Home » Warar »

Shacabka Soomaaliyeed oo Walaac ka Muujiyey Eeyo loo soo Tababarey in dadka Baaraan marka ay galayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Waxaa Bilihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ku soo qul qulayey Shirkado Shisheeye oo aad u fara badan waxayna intooda badan haatan saldhig u ah Xaruntii Tababarka Ciidamada ee Xalane, waxayna Shirkadahaan la sheegey in aysan wax Ruqsad ah ka haysan Dowlada Federaalka sida uu dhawaan ka dhawaajiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axamed Tarsan oo sheegey in Shirkado gaaraya ilaa Soddon ay ku sugan yihiin Dugsiga Tababrka Xalane kuwaas oo uu sheegey in aysan wax ruqsad ka haysan Dowladda Federaalka.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu soo bandhigey Eeyo la sheegey in loo soo Tababarey Dowladda Federaalka kuwaas oo la sheegey in ay ka qayb qaadan doonaan Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana Eeyahan keeney Shirkada lagu Magacaabo Ban-Craft oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur afrika waxayna Eeyaha la socdey Dad Soomaali ah kuwaas oo tababar ku soo qaatey dalka Uganda iyaga iyo Eeyaha

Saraakiil Cadaan ah oo la socotey Eeyahaas iyo Saraakiishii Soomaalda ee loo soo tababarey ayaa waxay si tijaabo ah uga Howlgaleen Wajiga hore ee Garoonka kuwaas oo Gawaarida ka baarayey waxyaabaha Qarxa , Daroogada iyo Hubka waxaa la arkayey iyaga oo baaraya Gawaarida Galeysa Garoonka Diyaaradaha iyadoo Ciidamada loo soo tababarey Howshaas ay ahaayeen kuwo Wajiga u qarsoon yahay

Madaxa Tababarka Shirkadda Ban-Craft, Mr Luu oo u warmayey Saxaafada ayaa sheegey in Labadda Sarkaal ee Soomaaliada ay ka soo hareen 13 Ruux oo Tababar loogu qaadey Dalka Uganda , wuxuu sheegey in labadaan Sarkaal ay noqdeen kuwa si weyn u fahmey la shaqeynta Eayaha , waxaa la weydiiyey Sarkaalkaas sida ay uga Howlagalayaan Soomaaliya madaama ay diinta islaamka ogoleyn qof Muslim ah uu Eey taabto wuxuu ku jawaabey “Wadadamada Islaamka way qabaan Eeyo ka Howl gala Garoomadooda wax dhibaato kuma qabaan Dadkooda sido kale Eeyahaas waxay ku Howl geli doonaan sida Waafaqsan Xeerka Soomaalida.

Markii la soo bandhigayey Eeyahaas ma jirin Masuul ka tirsan Dowlada Federaalka oo goob joog ka ahaa, waxayna tani caddeyneysa in Dowladda Federaalka aysan ka war qabin Shirkadaha Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho , sidoo kale Shacabka soomaaliyeed ee ka dhoofaya Garoonka Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey Eeyahaas iyagoo Dowladda Federaalka ku canaantey sida aysan uga taxadareyn Shacabkooda oo ay yihiin rag Dalkooda la iska Maamulanayo.

Dadka qaarkood ayaa aad uga caroodey Howsha ay qabanayaan Eeyahaa waxayna sheegeen in Tababarkaas ku baxdey Kumanan doolar oo shacabka Soomaaliyeed Wax u tareyso maadaama ay isugu darsameen Dagaalo, Abaaro iyo Cuduro waxay kaloo ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay tahay Dowlad Magac u yaal oo aan ka warqabi waxa laga sameynayo Dhulkooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shacabka Soomaaliyeed oo Walaac ka Muujiyey Eeyo loo soo Tababarey in dadka Baaraan marka ay galayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho "

  1. Abdalla says:

    Asalaamu calaykum
    Salaan kadib anigoo si kooban u hadli doona, hadii aan ka hadlo mas’alada Eeyaha, shaqada ay qabanayaan iyo isticmaalkooda waan ayidsanahay, sababahaan soocoda awadeed
    1) Sida ku xusan qoraalka kore waxaan ka dha dhamiyay in diinta ogoleen, aniga ma qabo fikirkaas maxaa yeelay diintu waa qabtaa in Eeyaha la isticmaalo sida ugaarsiga, mar hadii loo isticmaalay Ugaarsi ma la diidayo in uu amniga ka qaybqaato oo aniga waxaan arkaa HORMAR ama TILAABO WACAN.

    2) Sidoo kale qoraalka waxaa ku xusan in ay kubaxday kumanaan kun oo Doller, hadii hantidaas ay leedahay Dowlada Somaliya waxaan u arkaa meesha lagu bixiyay in ay tahay mid saxan, Sabatoo ah waxaa la sugayaa AMNIGA shacabka waana baahi taagan sida GAAJADA/ABAARAHA. Maxaa yeelay waxaa la dhowrayaa NABAD GAL yadooda iyo HANTIDA QARANKA.
    3) Shirkadaha shisheeye haday jiraan waa laga roonyahay waana wacnaan laheed in la controolo dhaq dhaqaaqooda.

  2. Xujaale says:

    Waa yaab, qashin qub ayaan noqoney, sun nagalu soo daabulo aragnee, maantana ma eey ha ku baaro!!!, Ilaahey dowlad ku sheegtaan dhamaantood na dhaafsii. eey waa dirty whatsoever dalkastaa ha heestee qiil ma laha. Ruux muslim ah ee salaada waysana u dhowaran tahay dharkiisa ha ur ursado maxaa ka liita oo dhiman.