Home » Warar »

Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFKMG C/shakuur Sh. Xasan oo Qarax ku geeriyoodey

Muqdisho: Dowladda Federalka KMG ah ayaa warsaxaafadeed ku caddaysay in uu geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFKMG Cabdishakuur Shiikh Xasan Farax kaddib markii gurigiisa qarax ka dhacay uu ku geeriyoodey, Jimce 10 June 2011.

Marxuum C/shakuur Sheikh Xasan ayaa u geeriyoodey dhaawacmay ka soo gaaray qarax is miidaamin ahaa oo ka dhacay gurigiisa, taas oo wararka ugu horeeya ee ka soo baxay ay shegayaan in ay geysatey gabar, waxaana dhaawaciisa la geeyey cisbitaal Banaadir, halkaas oo uu ku geeriyoodey.

Warsaxafadeedka DFKMG  hoos ka akhri…

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

War-Saxaafadeed

Ref: XRW/Tacsi 102/06/11   / Date: 10 June 2011

Tacsi Qaran

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,

Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaliya waxey tacsi naxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed, eheladii iyo reerkii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdishakuur Shiikh Xasan Farax, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo maanta gacan ka gardaran ay qarax argagixiso ah kula beegsatay gurigiisa.

Waxaa isla caawa lagu dhawaaqay Guddiga Aaska ee heer Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Mohamed Abdullahi Omaar. Dowladdu waxey ku dhawaaqday in maalinta 11 June 2011 ay tahay maalin aas qaran.

Geeridu waa xaq, qof walbana waqtigiisa EEBBE baa qoray. Sidaas daraaddeed, waxaan dhammaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka u direynaa tacsi qaran in Cabdishakuur Shiikh Xasan Farax uu EEBBE janadii ka waraabiyo, dowladda, dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan uu EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN.

Cabdishakuur waxuu ahaa shaqsi qaran oo waddani ah, isla markaana mudadii uu xilka hayey u hagarbaxay shacabka Soomaaliyeed oo uu maanta oo u danbeysay shacabka kala qeybgalay bannaanbax, halkaasna kula hadlay shacabka.

Cabdishakur waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh, kana dhexmuuqday golaha wasiirada, marwalbana u doodi jirey shacabka iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Ugu danbeyntii, waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka soomaaliyeed inay u soo wada duceeyaan Cabdishakuur inuu EEBBE ka waraabiyo Janadii fardowsa, reerkiisa iyo ehelkiisa uu EEBBE samir iyo IIMAAN ka siiyo. AAMIIN.

– DHAMMAAD –

+252 1-659271-659326 +2525-941037 Fax +2525-941017 E-mail: pm@opm.gov.so Mogadishu, Somalia


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

For Immediate Release

PRESS RELEASE 010/2011

SRSG strongly condemns murder of Interior Minister in Mogadishu

Nairobi, 11 June 2010 – The UN Special Representative for Somalia, Dr Augustine P. Mahiga, has expressed his shock over the callous murder of the Interior Minister of the Transitional Federal Government of Somalia in an apparent suicide attack in Mogadishu.

The Interior Minister, Abdishakur Sheik Hassan Farah, who also was Minister for National Security, was killed in the blast at his home on 10 June.

Dr Mahiga conveyed his deep condolences to the bereaved family and to the Government of Somalia and expressed his hope that anyone injured in the blast would recover soon.

“This attack must be condemned by all those who want to see Somalia back on track to peace and security,” said Dr Mahiga. “The violent minority who carry out such vicious attacks must not be allowed to disrupt the ongoing peace process.”

_______________

For more information, please contact: Susannah Price / Donna Cusumano, Public Information Officers
UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya)
Tel: +254 20 762 6805 / 6869 or +254 733902020 / 737400133
Please visit: www.unpos.unmissions.org


AMISOM PRESS STATEMENT

AMISOM offers its condolences to the Transitional Federal Government and people of Somalia after the tragic killing of His Excellency Abdishakur Sheik Hassan Farah, the Minister of Interior and National Security at his home this evening.

Major General Nathan Mugisha, AMISOM Force Commander, said:

“Minister Abdishakur was devoted to the cause of peace in Somalia and his committed service will be greatly missed. We worked together closely over the past months since his appointment and he was a driving force in much of the good reform and progress that we have seen recently.

