Home » Warar »

Golahii Maxaakiimta Islaamiga oo u Xuubsiibtey Xisbi Siyaasadeed oo ka qaybgala arrimaha Siyaasada Soomaaliya

Uurkii Maxaakiimta Islaamigga Soomaaliya oo soo baxay sanadkii 2006 dii ka dib markii uu ka adkaadey Qabqablayaashii Dagaalka ee Dhibaatada ku ahayey shacabka Soomaaliye ed taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed balse markii dambe waxaa dalka ka saarey Ciidamadii Itoobiya , kadib waa is aruursadeen waxaana u suura gashey in ay qabtaan talada Dalka waxaana haatan muuqada in ay is abaabu layaan waxayna doonayaan in ku sii nagaadaan sii haynta talada dalka iyadoo taasi ay jirto ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqeen in ay u xuubsiibteen Xisbi Siyaasadeed oo dalka ka jira  waxayna ku dhawaaqeen Guddi ka kooban 21-xubnood oo uu Gudoomiye u yahay Abuukar  Daahir Maxamed  kuwaas oo ka shaqeynaya diyaarinta shirweyne ay isugu yimaadaan Maxaakimta Islaamka, kaasoo lagu dooranayo Hogaan.

Shir jaraa’id oo oo ay ku qabteen Magaalada Muqdisho xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamiga oo ay ka qeyb galeen ilaa 200-oo isugu jira Culumaa’udiin, aqoonyahano iyo Saraakiil ka tirsaneyd Maxkamadihii islaamka ayaa laga soo saaray bayaan dhowr qodob ka kooban.

Bayaanka oo uu saxaafada u aqriyay Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Maxaakimta Islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxaa uu ku faah faahiyay waxqabadkii Maxkamadihii Islaamka iyo taariikhdii ay soo mareen, isagoo sheegay in sababaha dib mar kale loo soo nooleynayo Xisbiga ay ka mid tahay Marxalada kala guurka, iyo baahida xilligan loo qabo Dowladnimada, kaasoo loo marayo Nidaamka Xisbiyada Siyaasadeed.

Hadaba qoraal saxaafadeedka ka soo baxay Xisbiga Maxaakimta ayaa u qornaa sidan:-

War-saxaafaded. 28/05/2011
Taariikhda Maxkamadaha Islaamiga

Maxkamadaha islaamiga ah waxa ay soo bilowdeen kaddib markii dowladdii milatariga ay burburtay, Waxayna soo mareen marxalado kala duwan, waxaana keentay duruuf adag oo jirtay xilliyadii la soo bilaabay, Waxaana unkidda maxkamadaha qayb wayn ku lahaa Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, aqoon yahanka, haweenka, Dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wax qabadkii Maxkamadaha Islaamiga

Waxay wax badan ka qabteen Arrimaha nabad gelyada sida la dagaalanka burcadda, afduubka, iyo wax kasta oo dhibaato amni darro ku hayay bulshada,

Waxay ahaayeen maxkamaduhu goob bulshadu u xukun tagta oo kala saarta dadka wax isku haysta maadaama ay burbureen hay’adihii amaanka iyo garsoorka, Waxaana lagu xusuustaa waxyaabihii ay qabteen furidda waddooyin waaweyn oo muddo xirnaa sida wadada Makka Al-mukarrama, Waxaa kale oo ay dib u fureen ilaha dhaqaale ee dalka Sida dekadda, garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli la isticmaalayay garoomo iyo dekado macmal ah oo umuddu dhib badan ku qabtay, Muqdisho-na ka fog Waxaa lagu xasuustaa;

In ay hormuud ka ahaayeen muqawamadii lala galay xilligii ciidama Ethopia ay soo galeen Dalka.
Sidoo kale waxa ay galeen wada hadalkii JABUUTI kadib markii ay u arkeen in maslaxadda umaddda Soomaaliyeed ku jirto dhibaatadii taagneydna looga gudbi karo, taas waxaa ka dhashay in ciidamdii Ethopia dalka ka baxaan lana dhiso dowlad wadaag ah oo ah Dowladda KMG ee maant Dalkla ka jirta.

