Home » Faallo »

“Ogaada lacagta aad masjidka kala baqeesheen inay kaniisadu qaadaneyso”Q2aad

Assalaamu Alaykum. Maanta iyo maqaalkeena waa qeybtii 2aad maqaalkii hore. Si’aad noola jaanqaadid, fadlan dib uraac qormadii hore.

“Saaxib, meeshan waxweliba waa xaaran”

Shabaabka iyo marmarsiiyada ay Yurub ugu dhoofan “Waa inaan tacabira oo aan reerka uxamaal tago! Qeyrkey qof kama jooga wadanka oo waa kuwaas lacagaha soo diraya! Wixii lahelikaro ‘dal iyo dibad’ ha la’isugu soo keydaro”

Goortaas ayuu odayga reerka kuxilo furaa, habartana habaar lasoo fariisataa haddii aan wiilka loo yeelin sida uu doonayo. Talow mala’isweydiyey xamaalka uu wiilka doonaya iyo sida uu kusoo celinayo lacagta faraha badan ee kubaxayso.

Waxaan safka hore ee masjidka kula kulmey nin aan saaxibo ku aheyn East Africa, oo ahaa nin-karmeed xamaasha oo ‘tusaale’  u ahaa shabaabka. Wareysi dheer kadib, waxaan kacodsaday bal inuu ii soo kooba xaalada shaqo ee wadanka  iyo waxa uu gacanta kuhayo!  “Saaxib, wax laga shaqeeyo majiraan oo waan iska fadhinaa, wax weliba oo aad istirahdid kashaqee diintu ka hor imaanayaa, gaar ahaan salaadaha ee adiga meeshiina meel aan usoo guurno maleedahey?“, Caafimaad ahaan, aad ayuu ugu liitaa markii uu Africa joogey oo ay noolashu aheyd marqad, marna quudo. Wajigiisa waxaa kamuuqata walaac iyo daal farabadan.  “Waxaan maqlay xamaal fiican oo aan salaada ka hor imaanayn sida Taksiga” , laakinse wuxu ii sheegey inay jirto  fatwo  laweydiyey culimada oo ay yirahdeen lagama shaqeyn karo taksiga.  Mar aan weydiyey sida uu biilka caruurta ku helo wuxuu ii sheegey in kuwa ceyrta bixiya ay waxyar usoo tuuraan

“Ma Diinta Islaamka qabta inaan inan la shaqeysan?”

Waxaan nasiib uyeeshey inaan ka qeybgalo muxaadaro diini ah oo ay soo qabanqaabisey hay’ad caawisa dadka qaxootiga ee aan shaqeyn oo ay Soomaalidu utaqaan Ceyrta.

Sida meesha laga soo jeediyey ,waxaa madaxa isla galey hay’adan iyo dadkan kadib markii ay dhowr jeer usoo bandhigtey shaqooyin kala duwan laakinse ay cudurdaarteen arimo xaga diinta awgeed.

Dhamaan dadka muxaadarada loogu yeerey waxay ahaayeen Soomaali ubadan dumar  marka laga reebo gabar  Etoobiyaanad muslimad ah.Waxaa loo doortey inuu muxaadarada jeediyo  imam asalkiisu Irani yahay.  Waa Su’aal la’isweydinkaro waxa loogu yeerey imaamkan ayadoo lahelikaro imam Soomaaliyeed maadama dadka ubadanyihiin Soomaali!

Baaritaan dheer kadib hay’ada waxey soo aruurisay ‘asbaabaha’ ay dadkan marmarsiiyada kadhigtaan ayadoo kusoo koobtey arimo laxariira Salaadaha, xijaabka, isdhexgalka raga iyo dumarka iyo in laga shaqeeyo meelaha lagu iibiyo waxyaabha diinta xaaraamta ku ah sida khamriga.

