Home » Warar »

Ururka Midowga Ardayda & Dhalinyarada Ogaadeenya ee Magaalada Perth caasimada Galbeedka Australia oo xaflad balaadhan u qabtay Jaaliyada Soomaaliya

Xaflad aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Ardayda & Dhalinyarada Ogaadeenya ayaa lagu qabtay Magaalada Perth ee caasimada Galbeedka Australia waxaana xafladaas ka qayb galay Wariye Qorahay Media ka tirsan oo warbixin dheer ka soo diyaariyay.

Ururka Midowga Ardayda & Dhalinyarada Ogaadeenya laantiisa Galbeedka Australia ayaa caawa oo taariikhdu ay ku beegantahay 05/06/11 Magalada Perth ee xarunta Galbeedka Australia waxay ku qabteen xafladii ugu balaadhnayd ee abid ay dad Soomali ah Magaaladaas ku qabtaan, Xalfadan oo ahayd mid Ururka OYSU ay meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ku qabteen loonuguna wan qalay Ogaden Night ama habeenkii Ogaadeenya isla markaasna ahayd mid si aad u heer saraysa loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay bulshada Soomaliyeed ee Magaalada Perth ku dhaqan qaybaheeda kala duwan.

Halkan ka daawo sawirada xafladda

Xafladan oon nooceedu horay Australia uga dhicin waxaa furay Xoghayaha OYSU ee Perth Mudane Yaxye Sheikh Abdi oo dadkii madasha isugu yimid si aad ah ugu mahad celiyay, Mudane Yaxye ayaa si koobna u dul maray taariikhda OYSU & ujeedadii loo aas- aasay isla markaasna sharaxaad ka bixiyay himilada ururka & xawliga ay ku socdaan oo ah mid ay cid waliba dheehanyso Mudane Yaxye ayaa intaas ku daray in ay dhamaan dhalinyarada Ogaadeenya ururkan ku midaysanyihiin ayna guulo lagu faani karo ka gaadheen dhinacayada ababaulka, isku xidhnaanta & fulinta habsami u socodsiinta hawlaha ay dajisteen.

Intaas kadib ayuu Mudane Yaxye Codbaahiyahaya ku soo dhaweeyay fadiilatu Sheikh Abdilqaadir Ali Gurey oo Aaydaha Qur’aanka Kariimka & wacdi Diini ah madasha ka jeediyay, Sheikhu wuxuu ku dheeraaday sida ay Diinta Islaamku xaqa u cadaysay isagoo sheegay in aysan Diinta Islaamku Halganka Ogaadeenya wax muran ah galinin, sidoo kale Sheikhu wuxuu bayaamiyay waajibaadka dhamaan umada Muslimiinta ah halganka Ogaadenya ka saarna wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida waajibaadkaas loogu sii kala dhawyahay in ay Diintu cadaysay wax mugdi ahna uusan arinkaasu ku jirin siidaasdaraadeed wuxuu dhamaan umada Soomaliyed ku bararajiyay in ay Halganka Ogadeenya waajibka ka saaran gutaan una hiiliyaan shacabka dulman ee dhibaatooyinka culculus la nool wuxuuna dhamaan umada Soomaliyeed ku adkeeyay in ay cadawgooda u midoobaan kana gacmahana is qabsadaan, Sheikhu wuxuu shacabka Soomaalidda Ogaadeenya si gooni ah ugula dardaarmay in ay u adkaystaan maalmaha adag ee noloshu imtaxaanka tahay isla markaasna ay ku baraarugsanaadaan kuwa iimaanku daciifka ka yahay ee gumaysiga Absiniya isu duleeyay in ay umada u qarqarsiyaana doonaya.

Wacdigaas oo aad loogu qushuucay dadkii dhagaysanayayna qalbigooda gilgilay kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Isku duwaha Jaaliyaddaha Soomaalidda Ogaadeenya ee Waddamada Pacific-ga la isku yidhaahdo Mudane Mohamed Ibrahim oo ugu horayn Ururka OYSU amaan balaadhan u jeediyay isla markaasna tilmaamay in OYSU guulo la taaban karo ay gaadheen mudadii koobnayd ee ay jireena ay si aad u heer saraysa qorsheyoogooda u hirgaliyeen, Mudane Mohamed wuxuu si kooban uga warbixiyay waxqabadka Jaliyaddaha Soomaalidda Ogaadeenya ee Pacific-ga wuxuuna tilmaamay in ay kaalin mug leh ka qaataan guud ahaan hawlaha lagu taageerayo shacabka Soomalidda Ogaadeenya ee dulman wuxuuna intaas raaciyay in abaabulka ay guud ahan Jaliyaddaha Soomalidda Ogaadeenya ee caalamku wadaan uu gumaysiga Itoobiya wadne gooye ku yahay isla markaasna wuxuu ka dhawaajiyay in uu Males Zenawi maanta aduunku cidhiidhi ku yahay.