Sababaha keenay in la dhiso xizbi ku abtirsada Maxkamadihii islaamiga ee lahaa tariikhda aan soo sheegnay waa;

• Markaan arragnay marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo garowsanayna baahida loo qabo dowladnimada iyo in si nadiif ah loogu tartamo hogaanka dalka iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan
• Waxaa shir isugu yimid Saraakiil ka mid ahaa Maxkamadaha Islaamiga oo gaaraye 200 qof waxana go’aansadeen in la baadi goobo dhamaan dadka ku abtisarda maxkamadihii islaamiga iyo dhamman umadda Soomaaliyeed si loo dhiso xisbi siyaasi ah, Waxayna doorteen Guddi KMG oo 21 xunood ka kooban oo qabanqaabiye shirweyne si wadajir loogu dhiso xizbiga.

• Guddiga KMG ee laga soo saaray shikaas waxay diyaarinayaan shirweyne ay ka soo qayb galaan dhamaan qaybaha bulshada sida culimada, aqoonyahanka,ganacsato, qurba joogta ,dhalinyarada haweenka. Waxay diyaariyeen Xeerka guud iyo barnaamij siyaasadeed ee xisbigu yeelan doono oo qabyo ah.
• Waxaan diyaar u naahy in aan ka qayb qaadanno qorshaha dib u dhiska dalka iyo adeegga shacabka iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan iyo tartanka nadiifka ah.

• Waxaan soo dhawaynaynaa go’aankii ka soo baxay shirkii Golaha ammaanku ku qabteen Nairobi ayna ka qayb galeen Madaxweynahaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, R/wasaaraha iyo Maamul goboleedyada dalka. Waxaan u aragnaa in ay fursad muhiim ah tahay in talada umadda Soomaaliyeed loo soo celiyo, shirka bisha june ka dhacayana Muqdisho go’aan looga gaaro waqtiga kala guurka ah waxa laga yeelayo,

• WAxaan soo jeedinayanaa in shirka juune guddoonkiisu yeelata Umadda Soomaaliyeed,
• Waxaan soo dhawaynaynaa Guuulaha isdaba joogga ah oo ay gaareen Ciidamda Dolwladda iyo kuwa AMISOM, waxaana u aragnaa in ay tahay waajib wadani ah in dalka laga xoreeyo cid kasta oo diidan Qaranimada Soomaaliya Magaca ay doonto ha lahaatee.

• Waxaan ka xunnahay dhibaatada joogtada ah ee dagaaladu keeneen sida dhimashada, dhaawaca ,qaxa, Burburka hantida IWM, Waxana Allaah uga baryaynaa in uu si deg deg ah nooga dul qaado

.

BAAQ

Waxaan baaq u soo jeedinaynaa Dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Alle waxsiiyay sida Ganacsatada, Jaaliyadaha dibedda iyo cidkastoo awood u leh in ay gacan ka geysato dadka tabaaleysan ee duruufaha adagi ku xeeranyihiin in si deg deg ahna gar gaar bini- aadanimo loola gaaro.

 

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro1 [_@_] hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Golahii Maxaakiimta Islaamiga oo u Xuubsiibtey Xisbi Siyaasadeed oo ka qaybgala arrimaha Siyaasada Soomaaliya "

  1. wadani says:

    dhamaan waxaan salaamayaa umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto salaan kadib waxaan galnay marxalad ka duwan tii hore awal dagaal sokeeye ayaan ku jirnay mudo waan ka dalacnay waxaan galnay urur diimeed waan is gaaleeysiinay intaan is gaaleeysiin karno waxaa tartan loo qabtay labo calan calankii jamhuuriyada soomaaliya iyo midka raayada waxaa koobka qaaday kii Raayada hada koox cusub ayaa la soo saaray xisbiyo iyo maamul gaboleedyo oo calamadooda kala gooni yihiin waan yaabnay yaa sidaan wax u agaasimayo!!! mida kale dadkaan dad xishooda soo ma ahan mise soomaali maba ahan waxaan mida kale lama yaabani in maxaakiimta islaamiga soo laabato oo cayaar kale diyaar u yihiin waxaan ognahay in markoodii hore wax ay qabteen inkastoo markii dambe danaysta yaal noqdeen hadana rajo xumo ayey qabaan waxay rabaan markale in ay dhib nagula soo laabtaan odeygii idinku waynaa waa kan is badalay waagii hore wuxuu nagu soo galay diin iyo hadal macaan heer dadka midkii dibad jooga iyo midkii gudaha joogaba ay jeclaayeen hadana dadkii taageerayaashiisa ahaa oo takbiir lahaa maanta hala waraysto maanta meel aan magaalo ahaan jirin magaalo ka dhigtay (ceelasha biyaha) hadaba dhibka hada taagan maxaakiimta ayaa usabab ah sababaha soo socda aawadood.

