Home » Warar »

Magacaabis: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha

Warsaxaafadeed

Muqdisho, Khamiis, 02 June 2011 – Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadda, tariifooyinka canshuuraha, Sharciga Bankiga Dhexe iyo magacaabid Agaasime Guud.

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka

[audio:http://somalitalkradio.com/2011/jun/afhayeenka_tfg_2011.mp3]

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta amniga iyo howlgaladda Ciidamada Qaranka ay wadaan. Golahu waxey u mahadceliyeen ciidamada qaranka iyo guulaha isdaba jooga ah sida guushii maanta oo ay ciidamada kula wareegeen Hoyga saraakiisha Ciidanka (Shirkolo Officiale) iyo goobo kale.

Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in dhamaan gaadiidka iyo ciidamada mas’uuliyiinta dowladda ilaaliya la wada diiwaangeliyo, isla markaana aan la oggolaan doonin gaadiid aan laheyn taargo iyo hub aan sharciyeysneyn.

Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta tariifooyin cusub oo lagu canshuuri doono badeecadaha soo gala dalka oo ay isku soo duba-rideen Hay’adaha ku shaqada leh. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey tariifooyinkan cusub oo dhowaan dhaqangelintooda la billaabi doono. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay marka la dhaqan geliyo tariifooyinkan cusub ay si mug leh kor ugu qaadi doonaan dakhliga dowladda, kaasoo sahli doona in bulshada loogu adeego.

Golaha wasiirada waxey warbixin dheer ka dhageysteen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Abdullahi Haji Jama Ali oo golaha u sharaxay hindise sharciyeed cusub oo noqon doona Sharciga Bankiga Dhexe ee Somalia. Sharcigan ayaa ah mid ay soo diyaariyeen khubaro ku xeel dheer arrimaha bankiga. Sharcigan ayaa ah mid casriyeysan oo la jaanqaadi kara marxaladda hadda lagu jiro, isla markaana la waafajiyey Shareecada Islaamka. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey ansixiyeen hindise Sharciyeedkan oo ah Sharciga Bankiga Dhexe ee Somalia, isla markaana la horgeen doono Baarlamaanka si ay u ansixiyaan dhaqangelidiisa.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ayaa golaha u soo gudbiyey shaqsigii ay u soo xuleen inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in Mudane Mohamed Osman Ali (Dhagaxtuur) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha.

– DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

———–
Warsaxaafadeed Wadajir ah

DFKM iyo AMISOM oo ku Dhiirrigeliyey Ganacsatada Bakaare iney Alshabaab ka Dalbadaan inay  isagatagaan Suuqa.

Dowladda Faderaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika (AMISOM) ayaa u xaqiijiyey bahda ganacsatada Muqdisha sida ay uga dhabtahay difaaca shacabka ku nool Bakaare iyo hantidooda.

Todobaadyadii ugu dambeeyey xoogagga dowladda Soomaaliyeed oo ay badhitaarayaan ciidamada AMISOM ayaa qaaday hawlgallo meletari oo lagu sugaayay ammaanka agagaarka suuqa si looyareeyo khatarta ka imanayso kuwa xagjirka ee Alqaacida kuxiran.

In la sugo ammaanka Suuqa Bakaare ayaa waxay inoo tahay muhiim weyn, maadaama ay maleeshiyaadka Alshabaab intay weerar kusoo qaadaan meelaha dadweynaha ku noolyahay iyo ciidankeenaba,  hadane dumarka iyo carruurta gadaashooda ku isku qariyaan, “ayuu yiri Wasiirka Difaaca DFKM C/xakiim Maxamud Haji Faqi, “ waliba waxay lacag baad ka qaataan ganacsatada suuqa iyaga oo u adeegsada lacagtaas inay kusoo huriyaan ololahooda argagaxisanimo ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxa Maamulka  AMISOM, Col. Innocent Oula ayaa caddeeyey in xoogagga wadajirka ay inta tabartooda iska ilaalinayeen iskahorimaad ka dhaca suuqa dhexdiisa, halkaasoo ubuc u ah ganacsiga ka jira caasimadda. “ Iyada oo xoogaggeena wadajirka ah kaabiga ku hayaan suuqa ayaan u banneynay Maleeshiyada irrid u furan si ay uga baxaan. Waxanuna ku boorrineynaa inay ka faa’ideystaan fursaddaan iyada ah si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed loogana baaqsado dhibta.” ayuu yiri Korneelku.

“Ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay hawlaha ganacsi ee caadiga ah ee suuqa kasocda mana faragashanayno. Taas liddigeed waxaynu u fududeynaynaa ganacsatada hawlahooda xalaasha ah innaga baabi’inayna baadda ay ka qaadaan kuwa xagjirka ah islamarkaana waxaan dib-ufuraynaa waddooyinkii ay  ka xayireen inay maraan ganacsiga iyo isusocodka dadka rayidka ah, “ ayuu yiri wasiirka isaga oo sii raaciyey dowladdu had iyo jeer way ku hanweynayd inay aragto ganacsigii oo caadi u socda marka kuwa xagjirku meesha isaga baxaan.

“Sida ay wax noqon doonaan iyaga ayay ku xidhantahay. Haddii ay ka madax adeygaan inay suuqa isaga tagaan, hadde wax kale inooma furna oo aan ka ahayn inaan khasab uga saarno suuqa. Ayuu yiri isaga kusii daray “ qorshe walba oo hawshaas lagu fulinaayo aad ayaa looga taxadari doonaa yareynta waxyeelada nolosha dadka iyo hantidooda labadaba.

Xoogagga Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa imanka suuqa weyn ee Bakaare kaga soo dhawaanaya 3 jiho, iyaga oo xoogagga u furey irridda Waqooyi-Bari si ay uga baxsadaan kuwa macangagga ah. Ciidamada AU Suuqa Bakaare waxay u texgeliyaan meel ka caagan hubka madaafiicda iyo hoobiyahaba.

Dhammaad

Ministry of Information | medialiaisonsomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.