Mudane Mohamed wuxuu xusay abaabul balaadahn oo uu sheegaya in ay wadaan Jaaliyaddaha Pacific-ga kaas oo loogu gogol xaadhayo shirweynaha Sanadlaha ah ee ay guud ahaan Jaliyaddaha Soomalidda Ogaadeenya ee Calamku isugu yimaadan oo ay sanadkan Pacific-gu marti galiyeen isla markaasna lagu qabanayo Magaalada Melbroune xarunta Gobolka Victoria wuxuuna cadeeyay hawlaha qabanqaabada shirku in ay si habsami ah u socdaan isla markaasna Jaaliyadda Gobolka Victoria wuxuu ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan hawlaha shir weynahaas.

Mudane Mohamed ugu damayntii wuxuu OYSU kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laban laaban wada shaqayn & iskaashi dhawna ay la yeeshaan guud ahaan dhalinta caalmka gaar ahaan dhalinyarada Soomalaiyeed oo ay si dhab ah isugu baahan yihiin isla markaasna ay wax waliba ka dhexeeyaan.

Waxaa madasha wacdaro & qiiro lala wada ilmeeyay ka muujisay Xamdi Axmed Sheikh Abdi oo ah gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay Allaah ha u naxariistee Shahiid Axmed Sheikh Abdi (Heersare) oo ka mid ahaa geesiyaasha umadooda in ay gobanimada Ogaadeenya naftooda u waayay, Xamdi oo khudbad luuqada Inglish-ka ku qoranayd madasha ka jeedisay ayaa dadweynihii kawada oohisay kadib markii ay sheegtay in ay ka mid tahay caruurta Soomalidda Ogaadeenya ee aan nasiibka u yeealnin in ay aabyawgood arkaan iyadoo dhanka kalana ku dheeraatay colaada fog ee qalbigeeda aan abdi ka baxaynin ee ay u hayso gumaysiga Itoobiya.

Xamdi Axmed Heersare hadaladeedii “waxaa ka mid ahaa Illahay ayaan ku mahadinayaa in uusan agoonimada iigu darin silica kale ee caruurta ila midka ah Ogaadeenya ku haysta waxaanan aad ugu faraxsanahay in aan Australia ku noolahay inkasta oo aanan damin karin cadhada & ciilka aan u qabo gumaysiga i agoonteeyay, waxaa xusid mudan sidiii geesinimada lahayd ee ay Axmdi u qeexday in ay ka mid tahay dhaqdhaqaaq kasta oo dulmiga shacabka Ogadeenya lagu hayo ka dagaalamaya ama umadaas dhiban u doodaya”.

Waxaan la ilaawi karin Abwaan Kaldeeq Muuse oo isna madasha ka jeediyay Gabay wadani ah oo ka turjumayay gumaadka arxan darada ah ee shacabka Soomalida Ogaadeenya ay ciidamada gumaysiga Itoobiya u gaystaan & sidoo kale geesinimada shacbka aan waligii liicaynin ee lihiinta leh, Gabayga Abwaan Kaldeeq waxaad moodaysay in uu soo koobay xaqiiqada maanta ay dadka & dalka Ogaadeenya ku suganyihiin.

Xaflada dadka sida aadka ah uga muuqday ee lagu casuumay waxaa ka mid aha Urur dhalinyaro oo Waabar la yidhaahdo kaas oo ay ku midaysanyihiin Arday Soomaliyeed oo Magaaladda Perth ka hawlgala, hadaba xubno Ururkaas Mas’uuliyiintiisa ka mid ah oo madasha ka hadalay ayaa waxay aad ugu mahad celiyeen una bogaadiyeen OYSU sidoo kale waxay aad u soo dhaweeyeen in ay Ururkooda & OYSU is kaashadaan waxayna sheegeen in ay dhalnta OYSU ku dayasho mudanyihiin dhamaan dhalinta Soomaaliyeedna ay tusaale wanaagsan u yihiin.

