Home » Warar »

War Saxaafadeed: Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed

Isbahaysiga dib-u Xoreynta Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa go’aankii toddobaadkaan ka soo baxay shirkii magaalada Kampala, Ugaanda, lagu qabtay oo ahaa mu’aamirad iyo dhagar hor leh ee shisheeye nacab ahi iyo dabadhilifyoyadooda ugu talagaleen, jiritaanka iyo madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed ina ku maja xaabiyaan, si ummadda Soomaaliyeed ugu waarto dacdaro, dullinimo, dal la’aan iyo gumaysi.

Isbaysiga waxaa ka go’an inuu fuliyo ballantii Ilaah iyo ummadda horteeda ku qaaday inuusan marna aqbalin kana hor yimaado fal kasta oo lagu wax yeelanayo dadkayaga iyo dalkayaga, annagoo adeegsanayna tab iyo xeel kasta oo lagu fashilanayo mu’aamaradaha cadawga. Waxaan aaminsanahay xoogga ugu weyn oo lagaga hortegi karo khataraha gumeysiga inuu yahay midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed. Saa awgeed ayaan har iyo hameenba ugu hawl jiraa sidii looga gudbi laha kala qaybsanaanta loona gaari lahaa midnimo Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib wanaag ah, farx iyo rayraynna leh; in shacbiga Soomaaliyeed uu ka toosay hurdadii uu la suux sanaa labaatankii sanoo la soo dhaafaya, uuna gartay khatarta manta uu ku sugan yahay, isagoo markii ugu horeysey, si wada jir ah, uga horyimid shirqoolka Kampala. Waxaan ugu hambalyeyneynaa ummaddayada kacdoonkooda ay garwaaqsadeen inta halista ay manta ku suganyihiin iyo tan foodda ku soo haysa mustaqbilka ay le’egtahay. Waxaa kaloo bogaadin mudan garashadooda iyo wacyigooda ay kaga gudbeen qaybsanaantii iyo qabyaaladii haligtay dalkoodii iyo dawladdoodiina ay ku dumiyeen, dad iyo duunyana dukun daakunka isaga dhigeen, iyagoo marakan fahmay sida keliya oo ay kaga bixi karaan dulliga iyo darxumad, kuna hor istaagi karaan debinnada gumaysigu u maleegayo, inay tahay is cafis, wadajir, isku kalsooni, is jecayl, midnimo iyo iskaashi walaaltinimo.

Waxaannu qaybaha kala duwan ee buslhada, meel kastoo ay joogaan, beled iyo baaddiye, gudo iyo dibadba, ugu baaqaynaa kuna boorinaynaa inay si aan kala har iyo hakad lahayn u wadaan bannaan baxyadooda, xoojiyaanna wada jirkooda ilaa inta ay suurta geleyso yoolka iyo himilada ay higsanayaan oo ah: ka hortagga dhagaraha lagu wado, dib u soo celita qarannimadooda, midnimadooda, madaxbannaanidooda iyo dawlad iyagu leeyihiin oo fulisa maslaxddooda keliya, dibadna aan laga xukumin, dabdhilif shisheeyena ahayn.

Waxaan shisheeyaha iyo kuwa u adeega oo diirka nooga eg u sheegeynaa in wakhtigii siday rabaan Soomaaliya ay ka yeeli jireen dhamaaday, tabahooda iyo shirqoolladooduna kashifmeen, si adagna shacbiga Soomaaliyeed uga hor yimid iyagoo wada jira. Saa darteed, waxaan uga digaynaa inay joojiyaan fara gelinta foosha xun oo ay ku hayaan dalka Soomaaliya, isagana baxaan dalka inta goori goor tahay. Sidoo kale, dabadhilifyada shisheeyaha u adeegga, iyagan waxaan faraynaa inay ka waantoobaan khayaanada iyo dibin daabyada dadkooda iyo dalkooda ay ku hayaan, hana ogaadeen kacdoonka shacbiga ee belowday inaysan ka bad baadi doonin, mar dambena aysan ku baxsandoonin fal dembiyeedyada iyo khayaanada ay dadka iyo dalka la daba joogaan.

Ugu dambayntii, beesha caalamka iyo hay’adaha dawliga ah, waxaa marakan waajib ku ah inay taageera buuxda siiyaan oo garab istaagaan kacdoonka xaqa ah ee shacbiga Soomaaliyeed isku xoreynayo.

