Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG oo soo dhoweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii Nairobi ee QM

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada –

Muqdisho, Axad, 29 May 2011 – Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ay la yeesheen Madaxda Qaranka, xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo magacaabis Xeer Illaaliye Guud oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa warbixin kooban siiyey golaha ee la xiriirtay shirkii Golaha Ammaanka ee QM ee ka dhacay Nairobi 25-kii May 2010. Warbixintaas ka dib Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Golaha Ammaanka ee QM iyo sida ay mudnaanta u siiyeen arrimaha Somalia. Golaha Wasiiradu waxey soo dhoweeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkaas oo ay ka mid ahaayeen in magaalada Muqdisho lagu qabto shir wadatashi oo ay Somalida ku soo afjaraan khilaafkooda, isla markaana ay ku go’aansadaan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka. Golaha Wasiiradu waxey hoosta ka xariiqeen in loo baahanyahay in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ay la wada yimaadaan sidii khilaafaadka jira loo soo wada afjari lahaa oo mowqif mideysan loo wada qaadan lahaa, iyadoo la eegayo danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Abdullahi Ebyan Nur ayaa golaha u soo gudbiyey warbixin la xiriirta arrimaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo hay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo. Warbixinta wasiirka ka dib Golahu dood dheer ay yeesheen waxey isku raaceen arrimahan hoos ku qoran:

1. In Xilkii laga qaaday Xeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Abdullahi Dahir Barre.

2. In Mudane Abdulkadir Mohamed Musse loo magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

– DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.