Mid kamid ah qabanqaabiyaasha muxaadarada ayaa ii sheegtey in dadkan ay marmarsiiyo kadhiganayaan diinta  “laakinse waxaan ognahey inaay sameeyaan waxyaabo diinta iyo dhaqan kuqaldan. Aniga waxaan joogi jirey Mombasa iyo Lamu oo dhaqanka islaamka waan aqaan”

Arimihii ay dadkan ka cabanayaan ayaa lahordhigey imaamka oo lagu yiri: Diinta maxaay kaqabtaa in lashaqeysto?, “Diinta islaamka aad ayey dadka ugu dhiiri galisaa inaay shaqeystaan oo ay cunaan waxa ay gacantooda kushaqeysteen. Diin ahaan, lama ogala inuu qofku cidkale wax weydiisto haddii uu awoodo xamaal” , “Hadaba haddii ay sidaas tahey, waxaan kaa codsanaynaa inaad lahadashid dadkan kasoo taagan  shaqada ”

Waxa la’isugu yimid muxaadaro socotey dhowr saacadood. Imaamkana, wuxuu aad udhiiri galiyey in lashaqeesto oo ‘diin ahaan’  xaaraam tahay in gacanta loo hoorsado, gaar ahaan dad aan diin ahaan kala duwan oo hadana kuleh shaqeyso!

Gabar wadaad ah ayaa dhowr jeer imaamka oo hadlaya soo dhexgalisa su’aalo ayadoo soo daliishatey fataawo ay culumo hore. “Walaalyaal  joogitaankeena wadankan ‘asal ahaan’ waa xaaraam haddii aan lagu xanbaareyn qaacidada sharciga ee  aheyd: الضرورة تبيح المحظورات,daruuradu waxay kuu banayneysaa wax asal ahaan xaaraam aha ilaa iyo inta laga baxayo! Hadaba aan isweydine, madaruuro ahaanbaan kujoognaa mise dal xiis? Qofkii ay dantu kuqasbeyn waa inuu isaga hijroodaa oo kulaabtaa wadankiisa iyo meel uu diintiisa sida uu doona ugu dhaqmi karo. Fataawada culimada waan ixtiraamaya laakinse culumadu waa inay lasocdaan duruufta ‘gaarka’ ee aan kunool nahay. Waa kuma sheekh idin baneynaya in gaalada gacanta uhoorsano?”

Muxaadaradii aheyd in ladhagaysto imaamka( sax ama qalad) waxay isu badashey dood. Dumarkii waxey ufahmeen inuu ninkaan yahay Shiici isqarinaya. “Ma Shiici baad tahay mise Suni?” , “Waxaan ahey suni, wadankeyga waxaan kasoo cararey, waxaa laygu eedeeyey inaan xanbaarsanahey afkaar xag jirta,waxaa laygu xukumay 15 sano”. Haseyeeshee dumarkii kuma qancin inuu Suni yahay. Marka ay arintu cirka isku shareertaba, waxaa soo kale dhexgalo gaalada oo halkaan qoreysa nuqdadii uu sheekha kahadlaba. Mar aan damcey inaan kubaraarujiyo inaan gaalada horteeda lamuujin khilaaf iyo kala qeybsanaan ‘xitaa haddii uu yahay Shiico’ waxaa lafteyda leygu tuhmey inaan ahey  Soomaali  Shiici.

Ugu danbeyntii markii ay muxaadarada dhamaatey, waxaa istaagey nin uhadlaayey hay’ada isagoo leh: Laga bilaabo maanta waxaan isku raacney inaan xijaab, salaad iyo xaaraam iyo xalaal midna aan marmarsiiyo idin noqondoonin oo mowqifka diinta sida uu imaamka inoo sheegey waa cadyahay.Waxaan isku raacney in qof weliba shaqada usoo horeysa ee loohelo kashaqeeyo!

Macbuus suuqa ka adeeganayo sidii qof caadi ah

Waxyaabihii iigu yaabka badnaa, wiil Soomaaliyeed oo laygu yiri mudo dhowr sano  waa macbuus oo aan kula kulaney suuqa dhexdiisa isagoo adeeganayo. Saaxibkey oo ay wiilkan horey isuyaqaaneen ayaa ii sheegey inay isla ahaayeen jireen ‘ciyaal xaafad’ ,Mugadishu.  Mar aan weydiyey, sida nin xiran usoo baxaya ayadoon police lasocon, iyo waxa lagu xirey marka horaba, wuxuu iisheegey inaay policeka lasocdaan oo  lugta qalab kaga xireen sheegaya meesha uu marayo!  Sababta lagu xirey waxaa dacwaysay xaaskiisa kadib markii uu kuqaaday dagaal nafteeda iyo caruurta khatar galiyey. Waxaa lagu dhuftey irbad dajisa si’aanu cidkale uweerarin.Yaa Allah, reer baa soo dirsadey inuu usoo xamaalo oo gacan kasiiyo duruufta adag ee maanta lamarayo!

“Gaal dooran meyno?”

