Home » Faallo »

Rooxaanland – I | Qaybta 1aad

Arar & Afeef

Qoraalkan aan ugu magacdaray „Rooxaanland“, wuxuu daba socdaa oo dhammaystirayaa  labadii maqaal ee hore ee kala ahaa „War niman yohow Raggii meeye?- 2007 iyo „Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!!’ – 2008.

Maqaalku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood:

Qaybta 1aad, waxay ku saabsan tahay rooxaanta ina wada haysa, siday innaga wada dhigtay iyo sida xaalkeennu wada noqday!

Qaybta 2aad, waxaan ku lafagurayaa arrin diimeed oo runtii xusid iyo faham mudan, oo nugu soo siyaadday.Dad badanoo had iyo jeer isweydiinaya su’aasha ah  „Goorma iyo xaggee nooga timid isgaalaysiintu?“ ayaa jawaab ka helaya qaybtaan.

Qaybta 3aad, waa gunaanad. Daawada aan u baahan nahay, sidaan u qaadan lahayn iyo arrimo kaloo aanan ka hor degeyn.

waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan  – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado…Rooxaantaydu shaqo kuma laha ee yaan lugu dambaabin!!!( Kaftandhable!!)

Ugu dambaystii, waxaan akhristayaasha xusuusinayaa, in maqaalku ku salaysan yahay maahmaahdii ahayd „Haddii fooli timaado…Hee…..“. Haddaba weydin kaa!!!!

 

***************************************************

 

Markaan xaalkeenna u kuur galaba, waxaa igu soo dhacda maahmaahdii ahayd ”Dab baa dambas dhala!”. Intaas waxaad hadba maqlaysaa qof soomaali ah oo leh „soomaali waa u dhammaatay!“. Dadkaasi illaa xad gar bay leeyihiin, sababtoo ah, waxaa mindhaa u muuqday waxyaalo ula ekaaday tiirarka salka u ah qowmiyadaha dunida ka tirtirmaya.

Soomaaliyeey! Maxaynu ahaan jirnay ama lahaan jirnay ? Meeye dhulkeenii, raggeenii, dumarkeenii, carruurteenii, muslinnimadeenii, taariikhdeenii, dhaqankeenii, hiddaheenii, suugaanteenii, geesinimadeenii, garaadkeenii, aqoonteenii, kartideenii, firfircoonideeni iyo….iyo….

Subxaana Allee, maxaa saatan inoo galay? Ma wax dhici karaa inaan 20 sano keliya aan ku noqonno dambas oo kale. Runtii waa arrin weli iga degi la’.

Waxaan maqli jiray “Wanka jeer la gowraco, indhihiisu cirka ma arkaan”.

Annagoo wada rafaadsan oo dhabarka dhulka ku wada hayna,baynu haddana arki kari weyney cirka iyo xiddigaha. Ma mooddaa in wanku xoogaa na dhaamo!!

Maya nama dhaamo!

Malaha wax kalaa jira!

Mise waxba ma jiraanoo waxaa ii muuqday dhaan dabagaalle (dhalanteed ama wirwir)! Malaha meel kalaa nalaga haystaa!

Mise annagaa is haysanna!

Malaha si kalaa wax u jiraan!

Mise shisheeye baa noo showray!

Malaha maskaxdii baa naga kabuubyootay!

Mise suulashii gacmahaa na laga jaray!

Malaha garashadii baa naga gunudday (guntantey)!

Mise qaar ka mid ah sifooyinkii Adduun gadoonka (Maalinta qofi ka cararo min akhiihi….) ayaa xaggeenna ka bilawday!        Mise!               Mise!               Mise!

 

Akhristow, yaan hab-qoraalkeygu dareen ku gelin. Hays oran ‘Malaha odaygu qurbuhuu ku raagoo Buufis baa haya!’ Runtii wax buufis ka weyn baa i hayoo aan la soo burqanayaaye!… Eebbow akhristaha u sahal garashada nuxurka iyo hadafka maqaalkaan…Aamiin

 

Nin baa beri u tegey takhtar ah kuwa ku takhasusay maskaxda. Dhibaato haysay ayuu takhtarkii u sheegay:

“Takhtarow,mar Alla markaan sariirtayda jiifsado, ayaan hoosteeda ka maqlaa sharqan iyo dhaqdhaqaaq. Markaan soo kacoo  sariirta hoosteeda seexdana, korkeedaan sharqan ka maqlaa oo waxaan is iraahdaa qof baa sariirta ku jiifa!” Takhtarkii wuxuu ninkii u bilaabay daaweyn isugu jirtay talooyin siin iyo daawooyin. Muddo dheer ayaa daaweyntu socotay oo ninka kharash badani ka baxay.Ninkii baa joojiyay daawadii iyo inuu takhtarkii u tago.Muddo keddib, ayaa takhtarkii iyo ninkii si kedis ah magaalada isugu arkeen.

