Home » Faallo »

Maandooriyaha Qaadka iyo mushkiladihiisa – Qaybta koowaad

Qore:
Axmed shiil Muxumed
ahmedshil@yahoo.com
Borlänge, Sweden

Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaahi

Gogoldhig:

Maamulka magaalada Borlänge ee Iswiidhan ayaa soo bandhigay sanadkii hore qorshe lagu doonayey in loogu kuurgalo baaxadda iyo dhibaatada uu maandooriyaha Qaadku kuhayo bulshada soomaaliga ah ee kunool magaaladan. Waxaa markaa lalasoo xidhiidhay Ururka Umis (Ururka Midnimada iyo Isbahaysiga Soomaaliyeed) oo ah urur goor aan dheerayn laga aasaasay magaaladan Borlänge, ahna urur daneeya horumarka bulshada soomaaliyeed kunool magaaladan.

Mashruuca u kuurgalidda ee ay magaaladdu soo bandhigtay wuxuu u qorraa sidan;

1- Ukuurgalidda maandooriyaha Qaadka baaxaddiisa iyo dhibaatada uu ku hayo bulshada soomaaliyeed ee Borlänge, xag caafimaad, xag dhaqaale iyo xag bulshaba.

2- Sidee ugu habboon ee loola tacaali karaa dadka la silicsan isticmaalka maandooriyahan loogana dhaadhicin karaa inay daryeel raadsadaan?

3- Sidee looga hortagi karaa inayna dad kale oo hor leh ayna kusumoobin suntan cagaaran?

Ururka Umis waa uu kajawaabay arrintaa soona dhaweeyey hawshaas magacaabayna guddi farsamo oo loogu magacdaray Guddiga khubarada talobixinta (expert group). Guddigan marka waajibaadkoodu wuxuu ahaa inay si fiican uga talo siiyaan saraakiisha hawshan waddo u kuurgalidda dhibaatada maandooriyahan iyo sida ugu habboon ee loo heli karo macluumaadkaas la baadi goobayo.

Waxyaabaha markaa ay guddigu sammeeyeen waxaa kamid ahaa xuuraansi iyo raadin macluumaadka loo baahanyahay, waraysi iyo wadatashi ay la sammeeyeen qaybo kamida bulshada magaaladan kunool, sidoo kale baadhis iyo aruurin wixii hore looga ogaaday ama looga qoray maandooriyaha Qaadka. Iyadoo lahelay macluumaad aad uballaadhan oo kusaabsan maandooriyahan ayay haddana guddigu aad ula dhaceen maanso uu katiriyey Allaha unaxariistee Abwaan Abshir Nuur Bacadle Maandooriyahan.

Waxa ay guddigu illoobi waayeen aadna ula dhaceen aqoonta qotoda dheer ee uu Abwaanku ulahaa maandooriyahan, iyadood mooddo inuu si qotodheer ugu kuurgalay bahalka, wakhti dheer iyo maskax badanna galiyey fahamka dhibaatada uu maandooriyahan ku keeno bulshada. Markii maansadiisa ladhuuxay waxaa soo baxday inuu xusay dhibaatooyinka maandooriyaha oo dhammaystiran, isagoo xusay dhibaatada caafimaad, midda dhaqaale, midda bulsho iyo midda qoys ee uu sababo isticmaalka maandooriyahan dhibka badan. Waxaa wax walba kasii darraa inuu Abwaanka si cajiiba uxusay dhawaaca jirka iyo midka nafta/maskaxda ee uu maandooriyuhu sababo.

Waxaan markaa isbarbardhigi waxa saynisku uu ka ogaaday maandooriyahan iyo maansada Abwaanka anoo soo hormarin midda sayniska.

Maandooriyaha Qaadka:

Boqolaal sano ayuu geedka Qaadku (Catha edulis) wuxuu soo ahaa maandooriye caan ah oo laga yaqaanno agagaaraha Geeska Afrika iyo Jaziiradda Carabta. Geedkaas oo kukala duwan dherer iyo baaxad ahaan markuu iskii ubaxo oo aan labeerin, wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan geed yar oon laammo badan lahayn ama geed yara ballaadha oo laamo fara badan leh. Maadooyinka wax dooriya ee ku jira qaadka waxaa loo yaqaanaa Katin iyo Katinon, (labadoodaba waa maandooriye maskaxda dadka wax yeela).