Dalka waxaa kadhacdey doorasha aad ukulul oo xisbiyada cunsuriyiinta ee diidan joogitaanka dadka ajnabiga iyo muslimiinta- ay qarka usaarnaayeen inay soo baxaan. Jaaliyadaha kale, masaajidyadooda waxaa kasocota baraarujin xoog leh oo dadka loogu digayo kadhibaatada ka imaankarto haddii ay qolooyinkan soo baxaan. Waxaa la’iisheegey in dad badan oo Soomaaliyeed ay xaq uleeyihiin inaay codeeyaan, hase ahaatee aysan dooneyn oo kumashquulsanyihiin ‘doorahada kooxaha’ Somalida oo markaas ka socotey Djabouti. Mar aan odayaasha qaarkood weydiyey  sababta aan jaaliyada loogu baraarujin doorashada wadanka kasocota, waxaay iisheegeen in dadka horey looga dhaadhiciyey inay xaaraamtahay in laga qeybgalo doorashada wadamada gaalada! ” Gaal maxaa igu wato oo aan udooran, hadhow sow lama wadaagayo dangiga?” Waxayse dadkan war uhaynin, in had iyo jeer codkooda tirsanyahay ‘yes/no’ oo  labada santuuq mid in un raacayo!

Xijaabka oo noqday ‘shicaar’ Soomaaliyeed

Magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda waxaa dagan muslimiin aad ubadan. Soomaalida,tiro iyo tayo ahaanba waxaa kabadan Pakistanta iyo Marookanka oo ayagu kuyimid wadanka hab kaduwan. Dumarka Soomaaliyeed iyo xijaabkooda  awgood ayaa la’aaminsanyahay in Soomaalidu ugu badantahay muslimiinta. Wixii xijaab qabo waa Soomaali, jiiro kastana waa kaga soo baxayaan! Sidaas awgeed, gaalada intooda badan waxay uheystaan in xijaabku yahay calaamad gaar u ah Soomaalida!

Dhankale, dumarka guud ahaan aad ayey ugu firfircoonyihiin raga inkastoo lagu eedeeyo burburka reera badan ilaa iyo intii meesha lasoo galey, kadib markii ay  kala horyimaadeen odayaashii meesha keeney ‘amar diido’ , taas oo ay kadanbaysay markii ay yaraatay waxtarkii odayaasha iyo biilkii lagu ixtiraami jirey. Qaar badan oo dumarkan kamid ah waxay kujiraan ganacsi, qaarkalana waxey xooga saareen waxbarashada oo waxaad arkaysa hooyo iyo caruurteed dugsiga sare wada dhigta, meesha ay odayaasha ka sheekeynayaan ‘fadhi kudirirka’

Haddii ay kula adagtahay in Yurub lagalo waxaa ka adag sida looga soo guuro! Xaalada dadka wuxuu udhaxeeyaa geedi iyo nagaasho walow ay dad badan kusoo qulqulayaan. Indhaha kama qaadeysid qof doonaya inay tii Rabbi ugu timaado halkan! Haddii aad reer baadiya ahaan jirteyna, waad fahmaysa rafaadka uu kusugunyahay reer aan geedi iyo nagaad midna aheyn! Cilada ugu weyn ee ay doonayaan inaay meesha ugu guuraan waa caruurta iyo akhlaaqda diinta. Dadku waxaay habeen iyo maalin raadinayaan meeshii ay ugu guuri lahaayeen laakinse fursadaha meesha loo guuri karo ma badno maadama aan dalkii hooyo daganeyn!

Kuwa badan oo isku dayey inaay kala soo cararaan caruurta way kufashilmeen asbaabo badan awgood.Haddii geediga lagu yimid Yurub uu go’aankeedu lahaa odayga reerka, maanta iyo in laga guuro waa inaay qolooyin badan ansixiyaan, odayga reerkana waa qofka ugu danbeeyo ee go’aankaas saxiixa!

Geedigan caruurta lagu bad-baadinayo, waa mid qarsoodi ah oo dowlada iyo caruurta midna ogeyn taas oo ah wax aan sahlaneyn; hooyada caruurta waa inay raali katahay  in caruurta kuhayso Africa ama Carabaha ayadoo loo balanqaada arimo badan!

Dhankale, geedigaan dhaqaale ahaan waa qaali oo waxaa kubaxayo kharash aad ufara badan waayo waxaa dhacdaa inuu reerka uguuro dhowr wadan ayadoo laxeerinaayo arimo badan.

