka Somaliya ku dhisantahay waa Awood Qaybsi Beeled Shariif Sh Xasan waxaa Waajib ku ah Wixii Beeshiisu ku Dulmantahay in uu Soo dhiciyo
    Madaxwene Sh Axmed inta Usan Magacabin R/W waa in u Meel cad Saaro Wasirada Mudane Sh Xasan Liskoda u so gudbiyey.

  4. Osman says:

    Assalamu calaykum.
    Saaxiibaday Somalitalk waan salamayaa waana uga mahadcelinayaa fursadaha ay siyaan umadda somaliyeed ay uga wada tashanayaan arrimahooda ayagoo xor ah. Fadlan ra’yigaan xoogaa xasaasiyad ayuu yar leeyahay laakiin waa mid igu gaar ah aniga oo aydaan shaqo ku lahayn ee oo aan dareenkayga aan ku cabbirayo ee fadlan iisoo daaya.

    haddaan usoo noqdo khilaafka taagan.
    Aan idiin bayaamiyo laba arrimood.Labada Shariif mid walba aan eegno si khilaafka aan u fahamno.
    Sheikh Shariif wuxuu ahaan jirey nin hadal macaan oo daacad ah waagii maxkamadaha, ilaa arrinti farahiisa ay kalabaxeen xubno maxaakimti horboodayey oo dagaal degdeg ah lageliyey ururkiisi asaguna xushmad uu u hayo saaxiibbadiis ayuu iskaraacay taasoo keentey inuu muto in geed hoostiis meel duur ah oo gobolka jubbadahoose ka tirsan asaga oo xabbadu ku socoto cir iyo dhulba lagu qaaday diyaar helcopter ah. markiba la geeyey jabuuti, 275 xildhibaan oo asagu gacantiisakusoo xushayna loo oggolaaday kaddibnamadaxweyne degdeg loogu soo magcaabay.Saacaddas laga billabo shariif waxaa horyaalla labada arrimood ee ah: xasuuso maalinki meeshi aad taagnayd iyo maanta meesha aad joogto in loogu manna sheegto shir kasta oo uu yiraahdo mawqifkaada muujiba, midda labaadna in lagu cabsi geliyo haddi uu is adkeeyo in dib loola xisaabtami doono sidi ku dhacday madaxweynihi hore ee Liberia dagaalki maxkamadaha ay dagaalka kala hortageen dawlad caalmku aqoonsanyahay iyo ururradi uu hoosta ku haystey oo maxkamadaha magacoodahuwanaa ee maanta caddaystey inay ururro shisheeye oo caalamku argagixiso u aqonsanyahay la shaqeeyaan dembigeedana lagu soo oogi doono.
    Taas oo sheikh shariif laf dhungashay ku noqonaysa oo codkiisi ku xireysa qasabna ka dhigaysa inuu laba tallabo dib u qaado oo mawqif adag marna yeelan waayo. waana taas tan siisayfursadda qaaligaah ee Shariif xasan calamka ugu leeyahay codka buuxa ee uu leeyahay ninkaan waa u nugulyahay cadawga argagixisada oo waa saxiibadiis hore intuu meesha joogana waxba ma hagaagayaane anaa niman dadkaas aan shaqo ku lahayn aqaan ee taladayda maqla. waana taas ayaan aaminsanahay anigu inay tahay tan keentey dalki dhan shuruucdiisi iyo hannanki qaranimo in laga door bido mar uun ninkaan Shariif xasan iyo koox uu wato in la tijaabiyo oo shariif lugta lagala baxo maadaamahore loo tijaabiyey.
    Shariif xasan oo asagu ah nin aad u jecel inuu darajada ugu sarreysa meel walba ka qabto oo aan dan ka lahayn meel kasta oo uu umari karo.isla markaasna aanka cabsanaynwixi ka imaan kara ama aan sii fahmi karin khatarta fog ee ee ay dal iyo dad u leedahay ama asaga aakhirka u keeni karto, waayo ma aha nin waayo aragnimo siyaasadeed ku lahaa oo lasoo shaqeeyey dawlad ay kajirto qaran shaqaynaya ama kulliyad cilmiga siyaasadda ka baxay oo akhristey siayaasadda midna. Sidaasna jaaniska fudud ee madaxweynaha uu qiilka u haysto aan khasaarinayn inuuka faaideysto oo suu doono u rogrogto.garabna uga helo caalamka oo dhan.
    Waxaan weydiin lahaa Shariif Xasan Sheikh Adan; waxaad Somalia ka haysaa jagada Afhayeenka baarlamaankaSomalia.
    Waxaa jira Afhayeenno ka dhisan dalalkaiyo shakhsiyaadka adiga aad doonayso inay garab kugu siiyaan hawla aad wadato amahaddaba taageersan siyaasaddada.
    Tusaale ahaan Mahiiga waa nin Tanzanian ah, Malles waa nin Itoobiyaan ah, Musaveni waa nin Ugandhes ah dhamaan dalkaas waxay leeyihiin afhayeen baarlamaan, Kenya iyo jabuutina oo arrimaha somaliya kashaqeeya ayaguna waa leeyihiin afhayeenno.
    Bal waxaad weydiisaa intaas oo dal hal dal oo xuukuumaddisa ay soo xulaan ama wax ka soo xulaan afahayeen baarlamaan oo ama sharciga ugu jirto ama dastuurkooda ku qorantahy amabamadaxweynahoodu ama raiisulwasaarahoodu oggolyahay marna inuu speaker soo fara gashado shaqo maalmeedka madaxweynaha iyo raaisulwasaaraha oo soo magacaabidda xukuumaddu kamid tahay.
    Bal malles oo ah raiisulwasaaraha itoobiya halla weydiiyo marka uu xulayo wasiirrada xukuumaddisa inuu u yeero speakerka baaralaamnkiisa oo kala qaybsadaan wasiirrada ama haddii speakerku yiraahdo lama shaqayn karo malles in lacayrinayo oo iigad loogu yeerayo si loo casilo inuu ogoolyahay. Jawaabtu waa maya.