Maandooriyaha Qaadku waxaa jiro dalal uusan mamnuuc ka ahayn, laakiin dalkan Iswiidhan iyo dalal badan oo kale waa ka mamnuuc, waxaana lugu daray oo labarbar dhigay maandooriyayaasha kale ee aadka loola dagaallammo.

Waxaa sidoo kale jirta maandooriye kale oo (gacan ku samays ah) ’Metkatinon’ oo isagu sun ahaan ama maandooriye ahaan la mida Katinon balse aan ku jirin Qaadka.

Qaabka loo isticmaalo maandooriyaha Qaadka:

Waddamada sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen waxay leeyihiin dhaqan bulshadeed soo jireen ah oo kusaabsan in la qayilo ama la cuno maandooriyaha Qaadka si wadajir ah. Inta badan waxaa loo qayilaa koox koox, weliba ayadoo lugu bixiyo mararka qaar wakhtiyo aad u fara badan.

Caleenta iyo laanta Qaadka qeybteeda cardunka ah ama jilicsan ayaa la ruugaa, kadibna cantufaaga ama qashinka soo hadha marka dhacaanka laga muudsado ayaa in muddo ah lagu hayaa daanka/canka, candhuufta ama dheecaankana waa la liqaa. Qiyaasta cabirka Qaadka marka lakala iibsanayo ee loo yaqaan marduuf waa 200 -400 oo gram. Qaad cunistu waa dhaqan ku cusub Yurub wuxuuna lasoo galay qowmiyadaha qaar sideetameeyadii.

Saamaynta miyirka/dhimirka ee maandooriyaha Qaadka:

Qaadku wuxuu guud ahaan leeyahay sakhraamid maanka doorinayso sidoo kalena saamaynaysa oo kicineyso dareenka qofka, Muddada ay jirayso saamayntaa ama sakhraankaa Qaadkana waxay ku xirantahay dherarka muddada uu qofku qayilayey ama ruugayey maandooriyaha. Maadooyinka Katin iyo Katinon waxay leeyihihiin saamayn marqaannimo ah oo u dhiganta saameynta uu leeyahay maandooriyaha Amfetamin ka (Maaddo sun ah oo sameeynaysa maanka ama xiska/caqliga qofka).

Qofku markuu cuno maandooriyaha Qaadka wuxuu bilaabaa hadal badan, farxad, firfircooni dheeraad ah, wuuna oommaa ama harraadaa, isla markaana ay weynaataa isha barteeda madow ee dhaxda ku taallo (pupill) taas oo calaamad u ah inuu qofku sakhraammay ama maandoorsoommay. Waxaa iyana inta badan dhacdo inay qofku indhaha guduutaan.

Waqti yar kadib waxa uu qofku dareemmaa daal, si fududna wuu u caroodaa iyo in uu dareemmo tabar yari xaddhaaf ah iyo diif. Waxaa iyana dhacda in uu qofku noqon karo mid rabsho badan iyo mid jahawareersan. Waxaa kaloo dhacda inuu qofku noqdo mid walbahaarsan, niyadjabna dareemma, sidoo kale hurda la’aan iyo inay tabartiisa shahwada/raganimadu hoos udhacdo ama uuba waayo awooddii xubinta taranka. Cunista xad dhaafka ah ee Qaadku waxay keentaa inuu qofku khalkhal iyo xaalad iska hor imaad ah dhaxgalo iyo xaalad dhalanteed oo aan xaqiiq ahayn (Durri) iyo waliba inuu waalan karo.

Ku xidhnaanshaha ama ku dhagidda maandooriyaha Qaadka:

Qaadka, Katin, Katinon iyo maadadda gacanta lugu sammeeyo ee Metkatinon, intuba waa maandooriye haddii la isticmaalo ay adagtahay in laga haro ama laga go’o oo uu qofku iskii isaga dhaafi karo, laakiinse waxa kala duwan heerarka ku xidhnaanta maandooriyayaashaas, Qaadka qofka cuna waa inuu muddo si joogto ah u cuno si uu qofku u noqdo mid aan ka maarmin maandooriyahaas, Katin iyo Katinon-ku labaduba waxay xagga saamaynta la mid yihiin ama u egyihiin amfetamin ka. Halka maandooriyaha ugu daran uu yahay Metkatinon oo iyadu leh saammaynta ku xidhnaanshaha maandooriyayaasha halista ah sida Crack oo kale (crack waa maandooriye halis ah oo qofka isticmaala ku dili kali wakhti yar).

