Home » Warar »

Todobaadka Iyo Jabuuti: Khudbadii Geelle iyo Shirjaraa’id ee Safiirka DFKMG

Horaantii todobaadkii aynu ka soo gudubney, dalka Jabuuti waxaa  ka dhacay  Xaflad caleemo saar iyo dhaar isugu jirta, waxaa sidoo kale ka dhacay magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo dhismaha xukuumadda cusub ee dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar seddaxaad u magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jabuuti, Md. Dileyta Maxamed Dileyta 11/05/2011. kadib magacaabista Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jabuuti, 12/05/2011 ayaa waxaa lagu dhawaaqay dhismaha golaha wasiiradda cusub ee dalka jabuuti oo ka kooban 16 wasiir iyo 7 wasiiru dowlayaal ah, kuwaasoo  ugu yaraan  ay ahaayeen 6-xubnood wasiiro hore.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Xaflad loogu caleemo saarayo markii seddaxaad xilka madaxtinimadda dalka Jabuuti  shanta sanno ee soo socota, islamarkaana lagu dhaarinayo, ayaa lagu qabtey hoolka shirarka ee Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti 08/05/2011.

Munaasabadan caleemo saarka ayaa kulmisey madax ka socotey Urur Goboleedka IGAD iyo wafdi heer wasiir oo ay ka socdeen dalalka saaxiibka la ah dalka jabuuti, sida dalalka Faransiiska, Shiinaha, Mareykanka, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Itoobiya, Kiiniya, Ruwanda iyo Burundi. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wufuud ka socota, midowga Afrika,  Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka isutaga Islaamka.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa inta badan  Golayaasha Dowladda Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo marey  hab cusub oo ka duwan hababkii hore ee madaxweynayaasha  Afrika iyo kuwa kale ee caalamka lagu dhaariyo ayaa dhaartiisa waxa ay u dhacdey si fudud.

Khudbad dheer oo ku baxaysa luqadda Faransiiska, islamarkaana taabaneysa dhinacyo kala duwan ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka jeediyey halkaasi,  waxaa uuna ku dheeraadey colaada raagtey ee ka taagan dalka Soomaaliya, isagoo ku celiyey sidii caadadda u ahayd in uusan marna ka haridoonin arrinta soomaaliya heer kasta oo ay gaarto.

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Madaxweyne Geelle

Dhinaca kale, waxaa xaflada caleemo saarka, ayaa waxaa ka soo qayb-galey musharixii kale ee xilka kula tartamey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo ahaa Avv. Maxamed Warsame Raage, taaasoo muujineysa sida uu ugu qanacsan yahay doorashadan ka dhacdey dalka Jabuuti 08/04/2011.

Shir Jaraa’id: Denjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Amb. Guulwade

Shirka jaraa’id kadaawo hoos:

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somlitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.