Innaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxaa magaalada Columbus ee dalka Maraykanka ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgarad ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Ohio si ay tacsi u gaarsiiyaan qoyska, qaraabada, asxaabta, beesha, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ahaa ugaaska guud ee beesha Sade oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Ugaas Cumar Ugaas Xirsi wuxuu ka mid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn Soomaalida isagoo ka soo shaqeeyey nabadaynta beelo iyo degaanno badan oo Soomaaliyeed isagoo mar ahaa Guddoomiyaha Guurtida Soomaaliyeed ee shirkii dibu heshiisiinta Kenya ee lagu soo dhisay Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah. Allaha u naxariistee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi wuxuu ifka uga tagay dad ka badan 100 qof oo ay ku jiraan 33 wiil iyo 21 gabdhood uu dhalay iyo dadkay sii dhaleen.
Waxgaradka ka soo qayb galay shirkaas oo tacsida diraya waxa ka mid ah:
- Caaqil Mahad WadeecaAllah (Gacmey)
- Caaqil Cabdisalaan Xasan Kooshin
- Xasan Cali Cumar
- Cabdiqani Sheekh Cali Diini
- Saahid Maxamed Cali
- Cabdullaahi Cali Aw-Maxamed
- Sheekh Aadam Sheekh Cabdulle
- Aadan Macallin Axmed- Juqraafi
- Cabdi Aadan Geesey
10. Axmed Cismaan Gurxan
11. Cabdikhayr Sheekh Xasan Soofe
12. Cabdi Cabdulle- Cabdi Madoobe
13. Maxamed Faarax Xayle- Gawaanle
14. Maxamed Warsame Xirsi
15. Shire Diinjecel
16. Cabdinaasir Jaamac Waandaa
17. Xasan Sheekh Cali Diini
18. Caaqil Bashiir Gardheere
19. Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji Dabcasar
20. Abuukaate Axmed Xoosh
21. Aadan Axmed Barre
22. Daahir Cali Cumar
23. Sharmaarke Caabbi Guureeye
24. Ibraahim Yuusuf Faarax- Ibraahim Dheere.
Waxaan ugaaska Allaah uga baryaynaa in uu jannatul firdowsa ka waraabiyo dhammaan qoyska, qaraabada, asxaabta, beesha, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo… Aamiin.
Waxaa soo tebiyey
Jibril Mohamed
e-Mail jibril AT somalican DOT org
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.