Home » Maqaallo »

Muranka Siyaasadda Soomaaliya, Fashilka Dowladda Jirta!

Qore: Xassan Xayle –

Waxaa arrin laga walwalo iyo ayaan daro ah in dhamaan dowladihii KMG ahaa ee loo sameeyay inay dalka u horseedaan nabad iyo soo cilin hanaan dowladnimo ay dhamaantood guul-daro iyo ku dhamadeen fashal; fashalkaas oo ka dhigaya in su’aalo badan la iska weydiiyo mustaqbalka siyaasadeed Soomaaliay

Waxyaabaha keenay, sababtana u noqday fashalka ku yimid dowladahaas, sida muuqata ama la ogyahay, waa isku mid: waa muran iyo khilaaf aan lagu eegeyn caqliga iyo degenaan, laguna tix-galineyn halka ay ku jirto, waa haddii lagu xisaabtamayo, danta guud ee dalka iyo ummadda!

Muranka adag ee maalmahan ka dhex socda madaxda sare ee dowladda KMG, oo runtii heerka ugu xun gaaray ka dib shirkii uu qabanqaabay ninka arrimaha Soomaaliya u matala Xog-hayahaa Guud ee QM, safiir Augustin Mahiiga, shirkaas oo bartamihii bashan April, 2011 lagu qabtay magaalada Neyroobi ayaa, sida laga war-qabo, Gudoomiyaha Baarlamaanku ka qaybgalay, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wassaarahuna ay labaduba diideyn ka qaybgalka shirkaas, halkaasna shirku, siyaasad ahaan, ku macno lumay

Runtii, waxay dowladdu ku tilmaamtay mawqifkeeda diidmada ah, in shirku caqabad ku noqnayo horumarka ay dowladdu sameeyneyso, isagoo luminaya waqti aad loogu baahanyahay in lasii wado dadaalka loogu jiro soo celinta amaanka iyo nabadeenta Soomaaliya

Muranka jira waxa uusoo bilawday ama horseed u ahaa ‘istiqaaladii uu shaqada uga tagay Ra’iisul Wassarihii hore Mudane Cumar Cabdirashiid iyo mawqifka siyaasadeed ee taa daba socday. Mawqifkaas oo muujiyay kala fogaasho u dhexeyda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sh Axmed iyo Gudoomiyahay Baarlamaanka Mudane Shariif Xassan Sh Adam

Kala fogaashahaas waxuu u gogol-xaaray soo bixitaan labo garab oo cusub oo, siyaasad ahaana, kala raacsan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo garab weliba u hawal galay inuu la herdamo kan kale, mid walibana qorsheestay sidii uu loolan siyaasadeed oo ku wajahan beesh Caalmka ugu miro dhalin lahaa!

Sida la ogyahay raga taabacsan Madaxweynaha ayaa hindisay dhismaha dowladda hadda jirta ee Ra’iisul Wassaraha u yahay Mudane Maxmed Cabdullaahi Formaajo; dowladdaas, oo aan rumeysanahay, inay aheyd khalad in mar kaliya dhismaheed laga reebo ragga culeyska siyaasadeed leh oo badankoodu ka mid ahaa dowladdii Mudane Cumar Cabdirashiid –arrintaas oo fursad siiday hamiga siyaasadeed, aan caadiga aheyn, ee Gudoomiyahay Baarlamaanka lasoo baxay ilaa iyo istiqaaladii Cumar Cabdirashiid.

Waxaa dhanka Madaxweynahay, Ra’iisul Wassarahay iyo garabka cusub ee bahda la ah ka fajiciyay shirqoolka siyasadeed ee Shariif Xassan iyo garabkiisu maleegeyn, waa kordhinta muddada jirtaanka Baarlamaanka iyo horjoogsiga in hal sano loo kordhiyo hey’adaha kale ee dowladda sida Madaxweynaha iyo Golaha Wassiirada, oo ay aheyd, markii horeba, in laga fududeeyo culeyska waqtiga kooban, (Time pressure), ee ka hartay muddada jiritaankooda, iyadoo la tix-galinayo hawl-qabadka Goluhu muujiyay ilaa iyo markii la dhisay, loona  baahday inla helo waqti ku filan si loo dhameystiro hawshaas.

Waxaa intaa dheer oo  kordhinaya cadaadiska saaran Madaxweynahay, Ra’iisul Wassaraha iyo kooxdooda u badan wassiirada xukuumada, ololha Xamar ay ka wadaan rag wassiiro ka ahaan jiray xukuumadihii Nuur Cadde iyo Cumar Cabdirashiid oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka tirsan hogaamiye kooxeed Muqdishow; raggaas oo si cad ugu eedeynaya Madaxweynahay inuusan dooneyn qabashada doorashada xilka Madaxweynaha iyo hogaanka Baarlamaanka ka hor inta aysan dhamaan muddada u hartay dowladda ee ku eg 20 bisha Augost ee sannadka 2011

Runtii, iyadoo is-jiidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socoda uu noqday mid laga yaqyaqsado, si muuqatana hakad u galiyay horumarkii yaraa ee laga sameeyay dhinaca amaanka iyo la dagaalanka ururka Al-Shabaab, gaar ahaan, caasimadda Xamar, ayaysan jirin in meel dhexe la isgu yimaado, lagana wada hadalo arrimaha leysku hayo iyadoo tixgalin siinaayo maslaxada guud ee dalka iyo shacbiga!

Xaaladdaas murugsan, waxaan in badan dhaamin, haddii aysan kaba xumeyn, mawqifka ay  madaxda maamul gobaleeyada qaarkood iska taageyn muranka ka dhex oogan madaxda dowladda KMG; runtii, waxaad moodaa in muranka socda ay dano siyaasadeed ka leeyihiin, iyagoon marnba soo jeedin talo iyo fakar wadinyadeed, ama isku dayin inay kala dhex galaan hogaamiyaasha ku muransan siyaasadda dalka

Si kastaba, haddii arrimuhu aysan dhinac wanaagsan isu badalin maalmaha soo socda, taasoo ku imaan karta, oo kaliya, in madaxda sare ee dowladda iyo ragga kala taabacsan oo dibcasnaan ka muujiyaan mawqifka adag ee koox waliba ku adkeysaneyso, muranka siyaasadeedna uu sidaa ku sii socod, waxaan shaki ku jirn in fashal aad u weyn ku imaan doono dowladda KMG ah ee hadda jirta

Fashalkaas, oo sida aan qabo, keeni doona inla waayo rajada ah in dalka laga sameeyo doorashoooyin iyo dhismo hanaan dowlanimo oo looga gudbo marxaladda KMG ah; sidaas awgeedna laga yaabo in mugdi galo rajada laga qabo soo celinta nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya

hassanhaile@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Muranka Siyaasadda Soomaaliya, Fashilka Dowladda Jirta! "

  1. war haye says:

    somalia waxay u baahantahay ariman soo socda
    1- in laga xoreeyo ciidamada shisheye iyo kooxda la shaqaysata
    2- in waxa loogu yeero beesha caalamka waxa ay wadato oo dhan laad lagu dhufto
    3- in shacabka somaliyed dib loo walaaleeyo
    4- in sharciga islaamka siduu yahay loogu dhaqo oo laga dhigin mid gaalo ka raali tahay