Intaas dabadeed waxaa madashii si layaab leh ula wareegay Ururka OYSU oo ay hor kacaysay Calankana u siday Abwaanad Rooda Ibrahin Abdi Gurey (Afjanno) waxayna halkaas ku soo bandhigeen caways si aad ah loola dhacay oo ahaa Riwaayad Abwaanad Rooda & dhalintu ku faro yaraysteen, Riwayadas oo magac gooni ah aan loo bixinin isla markaasna huwanayd magaca Xaflada ee Ogaden Night waxaa Abwaanada ku weheliyay inta badan xubnaha OYSU faraca Perth oo Gabdho & Wiilal isugu jiray si cajaa’ib lehna ugu xardhanaa labis indhuhu aysan ka jeedsanaynin oo ka kooban Calanka Ogaadeenya & dharka Hidaha & Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed oo si aad ah u bilayay dhalinta oo sha’niga ka muuqday aysan indhuhu ka dhargaynin.

Riwaayadaas waxaa si aad ah looga fahmayay gumaysiga Itoobiya, dhibaatada baaxada leh ee uu shacabka ku hayo & waayaha qurbaha sidoo kale waxay Riwaayadu taabanaysay dhalinyarada Soomalidda Ogaadeenya & Ururka OYSU sidii uu ku bilaabmay iyadoo ay Riwaayadaas ka buuxeen Suugaan aad u dhumuc weyn oo si xeel dheer ugu arooraysay xaaladaha kala duwan ee ay ku noolyihiin qurbe joogtu gaar ahaan dareenka kala duwan ee dhalnyarada, waxaa dadka aad u soo jiitay Suugaantaas oo mararka qaar loo qadanayay in ay Wiilasha & Gabdhuhu weerar & difaac ku kala jiraa sidoo kalena suugaantaasi waxay u badnayd Jiiftooyin hal xidhaale ah oo Wiilasha oo dhinac ah & Gabdhaha oo dhinac ah ay isku weerarayeen.

Dhanka kale xaflada waxaa dhaxtaal u ahaa si aad ahana loogu bogay Heeso dhiiga dhaqaajinayay oo waddani ah kuwaas oo uu qaadayay Abdi Mohamed Elmi (Abdi Gacan) oo Heesihii uu maadsha ka qaadayay midiba mida kale ay ka darayd dadweynuhuna ay aad ula oogsanayeen, meesha ugu qaalisan ee Cawayskan yaanan dhaafine waxaa xiise gaar ahaaneed xambaarsanaa dhaantooyin dhawr nooc ah oo dhalintu ay si aad u qurux badan u tumayeen isula na helayeen waxaanad moodaysay in Ogaadeenya laga tumayo.

Xafladaas oo wacdarihii ka dhacay aan ruux ka maqnaa la deeqsiin karin waxaa goob joog ka ahaa Mudane Abdiqaadir Sheikh Xassan B Hiirmooge (Caddani) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sarsare ee Jabhadda Wadddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO), Mudane Caddani wuxuu ka warbixiyay arimaha kala duwan ee Ogaadeenya ka jira.

Mudane Caddani wuxuu qaada dhigay guulaha lagu diirsaday ee Caddanka Jabhadda Wadddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay maailn & habeenba jiidaha dagalka ka soo dheelmayaan wuxuuna xusay dagaaladii u dameeyay ee CWXO & maxaysatada Tigreega dhexmaray kuwaas oo uu sheegay in gumaysiga jab culus loogu gaystay, Mudane Caddani wuxuu cadeeyay in aysan ciidamada Itoobiya dhufaysyada ka bixi karin oo ay difaac ku jiraan wuxuuna si aad ah u faahfaahiyay guulaha faraha badan ee CWXO ay maalinba maalinta ka dambaysa gudoomayaan wuxuuna yididiilo fiican ka muujiyay dagaalada ay CWXO qaadyaan oo uu sheegay in ay Itoobiya xiligan u maaro la’dahay.

Dhanka kale Mudane Caddani wuxuu amaan u jeediyay Ururka OYSU oo uu waxqabadkooda aad u bogaadiyay dhanka kalena uu ku booruiyay in ay horay u socdaan islamarkaasna aysan gulufka ka dagin ilaa & inta ay si dhab ah u gaadhayan yoolkii loo aas-aasay & himilooyinka ay higsanayaan .

Halkan ka daawo sawirada xafladda

Gagabadii Xaflada waxaa halkaas maanso qiiro badan ka qaaday Abdi Gacan & guud aah dhalintii Riwaayada Jilaysay oo isku duuban halkaasna waxaa lagu soo gabgabeeyay xafladii Ogaden Night oo aysan shacabkii daawanayay wali ka xiise gonin Hall-kiina ay ka bixi waayeen dadwene badan ayaa waxay codsadeen in ay OYSU xafladaha noocan oo kale ah badiyaan iskuna dhabar jabiyaan sidii ay u balaadhin lahaayeen..

Waxaa soo tebiyey:

Xiish cadaawe

June 5, 2011.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.