Home » Faallo »

Dr Saciid Maxamed” Tarsan Muqdisho waa u Baahneyd wuxuu yimid Xilli ay u Baahneyd”


DR Saciid Maxamed Cabdi waxaa uu ka mid yahay Aqoonyahanada Gobolka Banaadir wuxuuna na soo gaariiyey Qoraal uu kaga waramayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo la dhihi karo waa shaqsigii ugu Wanaagsanaa ee soo mara Gobolka Banaadir 20-kii sanno ee Dagaalada Sokeeyey ka jireen Muqdisho wuxuuna ku bilaabey Qoraalkiisa sidatan:

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay burbur dhinac kasta ah oo 20 jirsadey dadka qaar waxay joogeen dalka,dadka qaarna waxay u qaxeen wadamo dowlado ay ka jiraan waxayna ku noolaayeen meelo ay ka jiraan amni iyo kala dambeyn iyo iyo Magaalooyin horumar laga sameeyo Bilicda iyo Nadaafadana ay tahay Muqadis dadkii noocaas ahaa qaarkood ayaa waxay ku riyoodeen ineey dalkooda ku laabtaan ayna wax ka qabtaan bur burka iyo dhibaatda sii daba dheeraatey .

Hadaba Mudane Maxamuud Axmed Tarsan waxuu ka mid ahaa raga fara ku tiriska ah oo dalka dib ugu soo laabtey kana qeyb qaatey sidii shacabka looga saari lahaa dhibaatada mudane Tarsan waxaa nasiibkiisa noqotey in Magaalada Muqdisho Duq Magaalo  looga dhigo runtii Muqdisho waa caasimada soomaaliya waana Muraayadii dalka muddana waxay soo aheyd caasimadaha ugu nabada badan ugu quruxda badan ugu Nadaafada badan balse mudane Tarsan nasiibkiisa xiligaas kama noqon Duq Magaalo  waxuu kusoo aadey xili ay Muqdisho tahay bahalo galeen dadka ku noolna ay bahaloobeen Nadaafadii waxaa badaley Qashin oo meel walba tuuran oo qaarkood hadii aad qaad is dhahdo qori lala hor taagan yahay waxaana dhacdey in la yiraahdo qashinkaan agoon ayaa iska leh bilicdii Muqdisho waxaa badaley bur bur balaaran waxaa Muqdisho ehel u noqdey rag ma naxayaal ah oo aan kala jecleyn Bilic iyo Nadaafad iyo Amaan iyo Iftiiin in ay bulshada hesho .

Mudane Tarsan iyo Muqdisho maxaa kala haysta hadii aad is weydiiso waxaa kuusoo baxaaya qashin 20 jirsdaey maalmo kuma dhamaado bur bur 20 jirsadey maalmo kuma dhismo rag labaatan sano aan sharci loo sheegin ama waxa ay sheegeen waa been aan la dhihin runta looma sheegi karin mudane Tarsan waxuu la kulmay rag shaqada loo diro aan sideey tahay u fulineyn ama lacag baad ah ka raba waxuu la kulmey qashin hadii la qaado meeshii laga qaadey maalmo ka dib oo hadana lasoo buuxiyey wuxuu la kulmey rag hadii aan lacag la siinin kuu yaqaano inaad qaa’in tahay daacad nimada iyo wadanimada iyo cadaalada u yaqaano in afkooda la buuxsho .

Mudane Tarsan oo ah shaqsi dadaal badan oo aan harsan hadana Muqdisho dadaal dheer ka dib wax ka badaley hab dhaqankii iyo bilicdii mana soo marin Muqdisho Duq Magaalo oo isaga oo kale ah waxaana is weydiin mudan dadka dhaleeceeya maxey yihiin ma kuwo ula jeeda in dhaliisha wax lagu saxaa maya hadii aan si fudud uga jawaabo waa kuwii leejada ka qaadan jirey Magaalada ama qofkii meel loo dhiibo baada ka rabey waxaana marag ma doonto ah oo shacabka oo dhan ay qireen inuu wax muuqda qabtey dadka dhaliilana waa daneystayaal ka waayey leejada ama kuwii ka horeeyey oo wax ka qaban waayey Magaalada oo diidan in shacabka la tuso in wax laga qaban karo xaalada Muqdisho .

Mudane Tarsan waxaa amaanta la leh Mudane Shiikh Shariif oo u xushey una dhiibey hogaanka magaalada oo qof kasta oo lagu tijaabiyey tabar u waayey waxaana taariikhda ay na tuseysaa in dalka wax laga qaban karo loona baahan yahay muwaadin daacad ah in la helo arinta si kastaba ha ahaato waxaan meesha laga wada saari Karin ineey jirto dhaliilo yar yar oo loo baahan yahay in la saxo .

Ugu dambeyntii Tarsan Muqdisho waa u baahneyd waxuuna yimid xili loo baahan yahay waxaana leenahay yey ku niyad jebinin kuwa ku barbaarey sharci darada oo ku bulaaley boobka dadka oo bahaloobey waxaa ku garab taagan aqoonyahanka iyo waxgaradka dhalinyarada, haweenka reer Muqdisho oo ku indho qaboowsadey Naleynta Muqdisho Nadaafada wadooyinka iyo dayacatirkooda gaadiidka qashinka qaada oo ay ku buufsantahay astaanta dowlada hoose haamaha wasaqda lagu shubo miisaska loogu talo galey dadka ku ganacasada wadooyinka hareerahooda oo quruxda badan iyo daryeelka shaqaalaha dowlada hoose iyo shaqo u abuurida haweenka dan yarta ah waxaana hubaal ah inaad gacana nabada kaga shaqeyneysaan gacana aad kaga shaqeyneysaan Nadaafada iyo Bilic ku soo celinta Magaalada Muqdisho DAL NINKIISII BAA ISKA LEH MUQDISHANA TARSAN BAA U KACAY

WQ Dr Saciid Maxamed Cabdi

Aqoonyahanada Reer Muqdisho

 

 

Waxaa soo gudbiyey Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.