    1)shabaab lama garan jirin ayaga ayay ka farcameen iyo inta la jirto maanta dhib iyo dheef waxay keeneenba ayaga ayaa u sabab ahaa
    2)diinta ayey ka been sheegeen haday siday diinta qabto ku taagnaan lahaayeen is badal ayaa la heli lahaa dadkana dhibka hada ay ku jiraan kuma jireen oo taageero waxaa ugu filnaa bulshada inta ay ka heleen wax ka helay ma jiro kamana aysan faa ideysanin dhib ayaa laga qaaday
    3)Aduunyo jeceel iyo damiir la aan oo caalamka ka dhicin ayay la yimaadeen tusaale sh.shariif maalinkasta dad ayaa la dilaa la dhaawacaa kama hadlo xitaa isbitaalada ma booqdo kamana war hayo aduunyo ayaa u cad
    qodobadaas iyo kun qodobo oo kale waa waxay ku caan baxeen maxaakiimta
    fiiro gaar ah
    waxaan leeyahay inta damiirka leh oo soomaali nimo ku jirto haka fogaadaan danaystayaashaan magacyada kala duwan huwan hana la iska qabto kacdoon sameeya tunisiya iyo masarba waad aragteen hub kuma aysan dagaalamin dimiirkooda kooda nadiifka ah ayaa kiciyey kaca oo iska hubka ay wataan ha fiirinina hadaba waad dhimanaysiin dagaalama oo hela Nabad iyo xornimo iyo cadaalad As.c

  2. ahmed says:

    scwwb
    waxaan taageerarayaa qoraalkaan ciise abdi, nimankaan maxaakiimta ah riwaayaddaad noo dhigteen xitaa dad baa diintii dartiin u nacay, waxaan ishaysto iyo calan madaw, iyo ajaanib waa mujaahidiin iyo muhajiriin la yiraa idinkaa noogu haoreeyay,

    Riwaayadii uunbaan filayaa inaad qaybti labaad noo jili rabtaa ileen Sharifkii baa ka shaki qabo inay la rogmanayso oo hadii doorasho la yiraahdouusan soo baxayne , marka jabahadayn dambe iyo maashaalaha nalagu beer laxawsado ma rabnee masaakiinta ilaahay beenta ha u sheegina. idinka hal talo aan idn siiyo;
    waxaad aqoon u leedihiin oo aad beenta ka sheegaysaa aduunyo darteed hanagu haligana dhamaanteen.
    ugu damabyntii : suaal ku socoto waxii culumo sheegtoo dhan????? iyo wax garad ????????
    Xageed kitaabka iyo Sunnada uga taal nin caalim sheeganaayo oo xukun ugu dagaalamaayo ama raadinaayo oo wado sax ah iyo mid qalad ah intaba u maraayo??????
    saw taan maqli jirnay xadiiskii ” Naxnu laa nuwalii amranaa Man dalaba minaa” .
    ahmed

  3. Ciise Abdi says:

    Asalaamu Caleykum akhiyaarta.
    Waxaan marka hore aan isweydiin la heyn golihii Maxaakinta midowday in ay wax wanaagsan qabteen 6dii bilood laakiin umaleyn maayo in ay xaalada hada jirta ay wax ka qaban karaan, marka ilaahey hadiin naxariisto waxaana
    tusbax go,ay idinka dhigay idinkoo aan marnaba la tashanin dadkii dowladnimada yaqaaney, aqooniyahaniintii, saraakiishi xooga, Boliiska Somaaliyeed ee qorbaha joogtay aan marnaba dagaalka sokeeye aan dhegelin gacnahana aan dhiig islaameed aan lagalin iyo Shariifsakiin oo Sheikh Shariif gadaashiisa ku soo dhuuntay lana noqday saaxiib beenbeen ah
    ka dibna tartiibtartiib idinka iyo isbaheysigii asmara idinkala daashay oo waxaan maantay la joogo sidii tusbaxgo,ay aadan qaakiin aadan salaanta ka dhexeysa Muslim iyogaalo aadan isi salaamin waana ognahay, marka walaalayaalow naga raali ahaada ee Misaajiyadii aad qoraanka ka aqrin jirteen jooga oo ilmaha diinka ilaahey bara siyaasadna wax kama taqaaniin
    wasalaamu caleykum
    Ciise Abdi