Takhtarkii:”War xaggee ka baxday, sow daawo kuuma socon?”

Ninkii:” Takhtar, waan biskooday”

Takhtarkii:”Muxuu yahay biskoodka aad ka hadlaysid,daawadiiba kalabar ma joogtee!”

Ninkii:”Runtii waan biskooday.Nin aan saaxiib ahayn oo najaar(carpenter) ah ayaan dhibaatadii i haysay u sheegay, markaas buu inta guriga iigu yimid, sariirtii lugaha ka jaray!!! Xuf baan iri”

 

Sidii dagaalkii sokeeye u dhacayba, waxaa jiray isku deyidyo fara badan oo hadafkoodu wada ahaa, sidii xal loogu heli lahaa xaalka murugsan ee soomaalida. Arrin kastoo laysku dayey, dhanka soomaalida ayay ka socon weyday.

 

–          Siyaasiyiinta soomaalida, sidii baa weli wax loogu yeerinayaa, iyaguna sidii bay weli ugu hamminayaan qabashada shirar aan waxba kasoo bixi karin!

–          Caamadu sidii bay weli shaah u wada cabbayaan, iyagoo midba midka kale uusan arki karin, una haysta shar iyo belo layska ilaaliyo!!

–          Culimadu sidii bay weli noogu shubayaan waano iyo wacdi,welina waannu ka oomannahay…iyadoo isgaalaysiin, is khaarajin iyo masaajidyo laysku dhex dilo ay soocoto!!!

–          Jaamiciintu sidii bay weli u wadaan dood cilmiyeedyo…. Ismana fahmaan, lamana fahmo!!!! Mid waliba wuxuu la kuf-kacayaa mashruucyo ku salaysan rooxaan, waaya-aragnimo la’aan iyo indha-adayg fowqal caqli ah!!!!!

 

Isku soo wada duubo, rag had iyo jeer wada shiraya, tashanaya, muxaadareynaya, si cilmiyeysan u doodaya, aroosyada, tacsiyada iyo fadhi ku diriradana heshiis ku ah oo aan u kala harin… Haddana aan wax maslaxaddooda ama dantooda ah meel isla dhigi karin…. Toloow!! Xaggee kaloo adduunka saarkaan laga cayaaraa???!!! Rabbow riyo ka dhig!!!

 

Bisinka! Bisinka!

Armaysan arrintu sidaan ahayn ee si kale wax naga yihiin?

 

Allaylehe, haddaan gartay…

Si kalaa wax naga yihiin!

Si sidee ah?

Sidatan soo socota:

 

Runtu rag waa ka nixisaa mase disho…

Soomaali haddaannu nahay (marka laga reebo inta qurbaha ku dhalatay ama ku kortay ee sunta waaridkood ka badbaadday!) ruux fayoobi nuguma jiro!!! . In yar baa xaqiiqadaan dareemi karta, ogaan karta ama fahmi karta. Beesha caalamku wey nugu wareertay, sababtoo ah, waxay noo haystaan inaan dad fayow nahay! Haddii xaalkayaga runta ah hoos hoos loo ogaan lahaa, mar horaa naloo soo diri lahaa, cid dalkoo dhan la wareegta oo ka talisa.

Illaahay mahaddiis, cudurka na wada haya , maahan mid halisa ama aan daawo lahayn. Waa cudur u baahan, in marka hore lays tuso oo keliya, marka labaadna si sahlan laysaga daaweyn karo. Cudurka na wada haya, waa mid ka mid ah kuwa ku dhaca maskaxda.Nasiib wanaag, waa mid aad uga fog noocyada kala duwan ee waallida dhabta ah.

 

Sida Quraankaba naloogu sheegay, Eebbe wuxuu baniaadanka ka yeelay shucuub iyo qabaa’il. Sababtana waa naloo sheegay oo waa in laysku garto ama aqoonsado(Li tacaarafuu) oo keliya. Sideedaba, wax walba, haddii layska badiyo ama si xun loo isticmaalo, halis baa ka dhalata. Tusaale ahaan, cunnada(sida dufanka ama sonkorta) haddii si xad dhaaf ah loo cuno, cayil baa ka dhasha, kaasoo ay ka sii dhashaan cudurro halis ah sida wadne-istaagga.

