Home » Warar »

Guddiyadii Doorashada Madaxweyninimada Soomaaliya oo si Nabadgelyo ah uga ambabaxay Garoonka Muqdisho ka dib Cadaadis ka yimid..

Maalintii Isniita ayay ahayd markii Xildhibaano gaaraya 40 Xildhiibaan oo ahaa Guddiyadii Doorashada Madaxweynaha soomaaliya laga hor istaagey in ay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeedey Dalka Kenya si ay uga qayb galaan Siminaar ku saabsan qaabka loo sameeyo Doorashooyika Madaxweynaha waxaa siminaarkas bixin lahayd Hayad fadhigeedu yahay Cariga Mareykanka oo lagu Magacaabo NDI ka dib markii Amar ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudhaha lagu celiyey Xildhibaanadaas , wixii waqtigaa ka dambeeyey waxaa bilowdey in uu muran dhex maro Tagaageerayaasha Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Gudooomiyaha Baarlamaanka oo aad uga caroodey is hortaagaas ayaa ku dhawaaqey Xaley in Xildhibaanada baarlamaanka ay ka ambabixi doonaan Garoonka Muqdisho isagoo ku tilmaamey is hortaagaas mid Sharcidarro ah waxaana Arbacadii Garoonka Diyaaradaha ka amababaxay Guddigii Doorashada , waxaana arrinkaan ay ku timid Cadaadis Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Dowlada Farmaajo uga yimid Beesha Caalamka oo ugu horeeyo Mareykanka oo isagu cambareeyey falkii lagu hor istaagey Guddigii Doorashada.

Xareed Cali Xasan oo afhayeen u ahaa Guddiga Doorashada ayaa inta uusan ka amababixin Garoonka Diyaaradaha wuxuu Saxaafadda u sheegey in ay Khalad ahayd in Xildhibaano u socda Siminaar laga hortaago Safarkooda , wuxuu sheegey in Baarlamaanka uu la xisaabtami doono Cidii ka dambeysey falkaas lagu hor istaagey Xildhibaanada , wuxuu kaloo uu sheegey in Nairobi uga qaybgeli doonaan siminaar ku saabsan qaabka loo maamulo Doorashooyinka Mdaxweyninimada

Xildhibaan Xareed Cali Xasan ayaa sheegey in inta aan la gaarin Bisha Ogoosto la qaban doono Doorashadii Mdaxweyninimada Soomaliya isagoo sheegey in Guddigoodu uu yahay mid Sharci ah sida uu qorayo Axdiga ku meel gaarka ah , wuxuu kaloo uu sheegey in Xildhibaanada loo geystey Dhibaatada ay Maxkamad la kori doonaan cidkasta oo ku lug yeelata ishor istaagooda , maadaama lagu xadgudbey Sharaftooda Xildhibaanimo wuxuu kaloo uu Cadeeyey in aan wax xal ah laga gaarin Khil;aafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Safarka Guddiga doorashada waxay Waji Gabax ku tahay Xukuumada Federaalka waxaan muuqata in Guddoomiyaha Baarlamaaka uu gool siyaasadeed ka dhaliyey Taaageerayaasha Madaxweyne Shiikh Shariif oo Guddiga Doorashada ku tilmaamey mid Masiibo, sidoo kale waxaa soo ifbaxaya in Dowladda Federaalka ay tahay dowlada laga maamulyao dibadda waayo Dhoofitaanka Guddiga doorashada ayaa ah mid ku yimid Cadaadis ka yimid Dowladda Daneeya arrimaha Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Dowladda Mareykanaka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.