Home » Warar »

Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay ku dhowaad 600-Arday oo Muqdisho lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay in ku dhow 600-arday oo ka qalin jebisay gaar ahaan Hotelka Bikiin4, waxaana munaasabadaasi soo qabanqaabiyay iyadoo munaasabadaasi ay soo qabanqaabiyeen Xarunta Aqoonta ee EDC iyo Xarunta Horumarinta Aqoonta ee SOCWE (Somali Center For Women Empowerment).

Halkan ka daawo sawirada

Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda KMG ah ayaa ka mid ah madaxdii ka soo qeyb galay munaasabadda Shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay, waxaana ugu horeyntii khudbadda furitaanka halkaasi ka jeediyay Axmed Cali (Shariifka) oo ah xiriiryaha Xarunta SOCWE, isagoona sheegay in mashruucaan ay ka qalin jebiyeen Lixda boqol arday uu socday muddo sideed bilood ah, isla markaana ardaydii dhameysatay waxbarashada farsamada gacanta ay isugu jiraan kuwo heer jaamaceed ah iyo qaar kale oo aan dhameysan waxbarashada Jaamacadda.-

“Waxaan kula dardaarmayaa ardayda dhameysatay waxbarashada inay ka faa’iideystaan waxyaabihii ay soo barteen” ayuu yiri Xiriiriye Shariifka oo sidoo kale sheegay in mashruucaani uu ka kooban yahay saddex qeybood, hase yeeshee waxa uu isweydiiyay sababta ay wax u barayaan arday dhameystay ama dhiganaya Jaamacad, hase isagoo isla su’aashaasi ka jawaabayay ayuu yiri: “Ujeedadeenu waxa weeye in ardayga dhameystay Jaamacadda sidii aan u bari lahayn xirfado uu ku shaqeysto”.-

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay munaasabadda qalin jebinta ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku cabiray dareenkiisa ku aadan in arday tiradoodu gaareyso 600 juhdiga ku baxay mudadii ay wax baranayeen.-

“Waxaan ku faraxsanahay in markii ugu horeysay darday isugu jirta wiilal iyo gabdho tiradoodu is la’eg tahay ay ka qalin jibiyeen mashruuca waxbarashada oo ay iska kaashadeen hay’adaha SOCWE iyo EDC” ayuu yiri Guddoomiye C/llaahi Maxamed Nuur oo ku ammaanay abaabulka iyo isku duba ridka mashruuca ay ka faa’iideysteen ardaydaasi faraha badan Hay’adda SOCWE.-

Sidoo kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ardaydii ka qalin jebisay mashruuca horumarinta dhallinyarada ee lagu baray farsamada gacanta, iyagoona ku ammaanay Hay’adaha SOCWE iyo EDC doorkoodii ku aadan hirgelinta mashruucaasi.-

Xiriiriyaha Hay’adda EDC Maxamed C/raxmaan Wehliye ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad ku wajahan faa’iidooyinka waxbarashada ay u leedahay ardayga iyo waliba himilada uu hiigsanayo ardayga marka uu waxbaranaayo, isagoona ku booriyay ardayda dhameysatay waxbarashada inay muujiyaan mas’uuliyad wadaniyadeed iyo midoodaba.-

Md. C/qaadir Salaad Cabdi oo ah mas’uul ka tirsan Dalladda dhallinyarada SOYDEN ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu u jeediyay dhallinyarada ka qalin jebisay waxbarashada xirfadaha gacanta, waxa uuna sheegay in maanta dhibaatada dadka wax bartay ay tahay in qofka uu qorto codsi ay hay’aduhu ku xujeeyaan Experience ilaa saddex sano ah, taasi oo caqabad ku noqotay ardayda waxbarashada dhameystay oo aan helin inuu ku shaqeeyo wixii uu soo bartay, isagoona ku booriyay hay’adaha in ardayga codsi shaqo u soo qorta ay ku tijaabiyaan waxyaabaha uu sheeganayo, taasi oo caddeyn u ah sida uu uga faa’iideystay waxyaabaha uu soo bartay ee uu doonayo inuu ku shaqeeyo.-

Guddoomiyaha Xarunta SOCWE Safiya Abuukar Kraani oo halkaasi ka jeedisay khudbad kooban isla markaana ay ku muujineyso sida ay ugu faraxsan tahay qalin jebinta ardayda ayaa sheegtay iyadu inaysanba jirin wax ay ku qiyaasto farxadeeda ku aadan munaasabadaasi, hase yeeshee waxay ku tilmaantay inay la mid tahay hooyo canugii ay dhashay inta wax bartay guul ka gaaray.-

Dhinaca kale munaasabadda oo ku dhammaatay sidii loogu talagalay waxaa Shahaadooyinkoodii lagu guddoonsiiyay inta badan ardaydii dhameysatay waxbarashadeedka mashruuca horumarinta dhallinyarada, waxaana Shahaadooyinkaasi oo ahaa heerar kala duwan, gaar ahaan heerka aqoonta ardayda oo ku saleysan natiijooyinkooda.-

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaar1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.