Iyadoo weli ay sii socdaan Dagaalada Muqdisho Gaar ahaa kuwa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Howlawaadaag kaasoo u dhaxeeya Ciidamada DFKMG oo garab ka helaya Ciidamada Amisom iyo Xarakada al shabaab, waxaayna dagaaladaan soo bilowdeen Todobaadkii la soo dhaafay waxaana xaqiiqo ah in galaafteen Noloshada dad fara badan oo Rayid ahaa kuwaas oo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda la isku adeegsanayo.
Dagaaladaan oo Saameeyn ku yeesheey Suuqa Bakaaraha ka dib markii uu dagaaladu ku soo dhawaadeen ayaa labada dhinac waxay ku dagaalamayaan Gacan ku haynta Suuqa Bakaaraha oo ah Goob Muhim u ah marka la fiiriyo Jidadka Magaalada Muqdisho waayo waxaa suuqa soo gale Jidad waaweyn oo isaga gudba Magaalada Muqdisho.
Dagaalada Muqdisho ayaa waxay kaloo sababeen Barakac aad u weyn ka dib markii dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku harey Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay bilaabeen in ay halkaa ka baxsadaan, sidoo kale waxay sababeen in dad fara badan ay ku dhintaan islamarkaan waxaa Isbitaalada Muqdisho la gaarsiiyey dad fara badan oo dhaawac kuwaas oo qaarkood la sheegeyin Xaaladooda laga dayrinayo.
Madaafiic ay Tuureen Habeenkii xaley ahaa (Isniin soo gelesey) Ciidamada Amisom gaar haan Qoriga loo yaqaan BM-ka ayaa waxaa ku habsadey Guri ku yaal Xaafadda Yaaqshiid gaar haan Towfiiq , waxaa Gurigaa ku sugnaa lamaanayaal Aroos ahaa kuwaas oo la sheegey in ay halkaa ku dhinteen waxaa kaloo la Geeriyoodey dad kale oo Eheladooda ah, waxaa kaloo ku dhaawacmey dad kale oo iyana la sheegey in u yimaadeen Lamaanihii Arooska ahaa.
Haweeney ka badbaadey Masiibadaas qabsatey Lamaanahyaashaas ayaa mar ay u warameysey Warbaahinta waxay tiri “Saan Maalinkii oo dhan ugu jirney Farxad iyo Rayn-Rayn ayaa waxay arrintu isku badeshey Baroor iyo Murugo dhiig qulqulaya Gurigii Caruusyada waxay indhaheeygu qabteen Labadii ruux ee arooska ahaa oo si xun u dhintey waa Masiibo aad u weyn” waxay sii raacisey “Haddii Ciidamada Shisheeye la weydiiyo maxaad Madaafiicda ugu garaacdeen dadkaas rayidka waxaan ogahay in ay ku jawaabayaan “waxay Garaacney Goobo saldhig u ahaa Xarakadda Alshabaab marka layaab ma leh waa mid ka mid ah Masiibooyinka Haysta Shacabka Soomaaliyeed ”
Ciidamada Amisom ayaa markii dagaalada la galeen Xarakada Alshabaab waxay Caado ka dhigteen in goobo ka baxsan Halka lagu dagaalamayo ay madaafiic ku soo Garaacaan taasoo waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasoo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda aan loo meel dayin waxaan Isbitaalada Muqdisho ka buuxa dad waxyeelo ka soo gaarto madaafiicda ay tuurayaan Ciidmada Amisom, sidoo kale Dowladda Faderaalka KMG ayaan ka hadlin Xasuuqaas loo geysanyo Shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo Xildhibaano fara ku tiris ah oo Cambaareeyey Xasuuqa Ciidamada Amisom .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.