Home » Warar »

18 Qof oo Soomaali iyo Yemen ah oo lagu eedeeyey ka ganacsiga Daroogada Qaadka oo lagu Xiray Maraykanka

Magacyada 18 qof oo lagu xiray USA, laguna eedeeyey in ay Maraykanka soo geliyeen Daroogada Caleenta Qaadka ee dalku ku murqaamaan (oo lagu noqdo High) –

Waxaa dalka  Maraykanka lagu xiray 18 qof oo isugu jira Soomaali iyo Yemen oo lagu eedeeyey in ay ka ganacsanayeen, dalka Maraykaankana soo geliyeen Daroogada caleenta ah ee Afrikaanka ee loo yaqaan Qaadka (Khat), waxaana lagu eedeeyey in ay Maraykanka si sharci darro ah u soo geliyeen Qaad miisaankiisa lagu qiyaasay 10,000 oo rodol, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Qareenka Dawladda Dhexe ee Maraykanka.

Dacwadda Dawladda Dhexe ee USA waxaa lagu xusay in Yonis M. Ishak oo deggan magaalada Arlington in lagu eedeeyey in uu ahaa isku xiraha, kaas oo sida lagu eedeeyey waxa uu $1,000 doolar ku bixinayey halkii mar oo magaalada London laga soo qaado laamaha Qaadka, kaas oo ah caleen qofka calashada uu ku murqaamayo (ama sida luqada Ingriiska lagu yiraahdo lagu noqonayo “HIGH”), waa sida ku xusan warbixinta’e.

Warbaahintu waxay xustay in  daroogada Qaadku ay aad ugu badan tahay Bariga Afrika. Dhammaan 18-ka qof ee la xirayna waxay yihiin Soomaali iyo Yemen.

John Torres oo ah sarkaal ka tirsan laanka Socdaalka iyo Custom-ka ee Maraykanka waxa uu sheegay in daroogadaas qaadka lagu qiyaasay $5 million oo doolar.

Waxaana dadkaas lagu xiray gobalada Maryland, New York iyo Ohio.

Magacyada dadka la xiray waxay kala yihiin:

1· Abdulkadir Isse,  oo loo yaqaan “Abdul” iyo “Burane,”  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya  oo deggan Springfield, Va.

2· Suado Mohammed Ali, oo haysata dhalashada Maraykanka, kana timid Soomaaliya   oo deggan Burke, Va.,

3· Hassan Hassan,  oo loo yaqaan “Elay,”  oo si sharci ah ku deggan Maraykanka, kana yimid  Soomaaliya oo deggan Alexandria, Va.

4· Ahmed Hassan,  oo loo yaqaan “Dirir,”  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya   oo deggan Alexandria, Va.

5· Yonas Beyene,  oo loo yaqaan “Yonka,”  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya   oo deggan Alexandria, Va.

6· Ismail Abdi,  oo si sharci ah ku deggan Maraykanka, kana yimid   oo deggan Alexandria, Va.

7· Hibo Samantar,  oo loo yaqaan “Fadumo,”  oo haysata dhalashada Maraykanka, kana timid Soomaaliya   oo deggan Annandale, Va.

8· Osman Yusuf,  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya   oo deggan Clifton, Va. Waxa uu agaasime ka yahay xawaalad, waxaana lagu eedeeyey in lacagta laga iibiyo qaadku uu u gudbinayey shakhsiyaad jooga meel ka baxsan ama dibadda ka ah dalka Maraykanka.

9· Abdirahman Jibril,  oo si sharci ah ku deggan Maraykanka, kana yimid Soomaaliya  oo deggan Fairfax, Va. Waxa uu shaqaale ka yahay xawaalad, waxaana lagu eedeeyey in lacagta laga iibiyo qaadku uu u gudbinayey shakhsiyaad jooga meel ka baxsan dalka Maraykanka.

10· Adbi Muhumed,  oo loo yaqaan “Juba,”  oo si sharci ah ku deggan Maraykanka, kana yimid  Soomaaliya, oo deggan Parkville, Md.

11· Harun Salhan,  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya   oo deggan Wheaton, Md.

12· Lutf Mohamed Albukhaiti,  oo haysta dhalashada Maraykanka,  kana yimid Yemen  oo deggan Brooklyn, N.Y.

13· Nagi Alashmali,  oo haysta dhalashada Maraykanka,  kana yimid Yemen  oo deggan Brooklyn, N.Y.

14· Moheeb Nasser,  oo haysta dhalashada Maraykanka,  kana yimid Yemen  oo deggan Brooklyn, N.Y.

15· Khaled Ahmed Isa,  oo loo yaqaan “Adnan,”  oo haysta dhalashada Maraykanka,  kana yimid Yemen  oo deggan Queens Village, N.Y.

16· Abdi Omar Abdi,  oo si sharci ah ku deggan Maraykanka, kana yimid  oo deggan Columbus, Ohio.

17· Abokor Gurreh,  oo loo yaqaan “Mubarak,” Mohamed Farhan,” and “Farhan M. Mohamed,”  oo haysta dhalashada Maraykanka, kana yimid Soomaaliya   oo deggan Columbus, Ohio.

(Waxaa 18 ku ah Yonis M. Ishak oo kor ku xusan).

Warbixintu waxay sheegtay eedayntu in aysan macnaheedu ahayn in dadkaasi yihiin dembiilayaal ilaa dembi lagu helayona waxaa loo tixgelinayaa in aysan wax dembi ah lahayn (innocent until and unless proven guilty.)

Isha: http://www.myfoxdc.com/Khamiis, May 19, 2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 18 Qof oo Soomaali iyo Yemen ah oo lagu eedeeyey ka ganacsiga Daroogada Qaadka oo lagu Xiray Maraykanka "

  1. Deeq xasan says:

    Waxaa la yaab ah soomaali hadii ay mareykan tagay weli wey jaad daba joogaan