“He was a dedicated leader, working for the people and determined to do what he could to improve the security situation.

“I and my force convey our great sadness and condolences to the President, the Transitional Federal Government, the people of Somalia and his family. It is a sad and senseless loss.”

ENDS


Paddy Ankunda
Major
AMISOM Force Spokesman

Tel: Somalia: (+252) 699 758567
(+252) 615 800500
(+252) 62380889

Tel: East Africa: (+256) 772696070
(+256) 713914411

Email: amisomforcehq@gmail.com
paddyankunda@yahoo.com


Tacsi

Inna Lillahi wa Inna Ilayhi Rajicon

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan jaaliyada Soomaaliyeed ee magalada Sheffield/UK ee Restore Hope Somali Community waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraya dhamaan ummadda Soomaaliyeed guud ahan iyo gaar ahaan eheladisii wasiirkii arrimaha gudaha iyo abniga qaranka ee TFG da Marxuun Cabdishakuur Sh. Xassan Farax oo maantay gacan ka gardaran ku dishay Magalada Muqdishu. Marxunka oo ahaa nin aad qaali u ah, geesi wadaniyana ahaa waxaan illahay uga baryayaa inuu jannatul firdowsa ka waraabiyo. Waxaan xaaskiisi, caruurtiisi iyo eladisii, qaasatan Macalin Maxamud iyo Cabdullahi Macalin Maxamud oo goobta lagu dilay joogay illahay uga baryayaa in samir iyo iman ka siiyo.

Inna Lillahi wa Inna Ilayhi Rajicon.

Restore Hope Somali Community Sheffield/UK

Ahmed Warsame Abtidon
ahmed.abtidon@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFKMG C/shakuur Sh. Xasan oo Qarax ku geeriyoodey "

  1. kinsiSSC says:

    Waxaa Murugo leh markii la laayo dadka aqoonyahanka Somaliyeed waayo waa indheheenii, kuwa indhaha naga tiraya waa in Somali oo dhani ka soo horjeestaan. waad aragtaan xaalada dalkeenii marayo, waqti qabiil lagu wareegystaa laga tagyay. waxaan joognaa wakhti aan ka baqyno in magacayaga la tirtiro. Somali qoriga haladhigo, dadka tabalysan aan hoos u eegno. dadkeenii meelkasta ayay ku ba’ayaan iyaga oo raadinaya meel nabada ah. nabada inagaa isu hayna Allahay ka sokow. nabad gelyo kuligeena korkeena Allahay ha ka yeelo.

  2. axmed says:

    ina lilahi wa inna ilayhi raajicoon tacsi ayaan u dirayaa dowladda somaliyo shacabka somaliyed,iyo eheladii wasiirkii talow xiriir ma leeyihiin qaraxa wasiisr ka lagu dilay iyo hishiiska kambala. su.aal aan is weydiinayo runtii………..

  3. ismail says:

    asc ina lilahi wa ina ileyhi rajicun hadi anahay shacabka somaliyed waxan ad ugu xunahay gerid naxdinta le uku timid wasirka arimaha gudaha cabdi shakur waxan ale uga baryena inu janadi fardowsa ka warabiyo eheladi iyo qarabadi ukatagay iyo umada somaliyed gud ahanba samir iyo iman alaha ka siyo asagana janada alaha kawarabiyo

  4. omar says:

    Ilaah ha u naxariisto wasiirka arimaha gudaha. Inaalilahi wa Inaa ileehi raajicuun

  5. Hassan Ali says:

    Asc dhamaan waxaan ugu tacsiyenaa umada Soomaaliyeed geeridii ku timid waziir ka mid waziirada daacad ah alla ha u naxriisto asagana uguma horeeyo qof naftiisa u waayay wax u qabadka umada soomaaliyeed. Waxaan kaloo umada soomaaliyeed ugu tacsiyeenaa geeridii ku timid rajadoodii aheed inay dib u helaan dowladnimo waxaan araknaa in 2 shariif ay saxiixeen sidii loo aasi lahaa rajada soomaaliya. Shabaab iyo 2 shariif waa u shar shacabka soomaaliyeed allaha shahiisdkaan igu ashtakooneenaa. Soomaaliyeey aan hurdada ka kacno qosolba hiilo waa galaa aan garab istaagno xukuumadaa waxaa lagu nacaayo waa kaliya wax qabadkeeda