Somaaliya ha noolaato, Ha guulaysto kacdoonka waddaniga ah. Ha hirgasho minimada ummaddu.

Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliyeed

London, 17/06/2011



Press release
London, 18/06/2011

The Alliance for the Re-liberation of Somalia expresses its unequivocal condemnation in the strongest terms possible for the outcome of the Kampala meeting on Somalia by the so called “Contact Group countries on Somalia” last week. We believe that the approval of an extension of one year for the unlawful corrupt TFI’s, was ill conceived, illegal and unacceptable by all standards, and if any it serves only the interests of the foreign actors who with impunity and unashamedly violated the rights of the Somali people. Presumably, the decision was also meant to inflict maximum harm to the Somalis, through imposition of stooges, turncoats and kleptomaniac leaders.

We therefore, reject the entirety of this decision and consider it a nonstarter proposition that must be annulled by its authors as well as its sponsors. Fortunately, this latest plot have stirred up the accumulated anger and awakened the latent nationalistic sentiment of the Somali people.

Somali people regarded the resolution as a prelude of an ensuing greater conspiracy against the people of Somalia targeting to the sovereignty, independence and unity of their state. This has explicitly been expressed through unprecedented widespread show of unity by the Somalis, which have triggered en mass demonstrations and angry protests worldwide, including Somalia, which will ostensibly continue with synchronised vertical and horizontal increment on daily basis in a manner similar to that of chain reaction. This is the first time that, since the collapse of the their government in 1991, Somalis have together felt the threat emanating from the terms of the Kampala conspiracy, poses perilous machinations against their very existence, as people and as a nation.

While we cherish our people’s exceptional endeavour and applaud for their show of unity in order to encounter unmitigated foreign enemy plots intended to dislodge, dismantle and destroy Somalia, we remind our brothers and sisters that the challenge is real and immense which requires robustness, rapid reorganisation, resiliency until it reaches the critical mass, reinforce the momentum, and realise tangible and sustainable results on the ground.

Lastly, but not least, we warn those African states in the region who constantly engaged destruction of Somalia through mercenary projects and proxy wars, as well as their Somali accomplices to refrain from their adventurous lusts and immediately end their meddling in the affairs of Somalia. We equally, call the international community and international organisations to support of and stand with the popular uprising of the Somalis.

Vivo Somalia, Success and Salute for the Unity and Revolt of the Somali people.
The End.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " War Saxaafadeed: Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed "

  1. kacaan says:

    a/c dhamaan ummada somaliyeed guud ahaan inta waxgaradka ama wadaniyada leh.salaan gaar ah inta jecel in somaliya somnaliya yeelato danaheedana ayada ka tashato taageertana sidii mar kale somali somali u noqon laheyd wadankuna sumcadiisa ugu soo laaban lahyed sharaftiisa iyo jiritaankiisaba.marka xiga waxaan jecelahay in badan horaan u cadeeyey in dowlad ay macalindugsiyo horboodaayaan inuu ka faa,ido gumeysi mooyee somali melna geyneyn oo waliga ka haboonaan lahyed alshabaab oo danshacab iyo mid dalba qorshaha uusan ugu jirinba mara dhalinyarooy wax waan idiin shegtey hadad wadankiina u sii jeedsan waysan ood hada meeel uga soo wada jeedsan waysaan ood gacmaha is qabsan waysaan walee falastiin inaad ka xumaan doontaan ood mar aydaan waxba qaban karin ciiilaan doontaan ood qoomameen doontaan ee haduu wadanka idin tawan yahay idiina dhow yahay idiina baahan yahay wax u qabta oo wax ka qabsada oo qabyaalada idin kala fogeysey ka digtoonaada waa digniin inoo wada dan ah wadan dad kale ayaad u wada xanqal taageysaan idinkoo ka qaab daran cayayaanka noolnoolaha ah war hooy is daba qabta oo aqliga soo ceshada waa hadaad damiir leedihiin

    wabilaahi towfiiq

  2. Samaan bile says:

    Ha hilmaamin. Gabaygii Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee DARDAARAN

    Talo faraha waxay kabaxday markii shariif sakiin dalbaday ciidan
    Inta gumeysigu ciidamadiisA ay Soomaaliya joogaan. Ogaada talo
    Faraha inoo guma jirto.
    (waa kan gabaygii)

    Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
    Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine
    Marka xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
     
    Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
    Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay
    Maxaad igaga digataan berruu, siin lasoo dagiye……

  3. saamiya says:

    Aniga waxay ila tahay somalia ayadoon joojin shirarka dibadaha lagusoo qabanayo in aysan nabad ka dhalaneyn waayoo nin walbaa markuu caroodo waxaa talo soo siinayo kii cadawgiisii ahaa ee jeclaa in uusan horumar gaarin wadankiisa marka waa in taasi laga fikiraa oo laga taqalusaa wadan shisheeye iyo talo shisheeye.
    marka hadaan fikradeyda eego sidii ay somalia ku dhismi laheyd waa sidan.

    1: waa in la dhisaa maxkamad cadaalad ah oo garsoortaa haddii isqilaaf uu yimaado.
    2: waa in dowlad cusub oo ka duwan kuwii hore lasoo dhisaa
    3: waa in ay dowladu shacabku doortan wadanka gudahiisa
    4: waain liiska laga saaraa siyaasiyiintii hore ee wadanka soo gubay
    5: waa in nin walbaa oo isa soo sharaxayo uu aqoontiisa la yimaadaa asagoon qori wadin.

    intaas waxii ka danbeya wadanka waa uu dhismayaa dhaqaalana wadanka gudahiisa ayaa laga helayaa waa laga maarmaa in uu gaal maamulo wadankeena dhaqaale ama shirarba ee halaga taqaluso shisheeyaha wadanka qasayo

  4. C/kariim says:

    ASC.
    ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba waxaan uga tacsiyeynayaa xaaladdan aadka u foosha xun ee uu ku sugan yahay dalkeenni hooyo oo gun wixii dunida guudkeeda saarnaa ay isugu qaylo dhaansadeen.
    si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah inalana gudboon in aan wadcigan ka dhiidhino kana soo baxno daahyada aan dhabarkooda waraaqaha baroor diiqda ah isugu tabineyno. Abaal nin galaa waa yar yahay waxaase kasii yar nin garta abaalkii loo galay qaaraddan madw abaal ayaa ummaddani u gashay markay gumeysiga la il-darraayeen ummaddni waxay u fidisay gogol iyo gabbaad ay kuwooda dhiidhiga wadaa magan galaan isla markaasna ay ka abaabulaan dhaq-dhaqaaqyadii xornimo doonka ahaa. Dal kaliya iyo qolo gaar ahna kuma koobnayn ee koonfur, bartamaha, bariga iyo gees walba ayeynu marti galinney. Waxaynu u baahannahay in aynu u diyaar garowno hayaan dheer oo aan aan kaga iibinayno ugu yaraan dadyowgan afrika dadka aan nahay iyo taariikhdii deeqsinnimadii iyo soo dhoweyntii aan kala go’a lahayn ee aan la garab taagnayn. Waa in aan isticmaalno noocyada kala duwan ee warbaahinta sidii aan farriinteenna ku gaarsiin lahayn dadyowgaas iyada oo aan laga daalayn baraarujinta bulshadeenna soomaaliyeed.

    waxaa arrini aysan dhaafayn oo in la helo aan looga maarmayn ciddii qaddiyaddan hormuudka ka noqon lahayd oo fagaaraha ula soo bixi lahayd.

    soomaaliya ha xorowdo.

    C/karim abugaloeri

  5. abdala says:

    anigu waxaan leyahay aniga oo cabiray fikirkeyga smali wax galkedi waa dhintay inta noolna talo gacan uguma jirt kuwa hada isbaheysi sheganayo kuwii hore ee magacana watay miyey kaduwanyihiin waa su,aal? anigu jawabtu waxey ila tahay maya so kuwii sharif misaka soosaray aha qofkaas aan dhib iyo dhefba kala garaneyn

    tan kale waxaan aad ula yabay somalida hadal mahee wax qbad majira miyaa bal iga qora aniga anago war uun wadno ayaa bonkii qiyamaha nagu yerayaa wadankana wxuu gacanta ugu jiraa yugandha iyo itobiya jiifka halaga kaco ee aan jabhadeyno had aiyo koow xurnimo raadino
    waa sida eey ila tahaye