Home » Warar »

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Deeq lacageed Guddoonsiiyey dad aad u Tabaaleysan oo ku sugan Muqdisho

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS) oo inta badan gacan siiya dadka tabaaleysan iyo dadka ku barakacay gudaha dalka ayaa sanadguuradiisii 3-aad oo ku beegan maanta 15/05/2011 ayaa Xus ku aadan Sannadguuradaas waxaa deeq lacageed gudoonsiiyey dad aad u tabaaleysan oo ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaas oo isugu jiray dad cuuryaamiin ah, indhoolayaal iyo barakacayaal, waxaana goobtii lagu guddoonsiinayey deeqdaasi lacageed goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha fulinta Ururka Waddaniga Soomaaliyeed Maxamed Cali Jinaax ayaa isagu mid mid u guddoonsiiyey deeqdaasi lacageed dadkii loogu talagalay, waxa uuna sheegay in deeqdaasi ku soo beegantey Xilli uu ururku xusayo sanadguuradii 3-aad ee ka soo wareegtay aasaaskiisii, waxaa kale oo uu sheegay in deeqdaan ay soo dhiibeen xubno ka mid ah Ururka Waddaniga Soomaaliyeedj, waxayna deeqdaan ugu talagaleen in la siiyo dadka aadka u liita ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Mudane Jinaax ayaa waxa uu sheegay in qoyskiiba la siiyey $20 si ay ugu Dabaraan nolol maalmeedkooda, isagoo sheegay in aysan deeqdaan aheyn middii ugu horeeyey ee ururku bixiyo, balse deeqo hore ay siiyeen dad aad u liitay oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dadkii la guddoonsiiyey deeqdaasi waxay aad ugu mahadceliyeen intii gacan ka soo geysatay sidii ay u soo gaari lahayd, waxayna ugu duceeyeen in Alle siiyo bedel Kheyr badan, waxayna u soo jeediyeen Ururka Waddaniga Soomaaliyeed in sii labalaabaan hawlahooda ku aadan taakuleynta dadka tabaaleysan.

Guddoomiyaha Golaha fulinta Ururka Waddaniga Soomaaliyeed Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur (Shubka) ayaa fariin ku aadan Xuska Sannadguurada Saddexaad u diray shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan dulqaad iyo alle ka cabsi, isagoo sheegay in mustaqbalka dhow uu ururku ka caawin doono dadka tabaaleysan dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo abuurista shaqooyin.

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ayaa ujeedooyinka loo aasaasay waxaa ka mid ah sidii loo mideyn lahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda lana abuuro heshiis iyo walaaltinimo, in la abuuro dareen waddan jacayl iyo iskaashi gudaha shacabka Soomaaliyeed, in la hormariyo dhaqanka afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, in la ciribtiro qabyaalada iyo wax qoris la’aanta iyo faquuqa gudaha shacabka Soomaaliyeed, in la dhiirigeliyo isticmaalka xoogga iyo maskaxda Soomaaliyeed iyadoo la marayo iskaashi dhex mara shacabka Soomaaliyeed, in laga qaybgalo nabad ku soo dabaalida iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in la caawiyo dadka Masaakiinta ah iyo dadka ku barakacay dagaalada iyo abaaraha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.