Home » Maqaallo »

Shacabkii waddaniga ahaa ee S.Y.L. waxay haddana doorteen hoggaamiyehooda cusub ee Farmaajo

Taariikhdu waa lama illoobaan,shacabkii Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ahaa oo ku sugnaa gudaha iyo dibedda Soomaaliya kuna jiray halgan gobannimodoon ah waxay doorteen in uu xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L. uu hoggaamiyo u noqdo Xaaji Maxamed Xuseen, doorashadaasina waxay ku dhacday isagoo Xaajigu uu ku sugnaa dalka Masar,maantana shacabka Soomaaliyed ee waddaniyiinta ah kuna sugan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba waxay dooranayaan Farmaajo oo ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gumeystayaasha iyo u adeegayaashuba ay doonayaan in ay tuuraan kaddib markii ay arkeen in uu waddani yahay diyaarna u yahay waxqabadka wadankiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed.

Shucuurta iyo dareenka ay maanta muujiyeen shacabka Soomaaliyeed waxay daliil u tahay in ay kala saari karaan cadowgooda iyo saaxiibkooda,in ay kala saari karaan kan u shaqeynayo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed iyo maslaxadiisa,waxay shacabku isugu soo baxeen gudaha iyo dibeddaba iyagoo leh:nagu filan hagardaamo iyo luggooyo,nagu filan silic iyo dhibaato,nagu filan kala qaybin iyo kala qabso,nagu filan isku dir iyo kala dir,nagu filan i jiid iyo aan ku jiido,nagu filan aniga iyo reerkayaga aan danaysano,dad iyo dalna dan kama lihin, nagu filan gumeysi u adeegid iyo gumaad shacab,waxaan af buuxa ku leenahay haddii aynu nahay waddaniyiintii Soomaaliyeed waxaan doonaynaa shacab u adeegaha Farmaajo, Faramaajo ayaa na hoggaaminaya,Farmaajo ayaa noo ah,ra’iisul jumhuuriya,ra’iisul wasaare iyo ra’iisul baarlaamaanba.

Waxaan leenahaay labada shaydaan ha isku dayina in aad laaluushtaan xubnaha baarlamaanka oo qabiilka iyo quursiga lagu soo dhisay,waxaana leenahay dadka daacadda ah ee weli ku harsan baarlamaanka in ay iska jiraan shirqoollada labada shaydaan,kuwaasoo ay doonayaan in ay dollar ku beddashaan danaha dalka iyo dadkaba,waxaana waddniyiinta baarlamaanka ku jira leenahay in aysan ansixin in la diro farmaajo lana kala diro dawladdiisa, isla markaana ay diidaan heshiis ku sheegga lagu soo dhoodhoobay Kambala.

Haddii ay labada shaydaan ay ku guulaystaana in ay dadkii baarlamaanka ku jiray dollar ku ku daadiyaan,shacabku waa meeshooda waxayna leeyihiin habeen iyo maalin Farmaajo ayaanu dooneynaa.

Shacabku wey sabreen weyna dulqaateen,madaddaalo iyo qawda maqashii oo waxba ha u qaban wey ku daaleen kana daaleen,meermeersi danbana dooni maayaan,gorgortan danbana dooni maayaan,khiyaano iyo quursi dambana dooni maayaan,xaquna waa cad yahay,iftiinkii waa noo muuqday,waagana waa noo baryay,habeen iyo maalina waxaanu leenahay Farmaajo, kuwa xuna daadka ayaa qaadaya kuwa fiicana waxay dhaxlayaa oo ay ku harayaan dalkooda iyo dadkooda.

Qalinkii Zahra Abdi

Xubin sare ururka waddaniga Soomaaliyeed

umubakar AT hotmail. DOT com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shacabkii waddaniga ahaa ee S.Y.L. waxay haddana doorteen hoggaamiyehooda cusub ee Farmaajo "

  1. Aad baan kuu salaamaya Sahro iyo inta ku qanacsan inuu Farmaajo yahay wadani doonaya inuu dalkiisa wax uqabto laakinse aaminsan in gacanta laga qabtey.
    Haddii ay arintu sidaas tahay, Farmaajo waa inuu iscasila sida ugu dhaqsaha badan inta ay taageeridiisu kacsantahay, kadibna isa soo sharaxo xitaa hal sano kadib, waayo wuxuu kasbanaya taageero dheeraad ah. Ama xaalada hadda iyo meesha ay marayso,waa lagu kala tagey oo raggii noo talinjirey ayaa soo go’aamiyey habeen madow ee waa in lafuliyaa oo Farmaajo meel kale loo sii raadiya inta lagaarayo doorashada soo socota haddiiba laqabto.
    Mudaharaadka ka soconmaayo Somalia, waxaan dhihilahaa inaan masaakiinta lagu lay’nin doqomada qoryaha deegta kusita oo dhiiga umada laqabsaday. Waad mahadsantihiin.

  2. cawil garaad says:

    s,c,w,w, waxaan aamisanahay shirkii kamballa in uu ahaa mid khiyaano ku jirto laguna fashilaayo dawladda somaliya,waa dhibaato hadii uusan lahayn madaxwaynaha somaliya go aan cadd,waxaana oran karaa waa tii ku dhacday markii uu gudoomiyaha u ahaa midwogii maxkamadaha isagoo gudoomiya ah oo amar bixin karah dagaal uusan raali ka ahayn ay qaadeen ciidamadii midwga maxkamadaha,haddana waa sidii oo kale marka waxaan lee yahay shacabka somaliyeed dareenkoodii waa soo noqday mana ogalaanayo shirka kamballa waxaa ka soo baxay
    bye cawil garad