Dhibaatooyinka bulsho ee maandooriyaha Qaadka:

Isticmaalka maandooriyaha qaadka waxay dhaawacyo badan ku keentaa qofka, sida iyadoo hoos udhigto qofka awoodda uu u leeyahay inuu shaqaysto, ama waxbarto, ama yeesho rabitaan qofeed ( macnhaha inuu wax damco kadibna hirgaliyo), sumcaddiisa bulshada dhexdeeda uu ku leeyahay aadbay hoos ugu dhacdaa, sidoo kale kalsoonida dadka kale ay u hayaan qofkaas ayaa iyana lunta. Qofka Qaadka isticmaala horumar masammayn karo inta badanna wuxuuna ku noolaadaa nolol aad u liidato. Qofkii isticmaala maandooriyaha qaadka wuxuu noqonayaa mid caajis badan, mid aragti gaaban, mid areeb ah ama dayacan oo kala yaallo, si fududna u caroonaya oo aad ugu liito xidhiidhinta dadka uu xidhiidhka kadhaxeeyo.

Qofka isticmaala maandooriyahan ma daneyn karo howlihiisa shakhsiyadeed, wuxuuna dayacaa xirfaddiisa asagoo noqonayo karti laawe iyo weliba mid aan daneyn ama xiiseyn waajibaadka saaran ee laga sugayo shakhsi ahaan.Way adagtahay markaa qofka isticmaala maandooriyahan inuu shaqadiisa ama hawshii uu qaban jirey sii wato oo way kadayacantaa wuxuuna kusoo baxaa mehrad laawe aan meelna haysan marka danbena u go’a maandooriyaha oo qudha uuna sidaas qayrkii uga hadho.

Dhibaatooyinka qoyska ee uu maandooriyaha Qaadku sababo:

Mar walba oo uu qofku maandooriyaha Qaadka iibsado, waxaa yaraanaya masruufka u haraya qoyska. Arrintani waxay sababeysaa in xaaladda nolol iyo midda caafimaad ee qoysku ay xummaato. Dadka isticmaala maandooriyaha Qaadka guud ahaan way ka dhaqaale yaryihiin dadka intooda, wayna ka faqiirsan/saboolsan yihiin, iyadoo ay sidaa tahay ayey haddana wixii yaraa ee uu haystay uu sii galiyaa maandooriye aan luggooye mooyee wax kale u keenayn. Waxay saamayn ku yeelanaysaa caruurta waxbarashadooda, qiimeytooda waxbarashada iyo dhaqankooda wanaagsan.

Waalidka muqayilka ah ma barbaarin karo ilmaha uu dhalay umana uu noqon karo tusaale wanaagsan. Qofka muqayilka ah ee qoyska leh wuxuu maandooriyaha Qaadku u horseedaa furiin ama in uu burbura xiriirka qoyska kala dhaxeeyo. Muqayiliintu waxa ey inta badan waayaan ama ka maqanyihiin korinta, daryeelka iyo edbinta caruurtooda.

Marka uu qofka ku dhaco xaalad uu isticmaalo maandooriyahan kadibna uu waayo lacagtii uu ku iibsan lahaa, wuxuu galaa xaalad quusasho raja beel ah, wadda kasta ayuuna u marayaa sidii uu u heli lahaa lacagta uu u baahanyahay. Maandooriyuhu wuxuu qofka la coleysiiyaa la dhaqanka bulshada inteeda kale oo ay ku jiraan qoyskiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa.

Waxaa macruuf ah in dadka maandooriyaha Qaadka muddo isticmaalo ay marka danbe guri/hoy la’aan kusoo dhacaan, maadaamma ay tabartooda, dhaqaalahooda iyo kartidoodaba u leexiyaan xagga maandooriyaha Qaadka.

Dhaawacyada uu Maandooriyaha Qaadku keeno:
• Gaas ama nabarada caloosha ku dhaca.
• Calool istaag ama caloosha oo qofka adkaata.
• Dhaawac xagga ilkaha iyo cirridka ah (ilkaha iyo cirridka ayuu burburiyaa).
• Beerka oo jirrada ama dhaawcyo ayaa soo gaadha.
• Qofka oo caatoobo.
• Qofka oo u nuglaado cudurrada kudhaco sanbabada iyo dhuunta.
• Ragganimada ama shahwada oo hoos udhacda.
• Xubinta taranka ee ninka oo hawlgab noqoto.