Waxaannu qabiilka u isticmaalnay, si aan Allihii na abuurtay ugu tala gelin, oo weliba khaldanoo xad dhaaf ah! Noloshii qofka iyo jiritaankiisii oo dhan baan saldhig uga dhignay, illaa qofkiiba uu noqday qabyaaladda qalfoofkeeda!!!

Waxaan isu aragnaa inaan nahay qayb ka mid ah rooxaanta awooweyaasha iyo ayeeyooyinka lagu abtirsado (spirit of ancestors) ee qarniyaal ka hor dunida ka tegey. Dareenkii,garashadii, xiskii iyo qofnimadii soomaaliga, waxaa qariyay hummaag ama malluug ka dhashay sida soomaaligaasi isu arko.

 

Soomaaligu wuxuu noqday qof aan hadalladiisa iyo falalkiisaba mas’uul ka ahayn. Xumaan iyo wanaag kastoo uu la yimaado rooxaanta ayaa ka mas’uul ah.

Akhristow, intaad wax yar u kaadisid sii akhrinta maqaalka bal siddeeddaan arrimood ka fakar:

 

–          Bal ka warran….

–          Ummad inta dalkoodii isku soo cuntay, haddana qurbaha shaah ku wada cabbaysa  oo wada qoslaysa!!!

–          Qof inta qof kaloo aan waxba u dhimin nafta kasoo gooyey, haddana weli isu haysta inuusan dhiig dadow gelin… Qabana inuu rooxaan keliya iska shiday, si uu u biskoodo(isu xoreeyo)!!!

–          Qof goynaya laan sare ee uu geed kaga fadhiyo, si uu geedka u dhaawaco!!!

–          Qof qaba in awoodda rooxaantiisa awgeed, isaga keliya loo qoray inuu taliyo!!!

–          Qof inta rooxaan iska shiday oo didiyey, haddana markay ku soo noqon weyday, dareen weyni galay oo ka daba tegey!!!

–          Qof markaad ku tiraahdid “War sida aynu isu dhaanno!!”, ku oranaya “War aniga i dhaansan maysid!!!”

–          Qof had iyo jeer dareen ka qaba rooxaanta abtigii, walaalkii ay kala bah yihiin ama xididkiisa, oo mar kasta  diyaar u ah inuu iska cuudiyo(dilo), haddii lugu soo wareego (rooxaantu ku kacdo)!!!

–          Qof ay la noqotay inuu ku dhashay daqarrada iyo daliigaha isticmaarku ku sameeyay jirkiisa …Markaasna aaminay in rooxaantiisu ay ka duwan tahay tan walaalahiisa kale, shaqana aysan isku lahayn!!!

 

Araggii indhaheenna ayaa wax si ka noqdeen: Waxa keliya ee indhaheennu arki karaan waa jirarka dadka aan soomaalida ahayn. Markaan is dhuganno, waxaa keliya oo noo muuqanaya rooxaanta maqaar-labaadka inoo wada ah. Qof waliba wuxuu isu haystaa inuu keligiis yahay. Dhinac walba waxaa kaa jooga rooxaan. Si kastoo aad yeeshid, marna ishaadu arki kari mayso Caliga, Faaraxa iyo Jaamaca ku hor taagan ee kula hadlaya!!!! Waa hummaag aad isku rooxaan tihiin ama mid aad ka digtoon tahay!

 

Xaaladda aan in muddo ahba ku sugnayn, waxay na dhaxalsiisay inaynaan qayb weyn oo diinteenna ka mid ah, sidii la rabay u gudan karin. Qaybtu waa “Mucaamilaadka”… Alyacni arrimaha khuseeya qofka iyo qayrkiis. Qof aadan uba jeedin oo hummaag rooxaani ka sokeeyo, sidee xaqiisa iyo gartiisa u siin kartaa, wax ula qaybsan kartaa amaba u dareemi kartaa inaad soomaali wada tihiin.

 

Ajnabigu waa ka duwan yahay oo indhaheennu way arki karaan! Waa naqaan sida shisheeyaha loola dhaqmo. Waan garan karnaa oo dareemi karnaa qofnimada qofkaas ajnebiga ah iyo weliba xaqa, tixgelinta, waajibaadka iyo sharafta aan isku leennahay!!!

Alla soomaalidu ilbaxsanaa, diricsanaa, aqooon badanaa, xaqdhawr badanaa, dulqaad badanaa, bulsheysanaa, ilka caddays badanaa markay ajnabiga la joogaan ama ay la macaamiloonayaan!!! Cunsuri ma ahi, cuqdana iguma jirto ee ciil baa hadalka iga keenay!!!