Nin kamid ah raga ku soo gubtey geediyada noocaan ah ayaa yiri isagoo usheekeynaya saaxibadiis: Waxaan ilaa iyo iminka caruurta urarey wadamada Masar, Syria, Kenya, Somalia iyo Yemen! Sida hadalkiisa kamuuqateyna weli wuxuu raadinayaa wadan kale oo ugusii rarilahaa!

Maxaa lagu yaqaan masjid Soomaaliyeed?

Waxaa tilmaan laygu siiyey in masjidka jaaliyada kuyeelo magaalada hoose ilaa 25 daqiiqo oo trainka lasii raacayo. Waxaan soo istaagay goobtii, bidix iyo midig haddii aan eegey masjid iyo minaarat midna meesha kama muuqdaan. “Malaha meel qaldan ayaad trainka kaga degtey!”,  hadana waxaa igu soo dhacdey in masaajidyada Yurub badana aysan laheen minaarado lagu garto.

Goor aan isleeyahey ma iska noqotaa ayaan arkey dad aan ugartey inaay carab ahaayeen oo sii galaya guri dheer oo udhisan sida Kaniisada. Salaan kadib waxaan weydiyey masjidka, ” Waa halkan ee nakeen”

Cajiib, masjidkan ma’ahan masjid Soomaaliyeed! Waa marka 1aad, imaamku Somali ma’ahan! Waa marka 2aad, dadka safka hore kujira oo dhan qof Somali ah kuma jiro! Kadaro dibi dhal, waa wada odayaal ubadan gar xiirayaal. Qur’aanka, qof weliba hoos ayuu u akhrinaya! Imaamka, marka uu soo galayo iyo marka uu baxayo intaba waa lala socdaa oo waxaad mooda in cadow laga waardiyeynayo. Al-baabka,waxaa taagan dhalanyar ku leh: Fadlan, kabaha halkan waxaa loogu talogaley dadka waayeelka ah ee adiga kor soo dhigo! Salaada haddii lagaa horgalo masjidka hoosta ayaa laga xiraya oo waa inaad gambaleylka garaacda dhowr jeer.

Waxayse Soomaalida kaga egyihiin, Salaada maqrib kadib waxaa loo fariistey subac  waxyar kaduwan kii Soomaalida ee qof weliba mar lagu xujeyn jirey inuu Aayada dareeriyo! Habkan, waa lawada akhrinaya laakinse sikale ayaad qalad kugalaysaa hadddii aadan horey ula socon!

Masjidka hortiisa ayaan afka udhaweeyey nin meesha taagnaa anigoo weydinaya masjidka Soomaalida, wuxuuna farta iigu fiiqey dhisma aad uweyn oo wadada kusii jeeda. Horey iyo gadaal haddii aan kala wareegay dhismihii , masjid iima muuqdo! Goor aan yaabanahay, ayaan arkey wiil Soomaaliyeed oo magaciisa iigu sheegey Abdullaahi, kadibna wuxuu isoo hor istaajiyey  albaab yar- meel god ah, dhismihii weynaa hoostiisa ah. “Abdullaahi, yaa iskaleh masjidka weyn ee gadaasha dambe kuyeela?”, wuxuu iisheegey inaay jaaliyada Morooka leedahay oo ay dowladooda u iibisey. “Xitaa masjidkeena wuxuu kutusinaya inaan nahahey dal la’aan iyo dowlad la’aan!”

Qisadii maqaalka.

Waxaa  lagabaxay Salaadii Casir. Wiil yar oo  kamid ah maamulka masjidka ayaa la’istaagey ogeysiiskan: Beri galab haddii Allah idmo waxaa la’idin soo bandhigaya war bixin kusaabsan wax-qabadka gudiga sanadkii hore ladoortey ee kasoo qeybgal wacan.

‘Ogeysiiskaas’ yar kadib, waxaa masjidka isqabsadey guux iyo in koox koox la’isugu jeedsado. Xaaladu waxay umuuqata mid aan caadi aheyn! “Gudi ladoortey oo warbixin soo gudbinaya waa dhaqan wanaagsan oo aan Soomaalida looga baran  laakinse muxuu yahey waxa ay dadka ihtimaamka sidaan usiinayaan? Gudigaan laftiisa maxaay soo bandhigi doonaan maadaama aan masjidkan wax adeeg ah kamuuqan, kii cusbaana ladhisin?”

