Home » Maqaallo »

Muqdisho iyo Mowjadaha Siyaasadeed ee Maanta | Daadurey

Soomaaliya ayaa waxay soo martay xaalado siyaasadeed oo aad u adag marka laga soo bilaabo sanadkii 1991kii markii uu bilowday dagaalkii sokeeye waxaanna mar waliba jiray xaalado siyaasadeed oo qalafsan oo shacabka soomaaliyeed ku abuuray walwal iyo walaac, dagaalo aan dhammaad lahayn siyaasad ay ka muuqato gulufyo colaadeed qabqablayaal iyo ciidamo beeleedyo hadba dhinac isu cayrsanaya abuurayna burbur, barakac, qax qaxooti, tahriib, tarxiil iyo xasuuq aan joogsi lahayn oo ilaa iyo maanta socda wuxuuna mar walba isu bedelayaa xaalladda markaa taagan ama DFKMG ha ahaato ama kuwa markaa dowladda ka soo horjeeda ee la dagaalamaya ha ahaadeen.

Haddaba shirarkii Nairobi iyo Kampala maxay ku soo kordhiyeen siyasadda dalka Soomaaliya oo markii horeba jahawareer ku sugnayd, shirarkani ayaa waxay ku soo beegmayaan waqti la oran karo waa xaaladii kala guurka oo uu DFKMG ahi u dhinaa oo keliya 60 Maalmood oo keliya taasina ay keentay in la dardargeliyo in ay noqdaan kuwa lagu heshiiyo si loo helo kaadir siyaasadeed oo dalka hogaamiya, nasiib darro waxaa markiiba uu khilaaf ka dhex abuurmay madaxdii sare ee dalka Soomaaliya kuna heshiiyey ugu dambayntii Kampla in maamulka siyaasadeed ee dalka dib loo dhiso isla markaana uu is casilo R/Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo).

Waxaa uu war saxaafadeedku uu sheegayaa inuu R/Wasaaruhu uusan saxiixin heshiiskani laakiin waxaa cad in lahayo saraakiil sare oo markhaatiyaal ah iyo khiraalka ku cad inuu yiri waxaan is casilaya muddo 30 Maalmood gudahood ah, R/Wasaaruhu kaddib waa uu ka laabtay mar kale oo wuxuu raali gelin uga dhigay kacdoonka shacabka ee Magaalada Muqdisho taasi waxaa la oran karaa ma noqon karto wax Axdiga KMG ku qoran ama uu awood u leeyahay in uu R/Wasaaruhu diido inuu is casilo, laakiin waxaa u bannaan R/Wasaaruhu inuu mar labaad is sharxo kalsoonidana uu weydiisto Baarlamaanka FKMG haddana si deg-deg ah isu casilo, sababtoo ah shacabku siyaasiyiin ma aha laakiin waa kuwa loo shaqaynayo oo la doonayo in la badbaadiyo R/Wasaaruhuna dhabtii wuxuu la yimi siyaasad cusub oo waxqabad leh laakiin uu baahan yahay inuu helo lataliyeyaal dhica siyaasadda dalka ,dibadda iyo sharciga caalamiga ah, inuu si xushmadi ku jirto u weydiisto xilkiisii Guddoonka BFKMG iyo Xafiiska Madaxweynaha.

Guddoonka Baarlamaanka KMG iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya maxaa la gudboon, inay dib u magacaabaan R/Wasaare Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo maadaama mudada la kordhiyey ay tahay muddo hal sano ah ayna adag tahay R/Wasaare cusubi uusan ku xallin karin mowjadahan siysaadadeed ee ka jira dalka Soomaaliya
ayaa waxaa haboon in la helo tanaasul iyo wax wada qabad horumarna waxaa lagu gaari karaa oo keliya marka la helo isu tanaasulo iyo wax wadqabad qofka bani’aadanku khalad waa uu geli karaa laakiin waxaa haboon in lays fahmo si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu haysato mudada aadka u dheer ee welina taagan.

R/Wasaaraha DFKMG ahi maxaa la gudboon, in marka hore uu u hoggaansamo sharciga dalka u degsan ee aysan hoggaamin shacab kacdoon wada oo aan siyaasadda waxba ka garanayn waxaa hubaal ah inuu wax weyn u qabtay shacabka Soomaaliyeed maadaama isagoo ku jira nolol wanaagsan u soo aaday inuu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed welina u taagan inuu u shaqeeyo waa wax wanaagsan waxaana markhaati ugu filan qof walba oo wax garad ah sida ay shacabku soo bannaan baxeen, laakiin waa inuu isaguna la shaqeeyaa Baarlamaanka iyo Madaxweynaha is casilaa weydiistaana in mar labaad dib isaga loo soo magacaabo maadaama lagu jiro xilligii kla guurka hal sanana aan R/Wasaare kale oo cusub uusan waxba ka bedeli karin siyaasaddan dalka Soomaaliya taasina ay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynuhuna ay ogolaadaan.

Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayn Muqdisho iyo Mowjadaha Siyaasadeed ee Maanta ayaa waxaa ku soo koobayaa madaxda sare ee dalka Soomaaliya inay iska ilaaliyaan isku dhacyada siyaasadeed ee mar walba ka dhex jira taasi waxay abuuraysaa in uu burbur culusi uu ku dhaco hannaanka geedi socodka ee dalka Soomaaliya ugu dambayntiina uu burburo Baarlamaanka 550 Xildhibaanka ah ee maanta dalka ka jira una taagan inay badbaadiyaan ummadooda, haddaba waxaa haboon in qof waliba uu ilaaliyo sharciga iyo kala dambaynta Axdiga KMG ah ee dalka iyo xuquuqda siyaasiga kale ee Soomaaliyeed haddii uu xilligii dhammaadana uu si kalsooni ahi u tanaasulaa.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.