 

Duf ku baxa!

 

War buktada habaar hanoogu darin!!

 

La noqday!

 

Toloow, haddaan biskoon lahayn oo jirarkeennu isu wada muuqan  lahaa, sow sida aan ajnabiga ula dhaqanno, isulama aanaan dhaqanneen???

 

Waxaan ku jirnaa imtixaan aan annagu is gelinay. Rooxaantu weligeedba waa jirtay, iyadoo inta ka tabar yar, kana tira yar. Waagii la yiri „rooxaanta ha la xabaalo“, halkii layska furdaamin lahaa, ayaa geedaheedu abuurmeen.

Markii uu dagaalkii sokeeye bilawday oo loo habarwacday oo awoodihii xakamayn jiray ay wada burbureen ayay mira dhaleen! Mirihii waxay u kala qaybsameen qaar qofka soomaaliga maskaxda ka galay iyo qaar jirkiisa oo idil isku wada daboolay oo u noqday maqaar oo kale.

Markaan wada hadlayno, weynu is maqli karnaa, laakiin rooxaanta keliya aya isu jeedda amaba is arki karta.

 

Wadeeca Alla!!!

 

Waxaa jirta in rag badani isku deyey inay xal u helaan xaalka soomaalida. Ummad dhan oo wada hummaag ah, oo shakhsiyaadkii ay ka koobnayd ishaadu arki karin, sidee wax ugu sheegi karta, talo u siin kartaa, siyaasad ugala hadli kartaa, diin ugu muxaadareyn kartaa, amaba u garan kartaa, waxa ay haystaan iyo waxa ka maqan!!!

Si aan akhristaha arrintaan ugu jilciyo, laba arrimood oo xusid iyo in la fahmo mudan  ayaan kasoo kala qaadanayaa siyaasadda iyo (diinta – ka akhri qaybta 2aad ):-

 

Waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad ay la noqotay, in si loo maamulo noocyada kala duwan ee rooxaanta, la qaato nidaamka „Federaalka“ la yiraahdo. Si markaas loo helo ama loo gaaro „Dowladda Midnimada Rooxaanta Soomaalida – DMRS “.

 

Waxaa indhowaalaba si xawli ah ku socda magacaabidda iyo dhisidda maamulada  loo yaqaan ‘States(ka) ama Lands(ka)’oo rag badani ku riyooday!

Kuwa nugu soo fool leh oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwo kuwii jiray ka dhex dhalan doona, waxaa ka mid noqon kara 18kaan mala-awaalkayga ka dhashay:

 

–          Gaawe & Kalax StateHanna-haaban State – Geel & Indhakuul-land,

–          Buurkaroole & baraaka Cabdow State – Wirwir & Wareerland – Qablan State,

–          Buur & Bacaadland – Hanna-baran State – Feer & Faralaab State,

–          Shamaag & Saraacimo State – Sabuul & Sisin State – Moxog & Maankaal State,

–          Nama taqaanaaniin State – Ab-ogaa State – Abaari -keentay State,

–          Iskuraran State – Jiimbaar & Barkinland –  Qurbajoog State!! iwm.

 

Rooxaantu waxay na dhaxalsiisay inaan arki kari weyno, inaynu nahay ul iyo diirkeed! Alyacni inaan nahay dad isku af ,diin, dhul,dhaqan, hidde iyo muuqaalba ah.

Waxaynu noqonnay ummad harjadeysoo, rabta inay dowlad,gobollo, iyo degmooyin ku dhisto rooxaan! Ruuxna weli isma weydiin, in haddii rooxaanta layska cuudiyo – layska shido  (markii wadaaddada diiddan idan laga helo!), ay wax walboo ay ku dhisnaydi, burburayaan ama qaac noqonayaan!!!

Hummaagyadeenna iyo codadkeenna oo keliya baan xal iyo mideyn u hela is niri.

 

Dadaal iyo figfigi nuguma yara!!!

 

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/rooxaanland/

Xaashi Yaasiin Cismaan

Switzerland

Hashiyosman@hotmail.com

 

Qoraaladii hore:

War niman yohow Raggii meeye? http://www.somalitalk.com/2007/sept/20sep107.html

Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!! http://www.somalitalk.com/2008/oct/maqaal.pdf

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Rooxaanland – I | Qaybta 1aad "

  1. Mire says:

    Qoraal ceynkan oo kale wali ma akhrin runtii waxaan ku qeesi karaa.

