Home » Warar »

“Puntland iyo DFKMG ma isku waafaqsan yihiin Sharciga Badda ee loo gudbinayo QM” – Jawaabtii Wasiirka Maaliyadda Puntland

Badda Soomaaliya “Difaac ayey u baahan tahay, ee uma baahna warqad la saxiixo” –

Wasiirka  Maaliyada ee Dawlad Goboleedka Puntland Faarax Cali Shire oo dhawaan booqasho ku tegey magaalada London ee dalka Ingriiska, ayaa waraysi uu la yeeshay Telefishanka Somali Channel waxaa su’aal laga weydiiyey Badda Soomaaliya iyo in sida uu u arko in Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ay doonayso in ay Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso xeer ku saabsan badda.

Waxaa si gaar ah wasiirka Maaliyadda Puntland loo weydiiyey in uu jireen kullamo ay ka qayb galeen Puntland iyo DFKMG, shirkaas oo looga hadlayey Badda, taas oo weriyaha Somali Channel TV sheegay in ay jirto in Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland uu booqasho ku tegey London. Haddaba Puntland arrinka Badda Soomaaliya ma ku waafaqsan tahay DFKMG, ayaa TV-gu weydiiyey Faarax Cali Shire.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Maamul Goboleedka Puntland Faarax Cali Shire

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire

“Ma jirin shir inta la isugu yimid loogaga hadlay Soomaaliya meeqa ayey badda leedahay, kaasna kuma jirin mid horena kuma jirin, Soomaaliya badda waxay leedahay waxa caalamka kale leeyahay, protection (ilaalin/difaac) ayey u baahan tahay, ee uma baahna warqad la saxiixo,” ayuu yiri wasiirka Maaliyadada Puntland, waxana uu intaas raaciyey:

“Protection-ka ay u baahan tahayna waa in qaran Soomaaliyeed la helo, qaran Soomaaliyeed in la helona waxaa laga rabaa dadka Soomaaliyeed, cid kale oo laga sugaayaa ma jirto, marka dadka Soomaaliyeed marka ay qaran samaystaan oo ay calankoodii iyo midnimadoodii iyo wadankoodii samaystaan markaas ayey hadday noqon lahayd xuduud biyood iyo haday noqon lahayd xuduud dhul iyo haday noqon lahayd xuduud hawadaba markaas ayey ka hadli karaan, oo difaacan karaan, marka taasi ma waafaqsan tihiin ama ma ku diidan tihiin war jira ma aha.”

Jawaabtii uu wasiirku ka bixiyey Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/faarax_shire_badda.mp3]
  • Isha waraysiga: Somali Channel TV, London, May 2011.

DFKMG oo xilkii ka qaaday Xeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre

Muqdisho, Axad, 29 May 2011 – Wareegto ka soo baxday Golaha wasiirada DFKMG ayaa lagu shaaciyey in xilkii laga qaaday Xeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Abdullahi Dahir Barre. Waxaana warsaxaafadeedkaas lagu xusay sidan:

“Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Abdullahi Ebyan Nur ayaa golaha (Wasiirada) u soo gudbiyey warbixin la xiriirta arrimaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo hay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo. Warbixinta wasiirka ka dib Golahu dood dheer ay yeesheen waxey isku raaceen arrimahan hoos ku qoran:

1. In Xilkii laga qaaday Xeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Abdullahi Dahir Barre.
2. In Mudane Abdulkadir Mohamed Musse loo magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

DFKMG ayaa Shirkadda SKA ku wareejisey Gebi ahaan Ammaanka Garoonka Muqdisho

May 29, 2011: Xukuumadda DFKMG ayaa May 29, 2011 si rasmi ah ammaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ugu wareejisey shirkadda lagu magacaabo SKA.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee DFKMG ayaa ku dhawaaqay in DFKMG ay si rasmi ah hawlaha ammaanka Garoonka diyaaradaha si rasmi ah ugu wareejisey shirkadda SKA.

Laga bilaabo May 30, 2011 waxaa ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu gacantooda ku wareegey shirkadda SKA, waa sida ay sheegtay shirkaddaas iyo DFKMG.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Puntland iyo DFKMG ma isku waafaqsan yihiin Sharciga Badda ee loo gudbinayo QM” – Jawaabtii Wasiirka Maaliyadda Puntland "

  1. kacaan says:

    bismilah rarmaani raxiim asalamu aleykum dhaman ummada somalyeed gaar ahaan inta wadaniyiinta ee damiirkoodu nool yahay salaan iyo mahadnaq gaar ah somalital iyo wadaniyiinta.bacdal salaan aniga aragtideyda waxay ila tahay in dadkaan umada hortaagan ee maanta masuuliyada sheeganaya ay kuliahaanba heshiisyo hoose oo qarsoodi ah la soo galaah ama dowlado shisheeye ama shaqsiyaad dhaqaalo leh oo shihseeye ah waliba waxaan ka shakisanahay in heshiisyadaas loo dhan yahay madaxda maqaarsaarka ah een cidina soo dooran ee wada xamiidkarsaayga afkanistan ay wada yihiin.sidaa awageed aysan dal iyo ummadba dan ka laheenoo ay danahooda uun ka doorteen dadntii iyo dalkii iyo diintii guud.marka aragtideyda gaaban waxaan ku talin lahaa umaddu wayba niyad jabtey oo samirtaye ilaah ha la talo saarto oo niyada la hal dhisto oo bal in kacdoon siyaasadeed iyo diidmo ku wajahan maqaarsaradaan iyo kuwa aan ka liidanee waqtiga nagu fogeeynaya ee wadaadada iyo diinta magaca ka diley laga hor tago ilaahna lagu kalsoonaado oo qabyaalada laga baxo danta guud la eego gacmaha la is qabsado somaliya waxay mareysaa sida muuqato dowlad ku sheegtii shicibka aheed ee uu siyaad barre ilaah ha u naxariistee umada ka qabtey meel ka hooseysa oo god ama bohol ah dadka soomaaliyeed ayeyena ka sugeysaa unii godkaaa ka soo saaro war hooy soomaalaay in badan ayaa farta la idiinkuugu fiiqay inaad gabi ka dhacaysaane war iska arka oo talada waad ku nooshihiine talada qaata dhalinyaradii aad wax qabad ka sugeysena waa kuwaa cimaamadaha afka loga xirey ee baabi,inta ummadoodaa loo adeegsanaayo dowlad iyo wadaadna ha isku haleynina Aloow ummadaada adaa abuurteye caymi oo diintooda iyo dhulkooda u caymi wabilaahi towfiiq