    waxaase yaab leh haddiiba Baarlamaanki Somaliyeed soo xulanayo wasiirrada maxaa looga baahanyahay ansixinta dambe; maxayse noqonaysaa shaqada raiisulwasaaraha iyo madaxweynuhu qaranka u hayaanoo meeshau joogaan kol haddi magacaabisti iyo ansixintiba baaralaamnaanku wada qaatey.
    Baarlamaanku waxa ay ahayd inuu shacabka somaliyeed u ilaaliyo danahooda oo dawladda saxo ee ma ahayn inuu asagu u shaqeeyo sidi dawladdii oo shaqadii dawladda ka xoogo oo muran iyo khal siyaasadeed ku abuuro awoodi shacabku siiyey oo dastuurku u oggolaaday. yaa wax saxaya haddaba waa suaale oo dadki ka wakiil ah haddi wixiba wada xukuumad noqdeen.
    Shariif xasanoow Waxaan ninna dalkiisa iyo dawladdiisa u oggoleyn haka oggolaan inuu ku yiraa ka fuli dalkaaga, hana ka gelin khiyaamo qaran dalkaaga iyo dadkaaga. waa iga talo.
    Tusaale ku qaado madaxdi lagu casilay kacdoonki ka dhacay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika: ma jirto cid hore saaxiib ugu ahayd oo usoo istaagtey inay kabaajiyaan maxkamadaha dadkoodu kusoo oogeen, kana caymisay.shalayna saaxiibbo waaweyn inay ku lahaayeen caalamka waan wada ogeyn.Caalamku hadba ninki dalkaas shaqada ka haya maalintaas ayay saaxiib la tahaye nin shaqsi ah oo saxiib la ah ma jiro. siyaasadduna dayn iyo abaal ma gasho waa isii aan kusiyee.
    Berrito waxa aadan huri doonin waa shacabkaadga iyo dalkaaga ee aad uga fiirso degdegga aad uga taltallabsanayso xarkaga siyaasadeed ee danabaysan (electrified political cables) ee aan la ogeyn goor ay qarxi karaan iyo ciddaay ku qarxi doonaan midna.

    Allahayoow dalkayga iyo dalkeygacarririgasiyaasadeed iyo cabsida ka saar oo nabad caam ah iyo horumar iyo cisi sii.adigaa caadil ahe. allahyoowcadawga umaddayda cagta hoosteeda gali oo cuddeennu ahaato midda sarreysa adigaaxaqlagugu caabudaaye.
    allahayoow waa ciishoonnay, cabburnay, oo ceeboownay,talona nagu ciirtaye casiisadiga ah oo cidina taadahor istaagina maanta cadli iyo amman aan ku ceeshno nasii oo kugu caabdudno nasii.
    Cidduu doono kii risiq carada ka badan siinaayoow kuu doonana ku cariiriyoow, carrurta iyo haweenkeena cidlada weheshanaya ee calaacalaha hoorsaday ka deeq cidaan adiga ahayn oo calooshooda u buuxi oo guyahoodina kusoo celi ammaantaada cirka ha geeyaane. adigaanay kugu cuslayn waxnaba oo caziizul muqtadir ahe.

  5. Raange says:

    Anigu ma garanayo awooda noocan ah meesha uu ka keenay shariif hassanka baarlamaanka ee ku haysta madaxweynaha magacaabista RW.
    Axadkaa hadaan ummada laga qaban meel xun ayuu ka tuuri!

  6. Xujaale says:

    Faarax Macallin isaga ayaa ugu horeeeyey waxa Somalia faragelinta ku haaya, oo marba qoladii uu dantiisa ka arko push gareeya. Shariif Xasan waa nin maskax furfuran oo si sahla aan loo hoos galin karin wax aan dhinacyada oo dhan u cuntamin, waana sida ay cid walibaana ay jeceshay haddii aan sida runta ah ka hadalno.
    Runtii kaligiina howsha gorgorka ma wadee, tiro badan oo barlamaanka ayaa la qaba in Shariif Axmed meel wax lala dhigo, Puntland kama marna faragelinta ku haayo xukuumada la soo dhisaayo,
    Marka Shariif Xasan xiligii loo baahnaa ayuu joogaa, waana inuu cagta cagta u saaraa Shariif Axmed, because haddii la waayo powersharing ay dowladaan taagta daran ku dhisneyd, in isbaaradad barlamaanka la xoojiyo waaye, si loo aado doorasho madaxda oo dhan la soo doorto.
    That is the best solution for me.