    XIKMAD + ILAQOSOL cajiib ah Mahadsanid Mr Xashi

  2. Taqi Hassan says:

    Qeer badan Ilaah hakusiiyo Aamin. rooxaastaas waa igu jirtaa basle walal daawadedeena soo sheeg qeer Allaha kusiiyee………..

  3. maxamuud says:

    xaashi mahadsanid waa qoraal aan aad ugu qosolay aniga familkayga waana cajiib ,su,aalo badan ayaa igu soo dhacay ,mar waxaaanba moodey qofka lasheegayaa inuu aniga yahay,sida rooxaantu ii hayso iyo sida dadka rooxaantaydu isu arkaan laakiin aanan jir ahaan isu arag wax kastoo ushubo,laakiin qof kasta oo soomaali ah rooxaantani way haysaa,hadaysan ku kala badnayn…
    waayo dadka soomaaliyeed qaar hadaad lasheekaysato adoo xanuunsanaya ayaad ka tegaysaa…mar waxaan iri waraaqaha mawduucan intaad koobiyayso ma u qaybisaa tolow wax maku qaadanayaan anigu ku qataye,waayo waxaan magac soomaali kuwaayay wax ku heli waayay ,,, hadda dadka rooxaantoodu waxay is waydiinayaa cidda aad soomaali katahay kadibna rooxaanta ayaa lahadlaysa waxay ka yeeli lahaayeen …hadii laiyiraahdo wadankee ka timid waan xishoodaa marmarka qaarkood waxaan iraahdaa singapore markaasaan dhaafaa

  4. Aaad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa walaalka soo qoray qoraalkaan qiimaha badan runtii wey yartahay cid saan wax u qorta wiliba xigmada badan.. Magaca iyo qoraalka wey isleeyihiin, waxaanba ka codsanaynaa Xashi inuu badiyo qoraaladiisa uu bulshada kula hadlayo.. runtii wey yaraadeen amaba wey sii dabar go’aysaa qoraalada sida nuxurka leh loo qoro ee afkeena soomaaliyeed. Mar 2aad afkaaga caano lagu qabay.. Allaha kuugu abaalmariyo Kheyr dhamaantii..

  5. Asc , run ahaantii waa maqaal qaabkiisa aysan weli Qoraayaasha Soomaaliyeed wada fahmin waa hab ruwaayadeed oo qofka la moodsiinaa sidii in caways loogu sheekaynaa waana qaab Afaf badan wax loogo qoro, aadbaan ugu mahadcelinaa walaalka Maqaalkaan ku fara yaraystay , waxaan sugnaaba waa jeerka xiga iyo maqaalkaaga.

  6. Adam says:

    Salaan Qaali ah ayaan internet kuu soo mariyey Mr. Hashi waad iga qoslisiisay, walaahi si wanaagsan oo qibrad, fikrad, iyo aqoon sare ayaad u qortay waxaad tahay qoraaga kaliya aan had iyo jeer jeclahay inaan aqriyo maqaalkiisa, sabab too ah lagama xiisa dhacaayo qoraaladaada. Waad ku mahadsan tahay. Su’aal Mr. Hashi dawadii bal noo sheeg xanuunkan baas 20 yrs ku dhacay umadeena?

  7. abass says:

    mudane xaashi si fiican baan ula dhacay qaab qoraalkaaga oo si ahaana iga qosliyay in badan , sidoo kalena waana noo wada ahaan dhamaanteen

    waxaan rajeynayaa in aad maqaalo kale oo sidaan u xiiso badan noo soo diyaarin doontid

    mahadsanid

  8. T a J says:

    Xaashi Mahadsanid walaalo. Waxaanse u gartay in su’aasha Omar iyo Said ku weydiiyeen aad kaga jawaabtay Maqaalka ood tiri ruuxaanta hala iska cuudiyo (markii wadaada diidan dabqaadka ay noo fasaxaan) Haday mayadhahanse markaas waa in islaanta dhajiska goysa naloo geeyaa

    xasbunnallaah wanicmal wakiil

  9. omar says:

    xaashi mahadsanid….. Runtii ruuxaanta waa na wada haysa…. waxaana garan waynay xanuunka na haya ruxaanta darteed…… waxaan ad ugu qsolay moxog iyo maankaal state. xaashiyo hadan somaloi nahay sidee isku fahmi karna uwada noolan karna?

  10. said says:

    Xaashi waa ku mahadsan tahay sida wanaagsan aad u sharaxday xanuunka ku dhacay Somalia iyo dadkii soomaaliyeed. aad iyo aad ayaad iiga qoslisay walaahi, warsee uga baxnaa ama u daweena addankeena iyo dadkeenii ruuxaanta ku dhacday, aloow sahal amuuraha.