Hordhaca taariikhda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqanaya hormoodkii xurnimada Soomaaliyeed inay ahaayeen 13kii asaasay ururkii S.Y.L ee ay hoggaanka u ahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed bishii May 05/15/1943kii, halgankii ay bilaabeena uu noqday midkii dhaliyey xornimadii bishii July 07/01/1960kii taariikhda ay xambaarsabn tahay iyo qiimaha ay leedahay 15 May laguma soo koobi karo faalladani hase ahaatee waxaannu xusi doonaa oo keliya ahmiyadda guud ee ah inay dhallinyaradii S.Y.L ay ahaayeen furihii xornimada ee dalka kana badbaadiyey shacabka Soomaaliyeed gumaysi aan dhammaad lahayn una horseeday xornimo, horumar, caddaallad, iyo dowladnimo buuxda.
Waxyna kala ahaayeen magacyadoodu sidan: 1. Yaasiin Xaaji Cusmaan, 2. Daahir Xaaji Cusmaan , 3. Cali Xasan Maxamuud , 4. Siidii Xirsi Nuur, 5. Maxamed Cali Nuur 6. Maxamed Faarax Hilowle, 7. Cusmaan Geedi Raage, 8. Dheere Xaaji Dheere 9. Maxamed Cusmaan Baarba, 10. Huudow Macallin Cabdulle, 11. Xaaji Maxamed Xuseen 12. Cabdulqaadir Saqaawediin, 13. Xaajji Maxamed Cabdullaahi (Xayeesi).
Haddaba, sidee baad u aragtaa dhallinyaradii waqtigaa ay xaalladu ay sidaa ahayd naftoodii u huray inay dalka gumaysiga ka saaraan kuna kulmay inay aasaaraan xisbi siyaasi ah iyadoo gumaystuhu uu isha ku hayo dhaqdhaqaaqyada ay dhallinyaradu samaynaysay? waxaa la oran karaa xaaladaasi waxay ahayd mid geesinimo halyeynimo ay naftoodii khaaliga ahayd uga door bideen xornimada dadkooda iyo dalkooda hooyo, ururkii S.Y.L hal ku dhigiisu wuxuu ahaa ” ha noolaato ” oo aragtida ka dambaysa ay ahayd xornimada iyo in aan marna dib loo laaban ee uu halganku noqdo mid sal u noqda xornimo iyo dowlad soomaaliyeed oo xukunkeeda loo dhan yahay sida ka muuqatay hab dhismeedkii ururkii siyaasiga ahaa ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee S.Y.L.
Ururkii S.Y.L wuxuu ka koobnaa sida aannu ognahay 13 xubnood oo dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood ah ahaayeen markaasi kuwo aan wax qori karin waxna aan akhrin karin, maantana waxaa jooga kumanaan wax qori kara waxna akhrin kara aqoon dheeraad ahina u leh siyaasadda dalka waxaase su’aal ah xagee bay xaajadu ka socon la’dahay? runtii dhallinyaradii hore waxay ahaayeen kuwa uu qalbigoodu uu midaysan yahay hadafkooduna uu ahaa sidii gumaysiga dalka looga saari lahaa, kuwa maantase waxaa laga yaabaa inaysan garanayn macnaha ay xornimadu xambaarsan tahay iyo halgankii loo soo maray iyo inay naftoodii u waayeen, laakiin iyagu waxaa ku adeeganaya qabqable qabiil oo dana gaar ahi leh una tusaya dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed weji aan haboonayn taasina ay noqotay inay Soomaaliya 21-Sanadood la degi la’dahay.
HALKAN KA DAAWADA DOODA 15 MAY
Dhallinyaradu waan lafdhabarkii dalka burburka Soomaaliya ku dhacay waxaa ugu wayn oo ay nabadadii iyo kala dambayntii ay u soo noqon waysay waa dhallinyaradii oo uu burbur xooggan uu ku dhacay, ha ahaadeen burcad badeed, burcad beri, dhallinyaro wejiga u qarsoon oo dhiig daadinaya , kuwa dalkii ka caraya oo tahriibaya, kuwa tarxiilka lagu keenayo iyagoo cayr ah, kuwa qurbaha ku milmaya oo waddooyinka mukhaadaraadka ku cabaya, kuwa qaxootiyada , gaajada iyo cudurada ugu dhimanaya, waxaanna hubaal ah in sanaguuradan 68aad ee aasaaskii ururkii S.Y.L ay ku soo beegan tahay waqti ay dhallinyarada maanta ay ku sugan yihiin xilli aad u murugsan siyaasadda dalkuna uu marayo xaallad aan deganayn taasina waxaa lagu tilmaami karaa nasiib darro ku dhacday dhallinyarada maanta oo iyagoo jooga qarnigii 21aad ee dunida ay u tallaabsatay horumarkii ugu dambeeyey iyaguna uu dalkoodii ku sugan yahay jahawareer amni darro, gaajo iyo abaaro, daggaallo aan dhammaad lahayn oo ka socda dalka oo dhan.
Gabagabadii iyo faalladani ku saabsanayd 15 May dhallinyaradii S.Y.L iyo dhallinyarada maanta ayaa waxaan ku soo koobayaa dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay bedelaan wejigaan cusub ee aan ku soo qeexay una guuraan horumarka geedi socodka nabadda horseedna ka noqdaan wax walba oo lagu soo cellin karo kala dambayntii iyo nabadgelyadii dalka, haddii ay dhallinyarada Soomaaliyeed aysan burburkan ka bixina waxaa hubaal ah inay sii daba dheeraan doonaan dib u heshiisyada iyo dadaaladda isbedel doonka ahi ee la doonayo in dalka lagu xukumo, haddiise ay dhallinyaradu noqoto kuwa ka qayb qaata horumarka dalka waxaa laga yaabaa inuu dalku ku soo noqdo degenaashihii iyo kala dambayntii uu lahaan jiray.
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf ( Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.