Nin aanu saaxibo aheyn oo inta badan ii fasira dhaqamo badan oo aan fahmi waayo ayaan weydiyey, wuxuuna ii sheegey in sanadkii lasoo dhaafe  ladoortey gudi cusub kadib markii uu masjidka kabixi waayey isqab-qabsi iyo qalalaaso joogta ah!  “Waa lagu kala qeybsamey oo dad badan ayaa lasaftey gudigii hore oo masjidka markaas ayaa ugu danbaysay, ayagoo weliba kala laabtay kalsoonidii iyo xubin-nimadii! Waa arin  isugu qasan siyaasad iyo qabiil.” Ayuu hadalkiisa kusoo gabo-gabeeyey

Waxaa lagaarey saacadii labalamay, masjidkii yare meel cag ladhigo malahan. Dad aan imin jirin salaadaha caadiga oo meelo fog-fog dagana waa yimaadeen. Neefta dadka iyo qiiqa maqaayada ayaa is qabsadey oo kuleel yar oo aan ka dugsano qabowga faraha badan ayaa yimid.

Nin aan kuqiyaasay inuu 50kii waxyar kor udhaafey ayaa microphoneka lawareegey. Waxay aheyd in la isticmaalo projector si qof waliba meeshiisa ugu arko warbixin lagu soo diyaariyey ‘power point presentation’ hase yeeshee screenka ayaa shaqeyn waayey. Maadama aan jirin cid takhasus uleh qalabkan, qof waliba dhiciisa ayuu ka jug-jugeeyey bal inuu shaqeeyo. Aniga lafteyda marbaan ku fikirey inaan iska dhigo khabiir computerka!

“Walaalyaal aniga waxaan matalaya gudiga loo xil saarey dhismaha masjidka cusub oo inta mudaba lasugaayey”. Wuxuu kasoo sheekeeyey taariikhda dhulka ladoonaya in masjidka laga dhiso. Dib udhac arintaan wuxuu cilad kaga dhigey lacagta faraha badan ee loo baahanyahay.

Ninkan oo umuuqday qof Somalia xilal kasoo qabtay, wuxu soo bandhigey nidaam cusub oo aan horey Somalida loogu aqoon oo masjidka lacag loogu aruurinayo. Nidaamkan, dhulka masjidka ayaa loo qeybiyey mitir-mitir, kadibna dadka ayaa loo soo bandhigay inaay maalgashadaan waqfi ahaan, naftooda iyo waalidiintood! Qofka waxaa fursad loo siiyey inuu halmar bixiyo iyo inuu bil-bil ubixiyo ilaa iyo inta uu masjidka kadhamaanayo.

Sida uu sheegey, dadka ugu badan ee mashruucaan ‘waqfiga’ ka faa’ideestey  waxay noqdeen dumarka.  “Qaarkood dahabkooda iyo dollar waxay hayeen ayey halmar dhigeen oo ay boos ugu iibiyeen waalidiintood, kadibna ‘naftooda’ ayey ucarboonteen mitirkooda si’ay ubixiyaan bil-bil.”

Dhankale, wuxuu mas’uulkan sheegey in dadka qaarkood lacag ay bixiyaan iska dhaafe ay masjidka kala laabteen xubin-nimadoodii, taas oo masjidka wax utarilaheyd  dhaqaale ahaan. Dowlada Norway ayaa  kutaageerta masjidka lacag yar sanadkii maadama ay u aqoonsantahay meel cultural ahaan laakinse waxaay kuxirantahay inta qof ee xubin ka ah.  “Ugu yaraan 3000 oo qof oo sanadkii hore noo qorneed ayaa sanadkaan lacagtooda naloo diidey! Markii  aan weydiinay sida ay wax udhaceena, waxaa naloosheegey inaay dadkan xubin-nimadoodii kala laabteen masjidkan oo lacagtooda kaniisada qaadanayso. Hadaba ogaada lacagta aad masjidka kala baqeesheen inaay kaniisadu qaadanayso”

Waa ‘yaab iyo amakaak’ inaay umadu sidaan ukala jajabto ilaa masjidkii dhismihiisii lagu kala tagey! Waxay kamid tahay  akhlaaq xumada aan kabaranay dagaalkii Sokeeye iyo khilaafka dabo dheeraadey ee aan kujirney21 sano. Talow, maxaa xigidoona masjidka kadib.

Waad mahadsantihiin, Soomaali ha israacdo, Rabigeedna ha utowbadkeento.

Qaybtii Hore: Ka Akhri https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

 

Adam Abuzuhri Al-Hasani

abuzuhri1 @ gmail . com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.