Isticmaalka maandooriyaha Qaadku wuxuu kaloo sababi karaa:
• Wadno garaac siyaado ah
• Naxdin, barax, qarracan iyo welwel degdega oo isla socdo oo halmar qofka kuhabsada
• Waalli ama qofkoo isku dhax yaaco, garashadana ay katagto
• Kala daadasho xagga maskaxda ah ama iskudhaxyaac
Isticmaalka maandooriyaha Metkatinom iyo Qaadkaba wuxuu sababaa:
• Waxay burburisaa xuubabka sanka gudihiisa kuyaallo.
• Waxay dhaawacdaa ama googoysaa hilibka gudaha afka, dhuunta, xiidmaha iyo mindhicirka.
• Waxay sababtaa caatonimo xaddhaafa.
• Waxay kuyaraysaa jirka biyaha oo way angejisaa.
• Waxay sababtaa xanuunno kudhaco maqaarka.
• Waxay keentaa cudurrada dhimirka kudhaco sida; qofkoo ay u muuqdaan wax khayaali ah oon jirin.
• Waxay keentaa murugo badan oo qofka ka tan badiso.
• Waxay kalooy sababtaa cudur u eg cudurka lalleemada (gariir uu qofku iska giriiro)

Hoos ka akhri marka wuxuu Abwaan Abshir Nuur Bacadle kayidhi maandooriyahan
Qaadoow adigaa leh

Wuxuuna yidhi Abwaanku sidan:

Qorya raamso, quudkana yaree, qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo, wada qabya ah, qaadow adigaa leh
Qoys dumaya, qayliyo huruuf, qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan, qoora aan waxtarin, qaadow adigaa leh
Qardareeye, kaadidu qul quli, qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha, nadarkoo qayiran, qaadow adigaa leh

Qalbi guban, sigaar lagu qanciyo, qaadow adigaa leh
Macdan qubata, hawshoon laqaban, qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah, soojeed qam qama, qaadow adigaa leh

Iska qaado, qaantana ha bixin, qaadow adigaa leh
Qayil oo cun, reerkiina qadi, qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun, qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon, qaadow adigaa leh
Qalbi olol, mar qabo oo qaniin, qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin, qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad, hana qajilin, qaadow adigaa leh
Iska qari, cidbaa kugu qabsane, qaadow adigaa leh
Qabri ka hor, qandha aan laga biskoon, qaadow adigaa leh

Isqandiiri, kana qoomamee, qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba, qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn, qaadow adigaa leh

Qosol iyo qamuunyo isku xiga, qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah, qawl aan la fulin, qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo, qadaf iyo been, qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa, qayb ka lumi, qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka, iyo quus rageed, qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada, qaadow adigaa leh

Dad qamaami, qayliyo dagaal, qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay, maantana qafaal, qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan, qaadow adigaa leh

Dhalinyara afkood uun u qoran, qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada, qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee, qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan, qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo, qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula, qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay, dabadeeda qabo, qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu, inay kuu tiraa, qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon, qaadow adigaa leh

Qandaraaska qaatumo xumada, qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan, qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban, qaadow adigaa leh

Af qalala bushima qolof dhacsada, qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida, qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin, qaadow adigaa leh

Ragoo quusta dumarkoo qawada, qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila, qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax, qaadow adigaa leh

Qubays laga wahsado iyo qurmuun, qaadow adigaa leh
Qamiis walaf, quluub aan xasilin, qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo, qaaqla nimo, qaadow adigaa leh

Waa quutul awliyo kidbiya, qaadow adigaa leh
Qaammuuska waxa cay ku qoran, qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn, qaadow adigaa leh

Qabsimadu inay kala xirmaan, qaadow adigaa leh
Qurbaha joog, adoon hawl ka qaban, qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran, qaadow adigaa leh

Qiso yaablohooy qarinayaan, qaadow adigaa leh
Qofka daa’immoo qiima dhaca, qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban, qaadow adigaa leh

Ku qasaar, macaashkana ku qarow, qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo, qaac ibliis, qaadow adigaa leh
Hanti qaran, qanaafiir u gee, qaadow adigaa leh

Qaadicu salaadnimo asala, qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo, qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya, qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye, adigaa qaranka aafeeyay

Waxaa soo ururiyey:
Axmed shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.